www.islamchoice.net

1-SIDEEN KU SOO DHAWEYNAA BISHA RAMADAAN?

Mahad oo dhan waxaa iska leh , Allaha mudan in la caabudo kaligiis, Allaha aniga iyo adigaba ku farad yeelay inaan soomno bisha Ramadaan ee barakeysan  Nabi Mux,edna e Rabi haka abaal mariyo siduu ugutay Risaaladii Alle inoogu soo dhiibay. walaal iiga waran hadii qofaad jeceshahay kula soo hadlo, ka dibna ku yiraahdo waan kuu imaanayaa waxaana kula joogayaa maalmo yar,miyaadan ku faraxdeen? waxaan shaki ku jirin inaad ku farxi laheyd, aadna u kala badan laheyd iskuna dayi laheyd inaad sameyso wax alaale iyo wixii farax galinaya  martidaas qiimaha badan, ee kula joogeysa maalmaha yar, kaasi wuxuu ahaa marti aad adigu jeceshahay bal ka waran marti Alle iyo Rasuulka iyo adiguba aad jeceshihiin, marti wada kheyr saacad kasta, marti habeenkiisu yahay kheyr, marti maalinkiisu yahay kheyr, marti naftu jeceshahay mar kasta   inay la joogto. Walaal wali ma is weydiisay martidani waxay tahay ? aan kaaga jawaabo anigu, martidani waa bisha Ramadaan, waa bisha kheyrka leh,  waa bisha Qur,aanka kariimka lasoo dajiyey.

More

(added on 12 Ramadan 1428)

BARBAARINTA UBADKA 

BARBAARINTA JIRKA

Mas'uuliyadaha waaweyn ee diinta Islaamku waalidka iyo inta ubad barbaarisa ku waajibisay waxaa kamid ah mas'uuliyadda barbaarinta jirka, si ubadka yari ugu barbaaro jir awood leh oo caafimaad qaba iyo muuqaal firfircoon.

Haddaba haddaad barbaariyeyaal tihiin, si aad u ogaataan amaanada dusha idinka saaran weynaanteeda, waxaynu halkaan idiinku soo gudbinaynaa manhajka cilmiga ku dhisan eey diinta Islaamku u jeexday barbaarinta jirka ubadka.

 

Next

(added on 16 Rabi Al Awwal)


 

BARBAARINTA UBADKA 

BARBAARINTA MASKAXDA

Barbaarinta Maskaxda waxa loola jeedaa in dhallaanka wax kasta oo faa'iida leh maskaxda loogu dhiso sida; barista shareecada Islaamka, barista cilmiga laammihiisa kala duwan ee casrigani u baahan yahay iyo ku dhisidda maskaxdiisa aqoon iyo waaya-aragnimo intaba, si uu xagga maskaxda uga bislaado, xagga aqoonta iyo cilmigana uga dhismo.

Mas'uuliyadda caynkaas ahi kama ahmiyad yara mas'uuliydihii aynu soo marnay ee diinta, akhlaaqda iyo jirka. Barbaarinta diintu waa aasaas, barbaarinta akhlaaqdu waa abuuris iyo qabadsiin, barbaarinta jirku waa samayn iyo diyaarin, halka barbaarinta maskaxdu ay ka tahay wacyi-eglin iyo baris.

Kol hadday lama huraan tahay in la caddeeyo marxaladaha loo baahan yahay inuu barbaariyuhu u maro nooc kasta oo barbaarin  ah iyo mas'uuliyad kastoo kaga aaddan ubadka, waxay nala tahay mas'uuliyadda barbaarinta maskaxda inay labadaan qodob udub dhexaad u yihiin; 1- Aqoonta. 2-  Wacyigelinta.

 

Next

(added on 16 Rabi Al Awwal)

BARBAARINTA UBADKA

NAFSADDA UBADKA XOREE

Xoraynta nafsadda waxa loola jeedaa in dhallaanka inta uu yaryahay la baro dhiirranaan, runtoo aanu la gamban, geesinnimo, dareen ah inuu yahay qof dhan, dadka kale inuu jeclaado, kolkuu caroodo uu naftiisa qabto iyo inuu akhlaaq iyo edeb wanaagsan yeesho.

Hadafka laga leeyahay barbaarinta caynkaas ahi waxa weeye sidii loo dhisi lahaa shakhsiyadda iyo dadnimada dhallaanka, loogana dhigi lahaa qof dhammaystiran oo miisaaman, si hadhoow kolka uu da' garasho gaaro waajibaadka saaran uu si buuxda u qaadi karo.

Waalidka iyo inta ubad barbaarisa waxa ah waajib saaran inay dhallaanka inta uu yaryahay ka xoreeyaan waxyaabaha karaamadiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya, kuwaasi oo ku dhalinaya inuu dunida ku eego il xaasadnimo, nacayb iyo raja beel.

Waxyaabaha barbaariyahaa looga baahan yahay inuu ubadkiisa iyo ardadiisa ka xoreeyo waxa ugu horreeya: 1- Sheexa. 2- Cabsida. 3- Dareenka liidasho. 4- Xaasidnimada.

 

Next

(added on 16 Rabi Al Awwal)

 

BARBAARINTA UBADKA 

BAR BULSHO-LA-DHAQANKA

Barista bulsho-la-dhaqanka waxa loola jeedaa: Ubadku inta uu yar yahay in lagu abaabiyo dhaqanka bulshada ee wanaagsan inuu ku dhaqmo, taas oo salka ku haysa caqiidada Islaamka iyo dareenka iimaan ee qotada dheer, si dhallaankaasi uu kolka uu koro u noqdo mid bulshada uga dhex tilmaaman xag asluub iyo akhlaaq wanaag iyo caqli bisayl iyo dhaqan toosnaan.

Barbaarinta bulshadu waxa weeye isu geyn natiijadii noocyadii aynu kasoo hadalnay ee barbaarineed, maxaa yeelay waxa weeye barbaarin dhaqameed laga dhex akhrisan karo hadba sida uu dadka ula dhaqmo, akhlaaqda u dhawro, garaadkiisa iyo caqligiisa u isticmaalo, bulshadana sharaf iyo dadnimo kula dhex noolaado.

Waxan shaki ku jirin in caafimaadka bulshada iyo iskaashiga iyo isku tiirsanaanteedu ay ku xiran tahay caafimaadka xubnaha ay bulshadaasi ka kooban tahay iyo hadba sida loo diyaariyo.  Sidaas darteed bay diinta Islaamku xoog u saartay diyaarinta ubadka iyo barbarintooda, xag dhaqan iyo xag bulshadeed intaba.

 

Next

(added on 16 Rabi Al Awwal)