XARUNTA HIDAAYADA EE LAGU

  DARYEELO MUSLIMKA CUSUB..

Waxa diyaariyey

D.r. mahdi qaadi

Waxaa turjumey

C/qaadir sh.max,ed akhii

 ABAALGUDKA UQAALISAN..

Maxaa ka wanaagsan oo ka qaalisan markii abaalgudku ka yimaado xaga rabi, abaalgudkaasoo  faa,idadiisa la helaayo   aduun iyo aakhiro..          

ma soo koobin abaalgudyada laakiin Waxaan ka sheegi mid walba labo abaalgud si ay arintani ucadaato farqiga udhaxeeya muuminiinta iyo dadka kale waa  muuminuutu waxey doonayaan wixii alle agtiisa ahaadey .                       

allahayow na soo oo hanaga hoojinin                             

abaalgudyadan waxaa kasii danbeeya kuwo kale oon dhamaad laheyn ,,,                                                           

1- NICMADA WEYSO QAADKA..

markaan weyso qaadano rabi wuxuu ina siinayaa labo abaalgud..

midka hore: wuxuu noo dhaafayaa wax alaale iyo waxaan danbi galay ..

mida labaad: wuxuu noo furayaa albaabada janada ee sideeda ah ..

rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri : (Qofkii sidaas uweyso qaata waxaa loo dhaafayaa danbigiisii hore ) waxaa soo saaray muslim lam : 336

wuxuu kaloo nabigu s.c.w.  yiri : (Ma jiro mid idinka mida oo weyseysanaya oo waliba weysada ku xeeldheeraanaya kadibna dhahayaa: ash-hadu (Waxaan maqraati ka ahay inuusan jirin allaaha waaxidka ah ee aan shariiga laheyn ma,ahane inuusan alle kale jirin, waxaan kaloo maqraati ka ahay inuu yahay muxamed s.c.w. alle adoonkiisii ahna rasuulkiisii qofkii intaa dhaha waxaa loo furayaa sideeda albaab ee janada markaasuu albaabkuu rabo kagali ..muslim : 345.

 

2- MARKAAN DADKA DIINTA JECLEYSIINO..

markaan dadka diinta jecleysiineyno rabi wuxuu ina siinayaa labo abaalgud..    

Midka koobaad : waxaa la inoo furayaa wadooyinka      kheyka leh          

Mida labaad : waxaa la inaga badbaadinayaa meelaha      ..  khatarta ah aduun iyo aakhiro .                                         

rabi wuxuu yiri: ( Kuwa ku dadaalay jidkeena waxaanu ku hanuunineynaa jidkeena )

rabi wuxuu kaloo yiri : (Tijaaro idinka badbaadineysa cadaabka daran xagiisa )

3- AAYATUL-KURSI OO LA AQRIYO SALAADA KADIB..

makaan aqrino aayatul-kursiga salaada kadib waxaan  heleynaa labo abaalgud .. Midka hore : Alle subxaanahu wa tacaala wuu na xifdinayaa intaan nool nahay .

Mida labaad : Inaga iyo janada waxaa kaliya oo inoo dhaxeynaya la kulanka rabi.

Xadiiska:(Qofkii aqriya aayatul-kursiga markuu waagu baryo waxaa laga badbaadinayaa jinka  ilaa galabtii , qofkii aqriya galabtiina waxaa laga badbaadinayaa jinka ilaa uu waagu ka baryo . waxaa soo saaray nisaa,i dhabaraani , waana xadiis saxiixa sida ku cad at-tarqiib : 662

Wuxuu kaloo yiri nabigu s.c.w. (Qofkii aqriya aayatul kursiga salad kasta gadaasheeda kama mancinayo galida janada waxaan inuu dhinto ka aheyn )eeg saxiixul jaamac juska 2 lambar: 6464 .

4- LABADA WAALID OO BAARI LOO AHAADO..

markaan labada waalid baari unoqono , oon qaraabada xiriirino , allaah wuxuu na siinayaa labo abaalgud ..

Midka hore : Arsaaqda ayuu inoo waasicinayaa .

Mida labaad : Cimrigeena ayuu dheerynayaa ..

nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Qofkii jecel in arsaaqdiisa loo waasiciyo cumrigiisa la dheereeyo qaraabadiisa ha xiriiriyo ) waxaa soo saaray bukhaari : 1925

5- In caruurta si fiican loo la tacaamulo

5- IN CARUURTA SI FIICAN LOOLA TACAAMULO .

markaan hagaajino mucaamalada caruurteena iyo tarbiyadooda waxaan heleynaa labo abaalgud                     

Midka koobaad : waxaa wanaagsanaaneysa nolasheena iyo nmida caruurteena ..                                                   

Mida labaad : waxaa inoo soconaya xasaanka markaan dhimano      

rabi wuxuu yiri : (Qofkii sameeya camal wanaagsan rag iyo haweenba- isagoo muumin ah waxaan nooleysiineynaa nolal fiican) an-naxli 97 nabiguna s.c.w. wuxuu yiri (Haduu dhinto qofku camalkiisu wuu go,ayaa sadex arimood ma ahane , sadaqo ma go,da ah iyo cilmi lagu intifaaco iyo wiil ama gabar wanaagsan oo soo duceeya )waxaa soo saaray muslim 3084.

6- REERKA OO LOO DHIMRIYO

markaan haweenkeena u dhimrino rabi wuxuu ina siinayaa labo abaalgud  :

Midka koobaad : waxaan ahaaneynaa kuwa dadka ugu kheyrka badan

Mida labaad : xayaatadeena oo dhan waxey ahaaneysaa kheyr socda

rasuulkii illaahays. C.w. wuxuu yiri : (Waxaa idiinku kheyr badan midka ehelkiisa ugu kheyrka badan ) waxaa soo saaray ibnu xibaan (saxiixu tarqiib lam :1924 )

wuxuu kaloo rasuulku s.c.w. yiri : ( Hadii rabi la doono reer kheyr wuxuu dhexdooda galiyaa dhimrin )

waxaa soo saaray axmed . (silsilada saxiixa lam 1219)

7-XIJAABKA   HAWEENKA..

gabadha ka xijaabata raga ajnabiga ka ah rabi wuxuu siinayaa labo abaal gud .. Midka koobaad : waxey ahaan mida haweenka ukheyrka badan .

Mida labaad : waxey ahaan mid lagu barto cafiifnimo iyo heybad..

nabigu s.c.w. wuxuu yiri:(Safka haweenka ee salaada waxaa ukheyr badan midka ugu danbeeya ) waxaa soo saaray muslim 664

rabina subaxaanahu watacaalaa wuxuu yiri : ( Nabiyow   ku dheh  haweenkaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka muuminiinta isku dada shukadiina , taasaa idiinku dhow in la idin aqoonsado  oon laydin dhibine eebane waa danbi dhaafe naxariiste ah  ) al-axsaab  : 59

 

8-HAWEENEYDA NINKEEDA JECEL 

MARKUU XANAAQANA RAALI GALISA..

mida u ah ninkeeda hooy iyo daawo waxey heleysaa labo abaalgud :

Mida koobaad : waxaa wanaagsanaanaya xayaatadeeda  iyo gurigeeda aduunka.

Mida labaad : camalkaas ay alle dartiis u sameysay ayaa janadeeda  naciimo sabab u noqonaya . 

Rabi wuxuu yiri : (Qofkii sameeya camal wanaagsan rag iyo haweenba- isagoo muumin ah waxaan nooleysiineynaa nolal fiican ) an-naxli : 97

Nabiguna s.c.w wuxuu yiri : (Haweenkiina kuwa ahlu janada ah waa kuwa ragooda jecel ee dhalmada badan, waa kuwa markii xanaaq  dhaco raali galiya ragooda  waa kuwa hadii la dibo ama ay wax dhibto qabata gacanta ninkeeda iyadoo  dheheysa walaahi inaana isku qabaneynin indhaha ilaa aad raali noqoto ) silsilada saxiixa juska 1 lam: 387

9-SALAADAHA FARADKA AH OO LA TUKADO ..

markaan xifdino salaadaha faradka ah waxaan heleynaa labo abaal gud ..

Midka koobaad : Rabi sucaanahu watacaalaa wuxuu inaga korinayaa naarta . Mida labaad : Waxaa balan ah in rabi janada ina galiyo ..

rasuulkii alle s.c..w. wuxuu yiri : (Waad gubaneysaan waad gubaneysaan , markaad tukataan salaada subax wey baabiineysaa , hadana waad gubaneysaan waad gubaneysaan markaad tukataan salaada subax wey meyreysaa , hadana waad gubaneysaan waad gubaneysaan markaad tukataan salaada caar wey meyreysaa , hadana waad gubaneysaan waad gubaneysaan markaad tukataan salaada maqrib wey meyreysaa , hadana waad gubaneysaan waad gubaneysaan markaad tukataan salaada cishaha wey meyreysaa ) waxaa wariyey dhabaraani (saxiixa at-tarqiib lam : 357) Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : ( Shanta salaadood ee rabi ku farad yeelay adoomaha qofkii la yimaada Isagoon waxba ka naaqusinin rabi wuxuu xaq ugu lee yahay inuu janada galiyo )eeg saxiixul-jaamac as-saqiir lam : 3243

10- TASBIIXDA SALAADA KA DANBEYSA ..

markaan la imaano tasbiixda salaada ka danbeysa waxaan heleynaa labo abaalgud ..

Midka koobaad : khasaari meyno intaan nool nahay waligeen..

Mida labaad : cid inaga fiican ma jireyso ilaa qof sideena oo kale u tasbiixsaday ma ahane ..

rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri : ( Kuwa cidhibta danbe u roon ee uusan ku  khasaareynin qofkii dhaha salaada faradka  kadib waa  33jeer subxaana llaah 33jeer al-xamdulillaah 34jeer allaahu akbar .. waxaa soo saaray muslim : 937

rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri : (Ma idin baraa  shey aad kaga hormari kartaan dadkii idinka horeeyey iyo kuwii idinka danbeeya , oo aysan jireynin cid idinka fiicanaaneysa ilaa qof sameeyey waxaad sameyseen ma ahane, waxey yiraahdeen haa rasuulkii allow , nabigu s.c.w. wuxuu yiri : waad tasbiixsaneysaan  ,waad takbiirsaneysaan -  allaahu okba - waad alxamdulillaahiyey saneysaan mid kasta 33jeer salaada ka dib, waxaa wariyey muslim: 936

12-WAX WALBA ALLE KA TUUG ..

Markaan illaahay wax walba ka barino waxaan heleynaa labo abaalgud .

Midka koobaad: waxaan  ku khasaareyno ma jiraan..

Midka labaad : rabi ducadeena wuu in asiin ..

Rabi wuxuu yiri: (Ma ihi rabiyow mid baryadaada ku khasaaraya ) suurada maryam : 4

Rasuulkii illaahay wuxuu yiri: ( Ma jiro muslim aduunka dushiisa jooga oo  alle tuugaya ilaa haduu jiro wuxuu dalbay  wuu helaa ama dhib ku soo food leh ayaa rabi kaga qabtaa , waa haduusan rabi ka tuugin dhib iyo qaraabo goys.. nin dadka ku jiray ayaa  wuxuu yiri hadaba waan badineynaa ducada allaahu akbar ) tarmiidi lam: 3573.

13- DIKRIGA ALLE OO LA DAA,IMO ..

Markaan alle xusno markasta-  ama aan dadka xusuusino  waxaan ka heleynaa labo abaalgud :

Mida koobaan : waxaa ina  xusaya rabi ..

Mida labaad : waxaan ahaneynaa kuwa u qawisan waayo rabi baa nala jira ..

Rabi wuuxuu yiri : (Ixusa aan idin xusee ) xadiisu qudsi rabi wuxuu ku yiri : ( adoonkeeyga maciisa ayaan ahay haduu ixuso ) waxaa wariyey bukhaari : 6856..

 

14- IN LA BADIYO SALIGA NABIGA S.C.W.

markaan badino saliga nabiga s.c.w. waxaan ka heleynaa labo abalgud :

Midka koobaad : illaahay subxaanahu watacaalaa wuxuu inaga kaafinayaa hamiga ..

Midka labaad : illaahay subxaanahu watacaalaa wuxuu inoo dhaafayaa dunuubteena ..

xadiiskii ubayi ibnu-kacab alle haka raali ahaadee wuxuu yiri nabiga s.c.w. ayaa wuxuu yiri :  nabi allow dushaada  ayaan ku saliyaa marka intee in la eg ayaan kugu saliyaa wuxuu yiri nabigu intaad dooneysid  waxaan iri rubac makugu saliyaa , wuxuu yiri hadaad dooneysid ,hadaad ka badisana wey kuu roon tahay , waxaan iri nus ayaan kugu salinayaa wuxuu yiri hadaad da]ooneysid hadaad ka badisana ka sii fiican  waxaan iri saligaaga ayaan waqtigoo dhan ka dhigayaa ,wuxuu yiri nabigu s.c.w. sidaas hadaad yeesho murugta ayaan kaa kaafinaya danbigaadana waan dhaafayaa .. sixiixu tarmiidi : 2457..                                                     

15- CILMIGA OO LA DALBO..

markaan ku dadaalo inaan wax kabarano diinteena wuxuu rabi ina siinayaa  labo abaalgud:

Midka koobaad : illaahay subxaanahu watacalaa wuxuu inoo sahlayaa wadada janada lagu galo ..

Mida labaad : malaaigta ayaa garbaheeda dajineysa raali ay ka tahay wuxuu sameynaayo dartiis..

rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii qaada wado uu ku dalbaayo cilmiga islaamka  rabi baa wuxuu u sahlaa wadada janada

malaaigtuna waxey dajineysaa garbaheeda sidey raali uga tahay owgeed qofka wax baranaya , caalimka waxaa rabi danbi dhaaf uweydiinaya wixii samada jooga iyo dhulka xataa kaluunka biyaha  ku jira , caalimku wuxuu ka fadli badan yahay caabidka  sida dayaxu uga sareeyo xidigaha, culimadu waa waa kuwii dhaxlay anbiyada , anbiyada kama aysan dhaxlin diinaar iyo dirham ee waxey ka dhaxleen cilmi , qofkii cilmi qaata wuxuu qaatay nasiib weyn .. )

saxiixu tarmiidi :2682..

16- MARKAAD SAKADA BIXISO..

Markaan sakada bixino waxaan heleynaa labo abaalgud..

Mida koobaad :waxey cadeyn u tahay iimaankeena

Mida labaad :waxey damisaa gafka sidey biyuhu udamiyaan naarta.. rasuulkii illaahay wuxuu yiri : (Sadaqadu waa burhaan       ) waxaa wariyey muslim lam: 328.                  .

Rasuulkii illaahay wuxuu kaloo yiri : (Sadaqadu waxey baabiisaa danbiga sida biyuhu udamiyaan dabka) waxaa wariyey sunan ibnu maaja waxaana saxiixiyey albaani lam : 2973..

 

- MARKUU RAMADAANKU DHASHO..17  

Markii bisha ramadaan dhalato illaahay wuxuu ina siinayaa labo abaal-gud

Midka hore: albaabada janada ayaa la inoo furi ..

Mida labaad: albaabada janada ayaa la xiri ..

Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : ( haduu ramadaanku galo waxaa la furaa albaabada janada , albaabada naartana waa la xiraa , shayaadiintana waa seeteeyaa ) waxaa soo saaray bukhaari 3035..

Wuuxu kaloo yiri s.c.w. : ( midka kheyrka doonayow soo qaabil midka sharka rabowna istaag.. )

18- MARKAAN ISKU DARO XAJ & CUMRANA ..

Markaan isku darno xaj iyo cumro illaahay  wuxuu na siinayaa labo abaalgud ..

Midka koobaad : illaahay subxaanahu watacaalaa wuxuu inaga ilaalinayaa faqriga ..

Mida labaad : illaahay wuxuu inaga fogeynayaa danbiyada ..

Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : ( isku raaciya xajka iyo cumrada , xajka iyo cumradu waxey ka hortagaan faqriga iyo danbiyada siduu birtumuhu uga nadiifiyo birta wasakhda saaran. Waxaa wariyey tarmiidi . (sisilada as-saxiixa lam : 1200)

 

19- BIYAHA SAMSAMKA ..

Markaan cabno biyaha samsamka waxaan heleynaa labo abaaldug ..                                                                     

Midka koobaad: in laga  caafimaado cudurada ..

Midka labaad : waxaan u niyoono waan heleynaa ..

Rusuulkii illaahay wuxuu yiri : (Biyaha ugu fiican aduunkoo dhan waa biyaha samsamka , waa raashin cuntama waana caafimaadka xanuunada.. ) eeg silsilada axaadiista saxiixa lam : 1056..

Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : (Biyaha samsamka waa wixii loo cabo ) eeg silsilada  axaadiista as-saxiix : 1123

 

20- IN DANBI DHAAF LOO WEYDIIYO

MUUMINIINTA IYO MUUMINAADKA..

Arintan waxaa laga helayaa labo abaalgud ..

Midka koobaad : illaahay subxaanahu watacaalaa wuxuu inaga siinayaa qof kasta oon u duceyno xasanaad ..

Midka labaad : Malaga uxilsaaran howshan wuxuu dhahayaa ajir lamida ayaad lee dahay ..

Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii u danbi dhaaf dalba muuminiinta iyo muuminaadka wuxuu ka helayaa qof kasta oo muumina ajir..) saxiixul jaamac :6027..

Wuxuu kaloo yiri rasuulku s.c.w. : ( qofkii uduceeya walaalkii oo maqan , Malaga uxilsaaran ducada ayaa ku dhaha waxaad ugu duceystay oo kale ayaad lee dahay ..

Waxaa soo saaray muslim..4913..

21- MARKAAN ALLE DARTIIS ISU JECLAANO ..

markaan alle dartiis isu jeclaano oon uwada fariisano oon alle dartiis isu booqano waxaan ka heleynaa labo abaalgud ..

midka koobaad : waxaan heleynaa maxabada illaahay..

mida labaad : waxaan hadhsaneynaa hadhka alle qiyaamaha .

rabi subxaanahu watacaalaa wuxuu ku yiri xadiisul-qudsi : (Maxabadeydu waxey uwaajibtay kuwa dartey isu  jeclaaday, maxabadeydu waxey u waajibtay kuwa dartey isu soo booqan , maxabadeydu waxey uwaajibtay kuwa dartey wax isu siinaya , maxabadeydu waxey uwaajibtay kuwa dartey usaaxiibay..) waxaa wariyey axmed . saxiixul muslim

saxiixul-tarqiib lam: 3021.

Rasuulku s.c.w. wuxuu yiri :( illaahay subxaanahu wa tacaalaa wuxuu dhihi qiyaamaha away kuwii isu jeclaaday dartey maanta ayaan hadheysiin hadhkeyga , hadh aan hadhkeyga aheyna ma jiro ..) waxaa wariyey muslim..4655..

FARXADA IYO ABAALGUDKA LAGA

KASBADO XAJKA IYO CUMRADA..

Rabi wuxuu yiri : (Eebe wuxuu ku lee yahay dadka xajka beydka ruuxii kara wadada..) nabiguna s.c.w. wuxuu yiri: (Waxaa jira labo camal oo aad u fadli badan waxaa heli kara qofkii sameeya kaliya , waa xajka iyo cumrada sida wanaagsan loo guto.. )waxaa soo saaray axmed 4/114. albaani wuxuu yiri : saxiix weeye markii la eego axaadiista kale eeg kitaabka iimaan ee ibnu-teymiya    ..

2- Rasuulkii illaahay wuxuu yiri :                    

3-Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : ( Xujeyda iyo kuwa cumreysanaya waa wafdigii ilaahay , rabi baa u yeeray markaasey ajiibeen , alley  baryeen markaasuu siiyey ..  waxaa wariyeyal-basaar sanad saxiixa ???

4-Waxaa la weydiiyey rasuulka illaahay s.c.w. camal midka u fiican ? markaasuu  wuxuu yiri : ( Iimaan alle iyo rasuulkiisa kadibna maxaa ku xiga wuxuu yiri : jihad  fii sabiili llaah kadibna ma xaa ku xiga wuu yiri xaj si wanaagsan loo guto

saxiix at-tarmiidii: 1658.

Xajka wanaagsan waa kan la sameeyo dhexdiisa , hadalka fiican , dadka baahan oo la quudiyo, salaanta oo la faafiyo)

5- Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : (Qofkii xajiya oon xaaskiisa jimaacin, fisqina galin wuxuu ka baxayaa  dunuubtiisa sidii isagoo hada hooyadii dhashay oo kale ..

saxiixu at-tarqiib : 1095..

6- Rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri : ( labo cumro oo  kasta dhexdooda dunuubta ayaa la dhaafaa , xajka dhexdiisa lagu baari yeelayna abaal marin aan jano aheyn malehan .. saxiixul jaamac  : 4135..

7-Nabi muxamed s.c.w. wuxuu noo sheegay  inuu islaamku baabiinaayo wixii ka horeeyey , hijraduna iney baabiineyso wixii ka horeeyey , xajkuna wuxuu baabiinayaa wixii ka horeeyey ..

mishkaatu masaabiix (saxaxahu al-baani  lam : 28,37 )

 

AJIRKA LAGA HELO TALBEEKTA..

8-Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : ( Ma jiro qof talbeeksanaya ilaa haduu jiro waxaa la talbeeksada wixii midigtiisa iyo bidixdiisa ahaaday sida dhagaxa ,geedaha, gurya  dhoobka ilaa dhulka meesha udanbeysa la gaaro xaga mid iyo bidixba ..        

waxaa  ku wariyey shardiga bukhaari iyo muslim xaakim..

9- Rasuulku  s.c.w. wuxuu yiri : ( Waxaa ii yimi  jibriil  wuxuuna igu yiri amar asxaabtaada inay kor uqaadaan talbeekta , waayo waa astaanta xajka ..

waxaa wariyey xaakim wuxuuna yiri:  isnaadkiisu waa sax

10- ??? Rasuulkii illaahay s.c.w. wuxuu yiri :  (Ma jiro qof talbeeksanaya ilaa haduu jiro waa loo bishaareeyaa  rasuulkii allow ma janaa  loo bishaareyn wuxu yiri : haa ),, sunan ibnu maaja (waxaa saxiixiyey albaani lam : 2921..

 

AJIRKA LAGA HELO DHAWAAFKA IYO

 LABADA RUKNI OO LA TAABSADO ..

11- Rasuulkii illaahay wuxuu yiri : ( dhawaafka beytka waa salaadoo kale , wuxuu uun kaga duwan yahay hadalka  ee qofkii hadla yuusan ku hadlin waxaan kheyr aheyn..) waxaa wariyey tarmiidi ( saxiixa at-tarqiib 1641)

12- Cabdillaahi ibnu cubeyd ibnu cumeyr ayaa ka maqlay aabihii ooku dhahayo ibnu cumar alle haka raali ahaadee : (Maxaa dhacay oonan kuu  arkin inaad taabaneysid labadan rukni al-xajarul aswadka iyo rukni yamaaniga ma,ahane  , ibnu cumar wuxuu yiri :  hadaan  sidaas sameeyey waxaan ka maqlay rasuulkii alle oo dhahaya :taabashada labada rukni waxey baabiisaa gafafka , wuxuu kaloo yiri : qof lugtiisa ma qaado mana dajiyo ilaa waxaa loo qoraa toban xasanaad , waxaana laga hoobiyaa toban danbi , toban darajana kor baa loo qaadaa.. eeg  saxiixa tarqiib : 1139 ..

13- Rasuulkii illaahay s.c.w.  wuxuu yiri : ( Qofkii dhawaafa kacbada isbuuc oon wax xumaana sameynin wuxuu helaa ajir udhigma qoor xoreyn .. )

saxiixu at-tarqiib 1138

SAWAABTA LAGA HELO NAFAQADA

 XAJKA IYO CUMRADA

Caa,isho alle haka raali noqdee wuxuu ka yiri nabigu s.c.w.  cumradeedii  :caashooy waxaad lee dahay ajir la eg intaad wax bixisay ama daashay..

Saxiixul- jaamac 2160..

SAWAABTA LAGA HELO ISTAAGA

 BANKA CARAFO..

Rasuulkii illaahaywuxuu yiri : illaahayahlu carafaat ayuu ugu faanayaa ahlu samaawaatka wuxuuna dhihi : (eega adoomadeyda waxey ii yimaadeen iyagoo boor iyo basaas leh .. saxiixa ibnu-khuseyma 2839..                                                      

  

SAWAABTA LAGA HELO DHAGAX TUURKA ..

Rasuulkii illaahay  s.c.w. wuxuu yiri  : ( hadii jamaraadka la tuuro lama oga sidey arintu tahay ilaa qofku dhinto qiyaamaha , hadii qofku dhawaafana wuxuu danbigiisii ka ahaanayaa sidii isagoo hooyadii hada dhashay oo kaleeto.. waxaa wariyey dhabaraani iyo xaakim saxiixiisa eeg saxiixa at-tarqiib : 1155