BARBAARINTA UBADKA 

BARBAARINTA JIRKA

Mas'uuliyadaha waaweyn ee diinta Islaamku waalidka iyo inta ubad barbaarisa ku waajibisay waxaa kamid ah mas'uuliyadda barbaarinta jirka, si ubadka yari ugu barbaaro jir awood leh oo caafimaad qaba iyo muuqaal firfircoon.

Haddaba haddaad barbaariyeyaal tihiin, si aad u ogaataan amaanada dusha idinka saaran weynaanteeda, waxaynu halkaan idiinku soo gudbinaynaa manhajka cilmiga ku dhisan eey diinta Islaamku u jeexday barbaarinta jirka ubadka.

1- QUUDI QOYSKAAGA

Eebbe Subxaanahu wa-Tacaale wuxuu leeyahay:

(Aabbaha loo dhalayna waxaa ku waajib ah masruufkooda iyo marashadooda oo uu wanaag ku siiyo) (Al-Baqara: 233).

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Diinaar aad Eebbe jidkiis “jihaad” ku bixisay, diinaar aad addoon xorayntiisa loogu haysto siisay, diinnaar aad ruux sabool ah ku saddaqaysatay iyo diinaar aad reerkaaga siisay, waxaa ugu ajar badan ka aad reerkaaga siisay)[1].

Thowbaan (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Diinaar uu ninku la baxo waxa ugu fiicaan; diinaar uu carruurtiisa siiyo, diinaar uu gaadiidkiisa uu ku jihaadayo ku bixiyo iyo diinaar uu saaxiibbadiisa la jihaadaya siiyo)[2].

Sacad ibnu Abii-Waqaas (RC) waxa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu ku yiri: (Wax kasta ood Alle dartiis ula baxdo ajar baa lagaa siinayaa xitaa hadday tahay luqmadda aad xaaskaaga afkeeda gelinayso)[3].

Haddaba aabbuhu kol hadduu quudinta xaaskiisa iyo carruurtiisa ajar iyo xasanaad dheeri ah ka helayo, sidaas oo kale buu dembi dheeri ah uga helayaa haddaanu quudin kana bakhaylo baahitirka reerkiisa isagoo kara.

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qof waxa dembi ugu filan cidduu quudkeeda haayay inuu u diido) [4].

Quudinta qoysku waxay waajib ku tahay ninka, si kastuu u xoolo yaryahay, xaaskiisuna u xoolo badan tahay, waxana laga doonayaa hadba wixii tabartiis ah.

Eebbe wuxuu yiri:

(Kii wax badan haystaa waxa uu haysto "qoyskiisa" ha ka quudiyo, kii lagu adkeeyayna wixii Alle siiyay wax ha ka bixiyo, Alle nafna wax aanu siin ma dul saaro, culays keddib Alle fudayd ayuu keeni doonaa) (Ad-Dhalaaqa: 7).

Haddaba haddii ay dhacdo in ninku aanu waxba haysan, haweentuna ay xoolo leedahay, qoyska inay ku biishaa ma waajib bay ku tahay? maxayse ka helaysaa hadday ninkeeda garab istaagto ooy kaalmayso?. Jawaabtu waxa weeye marnaba waajib kuma ah inay xitaa nafteeda oo baahan xooleheeda cunto, maadaama uu nin qabo isagana ay waajib ku tahay inuu biilo. Haddii haddaba kolkuu biil waayo ay xooleheeda wax ka cunto, carruurtana ka biilato, sadaqo ay ninka ku sadaqaysatay bay uga dhigan tahay.

Ummu-Salama (RC) waxa laga weriyay: Waxaan iri: Rasuul Alloow haddaan ilmo Abuu-Salama quudiyo ajar ma ka helayaa, si kastabana kollay kama tageen oo waa carruurtaydii eh?. Wuxuu yiri: (Haa, waxaad ku quudiso ajarkooda waad leedahay)[5].

Quudinta qoysku waxa weeye in aabbuhu uu reerkiisa u diyaariyo raashin tiro iyo tayo ku filan leh, guri habboon iyo marasho wanaagsan, si aanu jirkooda cudur ugu dhicin, daal iyo darxumana uga difaaco.

2- DARYEEL CAAFIMAADKA QOYSKA

Waxa loo baahan yahay in si gaar ah looga taxaddero, loona daryeelo caafimaadka cuntada, cabitaanka iyo halka ay carruurtu seexanayaan. Waxa iyadana loo baahan yahay in la raaco xeerarka caafimaad ee cunta qaadashada, cabista iyo jiifka, say carruurtu caado, dhaqan iyo akhlaaq suubban u yeeshaan.

·           Cuntada iyo Cabitaanka: Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa uu ka digay in raashin fara badan oo aanay calooshu qaadan karin lagu shubo.

Miqdaam ibnu Macdi-karib (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Aadane ma buuxiyo weel ka shar badan calooshiisa. Aadane waxaa ku filan dhawr luqmadood oo uu dhabarka ku toosisto. Haddaanu huraynna saddex meelood meel raashinka (ha geliyo), saddex meelood meelna cabitaanka, saddex meelood meelna ha ka neefsado)[6].

Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) waxa laga weriyay: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in cabitaanka lagu dhex neefsado)[7].

Ibnu Cabbaas (RC) wuxuu yiri: (Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in weelka lagu neefsado ama la afuufo)[8].

·                    Jiifka: Xagga jiifka, talooyinkii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa kamid ahaa in dhinaca midig loo seexdo, maxaa yeelay dhinaca bidix wuxuu dhibayaa wadnaha, wuxuna ciriiri gelinayaa neefsashada.

Baraa' ibnu Caazib (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Haddaad halkad seexanayso timaado, salaad u weysa qaado, kaddibna dhinacaaga midig u seexo oo dheh: "Alloow nafsaddayda adaan kuu dhiibay, wejigayga adaan kuu duway, taladayda adaan kuu dhiibay, dhabarkayga adaan kuu jeediyay, anoo ku baryaya kaana baqaya, meel loo baxsado laguna badbaado oon agtaada ahayni ma jirto, kitaabkaagii aad soo dejisay iyo nabigaagii aad soo dirtay waan rumeeyay", wax aad tiraahdana iyaga ugu dambaysii)[9].   

·                    Ka hortagga Cudurrada: Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qof jirrani yaanu qof fayoow u imaan)[10].

- Usaama ibnu Zayd (RC) waxaa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Haddaad dal daacuun ku maqashaan ha gelina, hadduu dal aad ku jirtaan ka dillaacana ka cararistiis ha uga bixina)[11].

- Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofka juudaanka qaba intaad libaax ka cararto oo kale ka carar)[12].

Sidaas darteed, waalidiinta gaar ahaan hooyada waxa waajib ku ah hadduu carruurta midkood cudur la'is qaadsiin karaa uu ku dhoco inay carruurta kale ka dhex saarto oo meel gooni ah ku hayso si aanu inta kale u qaadsiin, cudurkiina u faafin.

·                     Isdaaweynta: Isdaaweynta Axaadiith fara badan baa kusoo aroortay, waxanan kasoo qaadanaynaa intan:

- Jaabir ibnu Cabdillaahi (RC) waxaa laga weriyay in Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Cudur kastaa wuxuu leeyahay daawo, hadday daawadu cudurka haleeshana Eebbe Caza wa-Jalle idankiis ayuu ku bogsoodaa)[13].

- Usaama ibnu Shariik (RC) waxaa laga weriyay: (Anigoo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) la jooga ayay dad reer baadiye ahi yimideen, waxayna dheheen; Rasuul Alloow ma isdaweynaa?. Wuxuu yiri: (Isdaweeya, Eebbe Caza wa-Jalle cudur kasta oo uu sameeyay daawo ayuu u sameeyay, hal cudur mooyee: Gaboow)[14]

Haddaba waalidka waxa waajib ku ah inay talooyinka Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kuna saabsan daryeelka carruurta iyo daaweyntooda qaataan, maxaa yeelay in Eebbe la tala-saarto, isla markaasna tallaabo kasta ooy arrini ku toosayso lagu tallaabsadaa waxay kamid tahay xeerarka Islaamka, ha yeeshee inta meel la fariisto la yiraahdo: "cudurka Allaa keenay isagaana qaadaya" talo saarasho ma aha. 

3- KU DHIIRRI-GELI ISBOORTIGA

Qaababka barbaarineed ee jir ahaan ugu anfaca badan, islaamkuna bulshada muslinka ah u dejiyay waxa kamid ah isboortiga. Waxa weeye in waqtiga firaaqada ciyaarista isboortiga looga faa'idaysto. Waalidku intaanu ubadkiisa isboorti ku dhiirri-gelin, waa inu marka hore naftiisa ku dhiirri-geliyaa, si uu caafimaad ahaan isaga laftiisu uga faa'idaysto, dabadeedna carruurtiisa ku dayasho ugu noqdo.

 Isboortigu wuxu leeyahay faa'idooyin dhawr ah oo ay kamid yihiin; Waqtiga firaaqa oo lagu qaato intii wax aan habboonayn waqtiga lagu dili lahaa, jirka oo intuu dhismo cudurrada iska difaaca iyo barashada qaabkii qofka hadduu weerar ku dhoco uu isu difaaci lahaa.

Kolka ubadka isboortiga lagu dhiirri-gelinayo waxaa loo baahan yahay in dhawr arrimood la dhawro:

- Dheellitirnaan in la helo:

Waa in ciyaarista isboortigu aanay qaadan waqtigii waxyaabo kale oo ka faa'ido badan la qaban lahaa. Dadka qaar baa kubbad ciyaaraya iyadoo salaaddii la addimay. Dadka qaar baa kubbad ciyaaraya isagoo dersi faa'ida lihi socdo. Dadka qaar baa isboorti ciyaaraya reerkiisii oo cid u kaalmaysa u baahan. Intaasi waa uun tusaale ku tusaya isboortigu mararka qaar halkuu faa'ido ka dhalin lahaa inay isagiiba dhibaato ka dhalato.

Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) ku yiri: (Jirkaagu xaq buu kugu leeyahay, ishaadu xaq bay kugu leedahay, martidaadu xaq bay kugu leedahay, xaaskaaguna xaq buu kugu leeyahay)[15].

- Xuduudda Alle in la dhawro:

 Qofka carruurta tababbarayaa waa inuu arrimaha soo socda dhawro:

1-     Dharka isboortiga ubadku xiranayaa waa inuu xuddunta iyo lawga inta u dhaxaysa daboolayo, maxaa yeelay intaasi waa cawro, Axaadiith badan baana arrintaas kusoo aroortay.

2-     Waa in isboortiga lagu ciyaaro meelo aanay sharaftooda shaki ku jirin. Tusaale ahaan; Waa inaan lagu dabaalan meel ragga iyo dumarku ay is dhex dabaalanayaan. Waa in aan feerka iyo legdinta lagu ciyaarin kalaabyo hawlo kaloon habboonayn lagu qabto, khamrina lagu cabo.

3-     Ulajeeddada isboortiga loo ciyaarayaa in aanay mid xaaraan ah noqon. Sida qof doonaya inuu feer barto si uu sharad ugu galo. Sharadku wuxuu xalaal ku noqon karaa in hal qof uuni lacagta bixiyo. Tusaale ahaan qof baa dhahaya: Haddaad iga dheerayso boqol doollar baan ku siinayaa. Haddiise boqol iyo boqol la dhigto oo kii dheereeyaa labada boqol isku qaato waa qamaar waana xaaraan. Waxa kale oo uu xalaal ku noqon karaa in dad ama jiho aan tartameyaasha ahayn sida dawladda ama hay'ad ama wasaaradi lacagta bixinayso oo inta beretan la sameeyo abaalmarinno lagu kala helayo, markaas waa xalaal.

Isboortiga jirka ayaa lagu dhisaa caafimaadkana waa lagu dhawraa. Waxa loo baahan yahay in carruurta la baro ciyaaraha ay kamidka yihiin; difaaca nafta, dabaasha, shiishka, fardo fuulka, iwm.

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Mu'minka xooggan ayaa Alle agtiis mu'minka daciifka ah laga jecelyahay)[16].

Waxa kaloo (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay inuu yiri: (Wax kastoon Alle lagu xusayni waa ciyaar ama halmaan afar mooyee; ninka oo labada yool[17] dhexdooda ku socda, isagoo faraskiisa jara baraya, isagoo xaaskiisa la baashaalaya iyo isagoo dabaal baranaya)[18].

Waxaa lama huraan ah in waalidku carruurtiisa ad-adayg iyo ragannimo ku beero, kalana dagaallamo jilayc iyo mayac, si kolka uu hanaqaado isaga caabbiyi karo dhibaatooyinka nolosha iyo hagar daamooyinka waayaha, haddii kale oo mayac iyo koolkoolin lagu koriyo wuxuu hadhow soo baxayaa naf wax kasta u nugul, si fududna shabaqii loo daadiyo u dhex dabaalata, kol haddaanu ragannimadiisa duruufihii soo waajaha isaga difaaci karin.

4- KALA DAGAAL AAFOOYINKA AFARTA AH:

Waxaa jira aafooyin afar ah oo isku si u saameeya carruurta iyo dadka waaweyn. Cuddurradaas barbaariyaha waxa looga baahan yahay inuu indhaha ku haayo fiiro gaar ahna u yeesho, carruurtana kala dagaallamo, maxaa yeelay waa aafooyin ama dullin dhibaato xoog leh ku haaya mujtamac kasta, nooc kasta iyo diin kasta oo uu haystaba, haba u badnaadeen dadyowga aan diinta haysaniye. 

Aafooyinkaas afarta ahi waxa weeye: 1- Sigaar cabista. 2- Caadada sirta ah. 3- Maandooriyeyaasha. 4- Sinada.

1- Sigaar cabista:

Haddaynu si dhab ah dhugasho ugu yeelanno waaqiceenna bulsho, waxaynu ogaaneynaa in sigaar cabistu tahay aafooyinka bulshada ka dhex jira ta ugu badan, uguna baahsan. Bulshadu xag dhaqaale, xag da' iyo xag aqooneedba heer kasta ood ka eegto waxa kuu muuqanaya dad fara badan oo sigaar cabaya, kamana badbaadaan aafadaas dad yar oo uu Alle ku garab galay katridooduna rabitaanka naftooda ka xoog badisay mooyee.

Arrinta sigaar cabista marka aynu ka hadlaynu waa inan ka hadalnaa saddex dhican oo kala ah: dhibaatooyinka ka dhasha, shareecada Islaamku waxa ay ka qabto iyo sidii aafadaas lagu daaweyn lahaa.

Dhibaatooyinka sigaar cabista ka dhasha waxaynu u kala saaraynaa dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo dhaqaale. Cudurrada sigaar cabista ka dhasha waxa ugu waaweyn cudurrada tiibishada iyo kansarka sambabada ku dhaca. Waxa kale oo sigaar cabista ka dhasha; xusuusta qofka oo yaraata, rabitaankiisa raashin qaadasho oo yaraada, wejiga iyo ilkaha oo casaada, neefsashada oo uu ciriiri geliyo, dareenka oo uu kiciyo, jirka oo uu tabar darri guud ku rido, dabeecadda iyo doonista qofka oo uu xumeeyo iyo wahsida iyo isdhigashada oo uu qofka baro.

Xagga dhaqaalaha, waxaa la caddeeyay in qofka shaqaalaha ahe dhaqaalihiisu hooseeyaa dakhliga maalintii soo gala afar meelood meel amaba ka badan uu sigaar cabis ku bixiyo. Taasi oo keenaysa inuu xoolihiisii meel cidla ah ku dayaco reerkiisiina masruuf la'aan dhigo, qoyskiina halkaas burbur iyo baraka la'aani ku dhacaan.

Qofka sigaarka cabayaa kharashka uu ku bixiyo wuxuu ka jaraa quudkii naftiisa iyo kii reerkiisa uu siin lahaa, si uu ugu soo iibsado, waxana weliba laga yaabaa inuu habab aan sharci ahayn xoolo ku raadiyo si uu sigaar ugu iibsado sida; laaluush ama xatooyo.

Culimada diinta Islaamku waxay isku raaceen wax kastoo dhibaato keenaya ka dheeraashadiisu inay waajib tahay ku dhaqankiisuna xaaraan yahay.

Eebbe Subxaanahu wuxuu Qur'aankiisa ku leeyahay:

 (Gacmihiinna balaayo ha isugu keenina) (Al-Baqara: 195).

Waxa kaloo la'isku raacay in sigaarku uu kamid yahay waxyaabaha xunxun ee jirka dhibaateeya, afkana uriya, Eebbena wuxuu dadka u xalaaleeyay waxa fiican, wuxuuna ka xarrimay waxa xun.

Eebbe wuxuu leeyahay:

(Wuxuu “Eebbe dadka” u xalaaleeyaa waxyaabaha fiican, wuxuuna ka xarrimaa waxyaabaha xunxun) (Al-Acraaf: 157).

Waxa laga yaabaa in culimadii Islaamka ee casriyadii tegay qaar ay isku khilaafeen xalaalnimada iyo xaaraannimada sigaarka, oo qaar ay yiraahdeen wax dhib ah ma laha, iyagoo ka duulaya xeerka ah inay wax waliba xalaal yihiin wixii la xarrimo mooyee. Culimada caynkaas ahi waxay lahaayeen cudurdaar, maxaa yeelay waqtigaas weli lama ogaan dhibaatooyinka caafimaad ee sigaarka, hase yeeshee casrigaan oo la ogaaday dhibaatooyinkiisa faraha badan cid difaaci karta sigaar cabistu ma jirto.

Daaweynta aafada sigaar cabista haddaynu u nimaadno, waajibka ugu horreeyaa wuxuu saaranyahay dawladda dal kasta ka talisa, iyadoo looga baahan yahay inay ol'ole xoog leh ku qaaddo aafadaas iyadoo adeegsanaysa raadiyaha, talefishanka, jaraa'idka iyo tab kasta oo dadka wax lagu gaarsiin karo. Waa inay ka digto dhibaatooyinka sigaarka, dadkana si joogta ah ugu qeexdo dhibaatooyinkiisa iyadoo kaashanaysa dadka khibradda u leh hawlahaas.

Dawladdu waa inay canshuurta laga qaado sigaarka kordhisaa, sicirkiisa sare u qaaddaa, si aan labalabayn lahaynna uga joojisaa meelaha dadku ku kulmo sida; meelaha basaska laga raaco, basaska dhexdooda, suuqyada, maqaayadaha, iwm.

Taasi waa tallaabo looga gol leeyahay in guud ahaan goor dambe lagu mamnuuco cabistiisa, soo dejintiisa iyo haysashadiisa intaba.

Dadka waaweyn ee sigaarka cabaa waa inay ogaadaan cindigana gashadaan in Eebbe eegayo, kana warqabo waxa ay samaynayaan, taasi oo keenaysa inay ka dhawrsadaan waxyaabaha uu ka xarrimay oo sigaarku kamid ayahay. Waa inay awood u yeeshaan, go'aan adagna ka gaaraan sidii ay nafta iyo rabitaankeeda uga libin heli lahaayeen. Waa inay yeeshaan caqli iyo garasho ku hoggaamiya tubta toosan een qallooca lahayn. Waxaan shaki ku jirin hadduu qofku iimaan waabiya, awood celisa iyo caqli  wax u sheega yeesho inuu noqonayo qof dhan oo nolol qiimi leh ku nool; naftiisa, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisana wax tarayo.

Carruurta iyagu caadada sigaar cabista barta reerkooda oon ka warqabin, arrintooda oo faraha laga qaadaa waa khatar, dhibaatada ay bulshada u geysanayaanna waa mid aan laga waaqsan, haddii hortooda loo daayo.

Waalidka iyo barbaariyaha waxa waajib ku ah ubadka inay ka warqabaan, dhaqankooda iyo dhaqdhaqaaqooda u kuur-galaan, qalloocooda daweeyaan, dhabbaha toosanna kusoo celiyaan. Waxaa la hubaa in ubadka yaraanta sigaar cabis ku bartaa uu dullinimo kasii durugsan iyo qalloocsanaan kasii qaaya weyn usii daadegayo ee taas waalidku ha u dhug iyo dhego lahaadeen.

2- Caadada sirta ah (Seegada):

Caadada sirta ah, qofku ma rabo inuu qof kale rabitaankiisa kaga dhergo, balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biya-baxaya). Caadada sirta ah rag iyo dumarba waa laga helaa, kumana koobna ragga oo qura siday dad badani u haystaan.

Maxaa keena Caadada sirta ah?.

1-        Sababaha Caadada sirta ah keena waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weydo inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata waayaa gacmahiisa biyaha isaga saaraa. Caadada sirta ah ee caynkaasi ahi waxay ku badan tahay dadka iyagoo iimaankoodu daciif yahay, misana ka fog jinsiga kale sida; ardada  dhigata kulleejooyinka (boarding schools), isbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.

2-        Waxa kale oo caadadaas keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu mutaysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado.

3-        Waxa dhacda in ragga qaar kolkay dumarkooda u tegayaan ay si degdeg ah u biya-baxaan, dumarkii oon weli heer biya-bax gaarin, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay seegaystaan.

4-        Caadada sirta ah ee da’ yarta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa ka mid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo ay si lama filaan ah xubintii taranku u kacdo, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadaysto.

5-        Waxa kalooy da' yartu caadada sirta ah ka baran karaan hadday saaxiibbadooda kale seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkiis sigaar cabista uga barto si lamid ah buu caadada sirta ah uga bartaa.

Tira koobyo dalalka galbeedka lagu sameeyay waxay caddeeyeen in ragga caadada sirta ah soo maraa ay gaarayaan 69-100%, iyaga oo inta badan soo mara marxalad noloshooda kamid ah oo ay ku seegaystaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa da'da 13-20 jirka.

Hablaha iyaga boqolkiiba inta caadadaas taqaan waa ay ka yar yihiin wiilasha, sababaha soo socda awgood:-

1-        Shahwada oo aan hablaha u gubin sida ay wiilasha u gubto.

2-        Xubnahooda taranka oo meel qarsoon ku jira, dhifna ay tahay inay wax dareenkooda kiciya la kulmaan, iyada oo lawada ogsoon yahay in kacsigu uu yahay waxa tooska ah ee caadadaas sirta ah keena.

3-        Iyagoo isku biya-bax habeenkii aanu dhibaato ku hayn, kol haddaanay aqoon riyo habeen oo gaarsiisa heer biya-bax, waase haddii intaanay seexan kahor aan la baashaalin.

4-        Rabitaanka jinsiyeed ee raggu wuxuu ku kooban yahay xubnaha taranka, oo kolka uu kacsadaba waxa uu doonayaa inuu galmo sameeyo, hase yeeshee rabitaanka dumarku waxa uu isugu jiraa mid xubin taran iyo mid nafsiyadeed.

Dhibaatooyinka Caadada sirta ah:

1-        Qofku hadduu u barto inuu ku raaxaysto kuna biya-baxo gacantiisa waxa mustaqbalka ku adkaanaysa in istiiminta kaga timaada gacalkiisa uu ka helo raaxo u dhiganta tii uu gacantiisa ka heli jiray.

2-        Caadada sirta ahi ma keento haqab beelka dhabta ah ee ay galmada caadiga ahi keento, iyada oo galmadu aanay ku koobnayn oo qura xubnaha taranka sida caadada sirta ah, balse tahay kulan nafsiyeed iyo mid jinsiyeed dhex mara labada isjecel, sidaasina qaybaha jirka oo dhami ay kaga qayb qaataan raaxada kulankaasi ka dhalata.

3-        Waqtiga galmada waxa maskaxda qofka ka buuxa istiin iyo raaxo macaan, hase yeeshee qofka seegaysanayaa si uu istiin ku helo wuxuu u baahan yahay inuu ku fekero waxyaabo maskaxdiisa iyo jirkiisa labadaba daaliya.

4-        Galmada caadiga ahi kolka ay dhacdo lagama qaado wax aan raaxo iyo raynrayn ka ahayn, hase yeeshee qofka seegaysanayaa kolka uu kacsado waxa uu illaawaa in uu wax sharci darro ah samaynayo amaba samayn doono, laakiinse kolka uu biya-baxo ayuun buu indhaha kala furaa kuna baraarugaa foolxumada waxa uu sameeyay iyo inuu keligiis isku raaxaystay, sidaas bayna murugo ugu dhalataa. Qofka caynkaasi ah waxa uu dareenkiisa dembi iyo murugo kordhaa kolka uu dadka ka maqlo in caadada sirta ahi tahay wax keena cara Alle iyo dembi aanu Eebbe cafin iyo weliba cudurro maskaxda wax u dhima, sidaas bayna qofkaas murugo joogta ah, xaasidnimo iyo damiir la'aani ugu dhashaan.

5-        Galmada tooska ahi waxay u baahan tahay laba qof, waqti iyo meel ku habboon si ay u hirgasho, halka caadada sirta ahi ay dhici karto waqti kastoo uu qofku doono, sidaasina dadka qaar iskaga badbadiyaan, taasi oo dhibaato ku keenta jirka iyo maskaxda labadaba.

6-        Waxay keentaa xiniinyaha iyo qanjirka borostaatka oo barara, mar hadduusan qofku biyihii xiniinyaha galay galmo buuxda isaga saarayn, kolba markuu seegaystana qaar ku harayaan.

7-        Waxay keentaa geedka ninka oo jilca ooy tabar darriyi ku timaado, gabadhiisana galmo buuxda la gudan waayo, dabadeedna guurkii cusbaa furriin ku gebageboobo.

8-          Waxay keentaa ninka oo degdeg u biya-baxa, xaaskiisii oon iyadu weli heer gariir gaarin, halkaasna guurkii ku fashilmo.

9-        Habluhu mararka qaar caadada sirta ah way ku bekra-jabaan.

10-     Gabadha caadada sirta ah muddada dheer taqaannay, waxa laga yaabaa galmada ay gacalkeeda la wadaagto inay ku raaxaysan weydo, taasi oo iyaduna keenta guurkii oo burbura.

11-    Waxay qofka tirtaa weji iyo laab furnaanta, bashaashnimada, iyo awooddiisa shaqo, haddii uu iska badbadiyana waxay dhaawacdaa qanjirrada iyo xididdada maskaxda. Waxay keentaa garaaca wadnaha oo kordha, aragga oo daciifa, dhiigga oo qofka ku yaraada, xusuusta oo daciifta, qofka oo gooni joog aan dadka dhexgelin noqda, isagoo daal sheex iyo cabsi joogta ah dareema, isagoo mararka qaar inuu isdilo ku fekera iyo dhibaatooyin kale oo qofka qiimi tira, quwaddana ka qaada.

Sidee la'isaga gooyaa Caadada sirta ah?.

1-              Qofku hadduuba awoodo inu guursado waa inu guursadaa. Waalidka dhalay dhallinyaro qaangaartay, waa in aanay guurkooda shuruudo iyo xujooyin aan laga bixi karin ku xirin, taasi oo markaasi keenaysa in dhallintii ay dhaleen iyo kuway u dhixi lahaayeen labaduba quus iyo qalbijab qaadaan, sidaasna shaydaan isugu dhiibaan, xaaraan ama caado sir ahna dhex galaan.

2-              Waa in aanu qofku cunitaanka iyo cabitaanka iska badin, taasi oo markaasi keenaysa kacsi iyo rabitaan jinsiyeed, waana sababta uu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u faray qofkaan guur awoodini inuu soomo.

3-              Waa inuu ka fogaadaa waxyaabaha hiyigiisa kiciya sida; buugaagta, sawirrada iyo aflaanta jinsiga.

4-              Qurux uu qalbigiisa ugu raaxeeyo qofkii raadinayaa waa inuu daawadaa dhirta cagaaran, ubaxa, badaha iyo quruxda dabiiciga ah ee Eebbe dunidan ugu deeqay.

5-              Waa inu doortaa saaxiibbo; wanaagsan, dhawrsan, hanuunsan, diintana ku dhaqma.

6-              Waa inuu qalbigiisa ku mashquuliyaa; shaqo, waxbarasho, ciyaaraha isboortiga, cibaado iyo Alle-ka-cabsi oo uusan marnaba nafta fursad usiin inay wax aan habboonayn ku fekerto.

7-              Waa inu isdareensiiyaa Alle aanay waxba ka qarsoonayni inuu arkayo, xumahaas uu samaynayana kula xisaabtami doono.

8-              Waa in aanu ku seexan gogol aad u raxa badan, cuud iyo catarna lagu shiday, tiiyoo galmo iyo gacal la baashaal xusuusida.

9-              Dharka aadka u jilicsan waa in aanu qaadan, iskuna shubin barafuunnada dareenka kiciya.

10-          Waa inuu ka fogaado isdhexgalka ragga iyo dumarka, gaar ahaan dadyowga aan cawradooda dedan, dareenka dadka kalena aan u aabayeelin.

11-          Waa in aanu seexan isagoo aanay hurdo hayn, si aanay maskaxdiisu u raadin wax ay ku fekerto oo uu ugu horreeyo lammaane uu la baashaalo.

12-          Kolka uu seexanayo waa in aanu dhabbacaad (dhanka caloosha) u seexan si aanay xubintiisa taranku firaashka ka hooseeya ugu lismin, sidaana ugu macaansan oo ugu kacsan. Waa in sidoo kale aanu dhacadiid (dhanka dhabarka) u seexan ee uu dhinaca midig u seexdo, dhanka qibladana wejiga aaddiyo.

13-          Mar kasta ooy kaadiyi qabato waa inuu kaadihaysta faaruqiyo (kaadiyo), gaar ahaan aroortii kolka uu hurdada ka tooso.

Xukunka sharciga ah ee Caadada sirta ah:

Eebbe waxa uu Aayadaha Qur'aanka ku leeyahay:

 (kuwa xubnohooda taranka dhawra. Aan ka ahayn xaasaskooda iyo addoomadooda, iyagu eed ma laha. Qofkiise intaas kadib wax ka doona kuwaas baa xadgudbay) (Al-Mu'minuun: 5-7).

Haddaba, Aayadahaas Qur'aanka ah waxa kaaga iftiimaya in ruuxii macaan iyo raaxo waxan xaaskiisa iyo addoomadiisa ahayn ka doonaa uu gelayo (Qofkiise intaas kadib wax ka doona kuwaas baa xadgudbay).

 Ibnu Mascuud (RC) waxa uu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey inu yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodaa ha guursado, maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan, kaan awoodinna ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee)[19].

Haddaba hadduu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ogyahay faa'iido ay caadada sirta ahi leedahay, dhallinyarada ayuu ku boorrin lahaa, waxase uu koodii awood (meher, marasho iyo masruuf) heli kara, ku boorriyey inuu guursado, kaan awoodinna inuu rabitaanka isaga jebiyo qaab cibaado ah (soon) uu ajarna ka helayo, dhibaatadii haysayna iskaga reebayo.

Culimada diinta Islaamku caadada sirta ah way xarrimeen, iyagoo u daliishanaya Aayadaha kor ku xusan ee (Al-Mu'minuun) ku jira.

Waa xaaraan mar haddaanay ahayn qaabkii dabiiciga ahaa ee uu Eebbe ugu tala-galay in shahwada la isaga shubo, balse ay tahay wadiiqo weecsan, dhibaatooyinkii aynu soo sheegnayna laga dhaxlayo. Waxa weliba intaas dheer, qofka caadaysta waxa ay baddo waxay barto ayaa uga daran, sababtu waxa weeye mar hadduu qofku qabatimo sidii uu naftiisa uga qaban lahaa, isagana gooyn lahaa ayaa adkaanaysa.

3- Maandooriyeyaasha:

Maandooriyeyaashu (khamrada, daroogada, iwm.) waxay dhaliyaan dhibaatooyin naxdin iyo murugo leh. Isticmaalka maandooriyeyaashu wuxuu aad ugu baahsan yahay bulshooyinka akhlaaqda dhayalsada  barbaarinta ubadkana aan wax xil ah iska saarin.

Dhibaatadaas waxay ugusii muuqasho dhowdahay carruurta aan hoy lahayn iyo ciyaal-suuqa gidaarrada dugsada een cid danaynaysaa jirin. Waxa kaloo laga dheehan karaa carruurta aanay waalidkii dhalay ka warqabin, toosin iyo tala siinna kula dadaalin ee inta caloosha loo buuxiyo waddada lagu sii daayo, kuwaas oo kuwii hore iyo kuwo la hal maala intay ku dheehmaan, caadooyinkaas dullinimada ah ka dhurta.

Dhibaatooyinka Maandooriyeyaasha:

·                    Dhibaatooyinka maskaxeed: Culimada caafimaadku waxay isku raaceen in maandooriyeyaashu ay gayeysiiyaan waalli, xusuus darri iyo cudurrada dhimirka iyo caloosha. Waxa kale ooy qallajiyaan fekerka iyo maskaxda. Waxay keenaan qofka oo raashinka qaadan waaya keddibna nafaqo xumi iyo jirka oo daciifa, xididdada oo dhacaankii ka dhamaado iyo cudurro kale oo khatar ah. Khamrada oo ah maandooriyeyaasha tan ugu khatarta yar marka daroogada la barbar dhigo, waxa la xaqiijiyay inay sanad walba dalka Faransiiska ka disho tiro dad ah oo ka badan tirada ay tiibishadu disho.

·                    Dhibaatooyinka dhaqaale: Qofka maandooriyaha isticmaala waxa la wada ogsoonyahay inuu maalkiisa si sahal ah oo xisaab la'aan ah helitaanka aafadaas ugu bixiyo. Waxa taas ka dhalata ku takrifal xoolihii reerku masruufan lahaa iyo guryo badan oo kharaaba. Waxa kaloon cidna ka qarsoonayn taya xumida wax soosaarka qofka aafadaas caadaysta iyo dhibaatada ka dhalata ee ku dhacda dhaqaalihii waddanka iyo horumarkii bulshada.

·                    Dhibaatooyinka nafsad, akhlaaq iyo bulshadeed: Qofka maandooriyaha isticmaalaa waxa uu caan ku yahay been iyo edeb iyo akhlaaq darri. Wuxuu dhayalsadaa dhaqanka iyo hiddaha bulshada uu ku dhex noolyahay, wuxuna caadaystaa tuuganimada, dhillaysiga iyo dadka oo uu dhibaato u geysto. Akhlaaqdiisaa doorsoonta, awooddisu way isdhintaa, mas'uuliyaddii dadka iyo dalka kaga aaddanaydna wuu gabaa. Waxaa intaas dheer, waqtiga uu ku luminayo fadhiga meelaha aafadaas lagu cabo ama lagu cuno iyo la fadhiga inta dullaysan een wax ka xaaraan ahi jirin.

Diinta Islaamka iyo Maandooriyeyaasha:

Diinta Islaamku si aan laba-labayn lahayn bay maandooriyeyaasha u xaaraantinimaysay, waxana taas daliil cad u ah Aayaddan:

(Kuwa xaqa rumeeyoow khamrada, qamaarka, sanamya caabudka iyo bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal shaydaan ahe ka fogaada aad liibaantaane. Shaydaanku wax kale maahee wuxu doonayaa inuu khamrada iyo qamaarka colaad iyo isnacayb idiinka dhex dhaliyo, idinkagana jeediyo xusidda Alle iyo salaadda, ee war hooya ma ka haraysaan?) (Al-Maa'ida: 90-91).

 Ibnu-Cumar (RC) waxa uu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Alle wuxuu lacnaday; khamrada, qofka caba, qofka waraabiya, qofka iibiya, qofka iibsada, qofka miira, qofka loo miiro, qofka qaada iyo qofka loo qaado)[20].

Khamrada, xashiishka, daroogada noocyadeeda iyo wax kasta oo qofka dhimirka ka qaadaa waxay hoos tegayaan maandooriyeyaasha aynu hadal hayno.

Ibnu-Cumar (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Wax kasta oo lagu sakhraamaa waa khamro, wax kasta oo lagu sakhraamaana waa xaaraan)[21].

Jaabbir ibnu Cabdillaahi (RC) baa isna Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Wixii badi ku sakhraamiya yaridooduna waa xaaraan)[22].

Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay ku doodaan: Daawa ahaan haddaan u isticmaalayno maxaa ku jaban?. Waxan dadkaas ugu jawaabaynaa jawaabtii suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam).

Waxaa la weriyay in nin uu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wax ka weydiiyay khamrada, uuna ka reebay. Dabeeto ninkii baa yiri: Daawa ahaan uun baan u sameeyaa. Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu markaas yiri: (Daawo ma ahee waa cudur)[23].

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inu yiri: (Eebbe wixii uu idinka xarrimay daawo idiinma aanu gelin)[24].

Hase yeeshee dawooyinka qaar hadday lagama maarmaan noqoto in qaddar aalkolo ah lagu daro si – tusaale ahaan - loogu xafido, culimada diinta Islaamku waxay yiraahdeen way bannaan tahay in la isticmaalo haddii daawo ahaan loo isticmaalayo, maxaa yeelay shareecada islaamku waxay ku dhisan tahay fududayn, dhibaato ka fogayn iyo maslaxadda ummadda sidii lagu gaari lahaa. Waxay taas u daliishadeen Aayadda Qur'aanka ah ee oranaysa:

(Hase yeeshee, qofkay dani u geyso, isagoo aanay caasinimo iyo xadgudub ka ahayn, wax dembi ahi kama saarna) (Al-Baqara: 173).

Dabargoynta Maandooriyeyaasha:

 Hababka lagu dabargoyn karo maandooriyeyaashu waxa weeye sidatan: 1- Barbaarinta suubban. 2- Sababaha gayaysiiya oo laga hortago. 3- Sharciga oo dadka isticmaala iyo kuwa ka baayacmushtara lala tiigsado.

Barbaarinta suubbani waxay ku imaanaysaa in carruurtu inta ay da'yarta yihiin lagu barbaariyo inay Alle rumeeyaan, ka baqaan, isdareensiiyaan inu wax kasta ooy samaynayaan ka warqabo ama ha qarsadeen ama ha caddaysteene. Barbaarinta caynkaas ahi waxay raad weyn ku reebtaa damiir samaynta, naf hagaajinta, akhlaaq bilidda, Alle ka dhawrsashada, talo saarashadiisa iyo ku kalsoonaantiisa.

Tusaale haddaynu soo qaadanno, carabtu casrigii jaahiliyada aad bay khamrada u cabi jirtay, u jeclayd, una amaani jirtay. Ha yeeshee kolkii Aayaddii lagu xarrimay ay soo gaartay, waxay dheheen: Rabbigeenoow waan ka harnay. Markaas bay khamradii ku qubeen jidadkii Madiina ilaa ay sidii waadiyadii waddooyin jeexatay, u hoggaansamid ay amarka Alle u hoggaansamayaan awgeed.

Sababaha gayeysiiya oo laga hortagaa waxa weeye hawl u taal hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh. Dawladdu hadday suuqyada iyo meel walbaba khamrada iyo daroogada ka mamnuucdo, waxay sidaas ku xiraysaa iridkii ay inta dullaysani ka heli lahaayen, sidaas bayna kaga harayaan hadday meel ay u doontaan waayaan.

Qofkii khamri iyo wixii la halmaala isticmaala diintu waxay qabtaa in 40-80 karbaash lagu dhifto. Cid kastoo maandooriye haysata ama ka baayac mushtarta karbaashkaas waxa loo raacin karaa noocyo kale oo ciqaab ah sida; xarig, ganaax, iwm.

Dawladda waxa waajib ku ah inay xusho dembi baareyaal daacad ah, si ay hawsha la dagaallanka maandooriyeyaasha si sharaf iyo daacadnimo ah ugu gutaan, markaas oo laga yaabo inaynu gaarno heer aan bulshada dulliga khamrada iyo mukhaadaraadka ka sifayno.

4- Sinada (Galmada xaaraanta ah):

Sinadu waxay kamid tahay dhibaatooyinka bulshadeed ee faraha ba'an ku haaya dhallinyarada iyo carruurta aan weli qaangaarin intaba.

Waalidka waxyaabaha qalbijabka ugu ba'an ku rida waxa kamid ah kolkay arkaan dhallaankoodii ay korinayeen mustaqbalkiisana habeen iyo dharaar u xusul duubayeen oo jar dheer ka dhacay, akhlaaqdiisii doorsoontay, edebtiisii isbeddeshay, dhiiqada qurunka iyo liwaadkana ku dhex rafanaya.

Shallayto iyo gocasho bal maxay tarayaan mar hadday xeero iyo fandhaal kala dheceen, dhallaankoodii dhiiqada galay, wax u dhawran iyo wax ka dhawranina jirin.

Hadday markii hore tubta toosan ku abaabin lahaayeen, edeb iyo akhlaaq wanaaggsan bari lahaayeen, dhaqdhaqaaqooda ka warhayn lahaayeen, cidday la ciyaaraan iyo cidday la saaxiibaan ogaan lahaayeen, xaalka carruurtoodu natiijadaas murugada leh kumuu dhamaateen.

Kuma ayaa ka mas'uul ah ubadka inay akhlaaqdoodu hallowdo, edebtoodu xumaato, bulshadana qaar ka takooran noqdaan?. Yaa loo baahan yahay inay toosiyaan, toobiyaha cad tusaan, xumahana u caayaan?. Aabbaha iyo hooyadu iyagaa hor iyo gadaalba mas'uul ka ah barbaarinta ubadkooda. Waxa soo raaca dawladda iyo bulshada.

Dhibaatooyinka Sinada:

Dhibaatooyinka aafadaas waxaynu u kala saaraynaa:

·                    Dhibaatooyin Jireed:  Aafooyinka Sinada cudurrada ka dhasha waxa kamid ah; jabtada, infekshanka, aydhiska iyo cudurro kale oo aad khatar u ah la'isna qaadsiiyo, hadduu qofka laftiisu ka bogsado waxa laga yaabaa inuu ubadkiisa u gudbiyo.

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu Xadiith ku yiri: (Muhaajiriineey shan arrimood haddii la idinku ibtileeyo, Eebbe ayaanan ka megangelayaa inaad gaartaan eh – waxana kamid ahaa – Qoladii Faaxishada[25] bannaysatana waxa ku faafa Daacuun iyo cudurro aan awooweyaashood ku dhici jirin)[26].

Haddaba dadkii caqli lohoow ku cibra qaata.

·                    Dhibaatooyinka bulshadeed iyo nafsiyadeed: Sinada waxa dhibaatooyinka ka dhasha innaga deeqa in dadkii nasabkoodii la kala saari waayo, dhallaankii lumo, xurmadii reerku lahaa laga qaado, sharaftii iyo ragannimadii dhintaan, bulshadii burburto, qoyskii kala daato, wax kastoo qiimi lahaa iyo wax kasta oo la qaddarin jirayna laga tallaabsado.

Waxa dhibaatooyinka ka dhasha inooga filan waddooyinka oo la liica ubad aan cid dhashay iyo cid ay ku abtirsadaan la aqoon iyo dhallinyaro wax kastaa u bannaan yihiin. Bulsho xishoodkii, akhlaaqdii iyo edebtii ood dheer iska saartay maxay qiimi leedahay?. Bulsho dumarkeeda la iska kufsado ama iyagu kaydkooda cidday doonaan ka iibiya, dhallinteedu dullowday, duqaydeeduna karaamad iyo haybad beeshay maxay qiimi leedahay?.

Waxaan shaki ku jirin in bulshadii dullaysan ee burbursani ay qarka u saaran tahay inay dabar go’do, khaaridadana ka qarsoonto.

Alle wuxuu Aayaddiisa Qur'aanka ah ku yiri:

(Haddaan go'aansanno in aan magaalo "dadka ku nool" halaagno waxaan "marka hore" farriin cad "Alle in la caabbudo oo samaha la falo xumahana laga haro" u dirnaa dadkeeda maalqabeenka ah, wayna ku xadgudbaan, xumahana ku dhex falaan, sidaas buuna xukunka Alle "cadaabku" ugu waajibaa, markaas baan burburrin dhab ah burburinnaa) (Al-Israa': 16).

Shareecada Islaamka sinada iyo weliba liwaadka[27] labaduba waa ku xaaraan, iyadoo loo daliishanayo Aayadaha iyo Axaadiithta soo socota:

Xagga sinada, Alle wuxuu leeyahay:

(Sinadana ha u dhowaannina, dhab ahaantii waxa weeye foolxumo iyo waddo xun eh) (Al-Israa': 32).

Waxa kaluu leeyahay:

("Addoomada suusuubban waxa kamid ah" Kuwa aan Alle Ilaah kale la baryayn, naftii Alle xarrimayna aan xaq mooyee si kale ku dilayn, aanan sinaysanayn, qofkiise sidaas falaa wuxuu la kulmi doonaa cadaab. Cadaabta waa loo labanlaabi doonaa isaga kaas maalinta Qiyaamaha, isagoo dullaysan buuna dhexdeeda ku waari doonaa) (Al-Furqaan: 68).

Abuu-Hurara (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Qofka sinaystaa isagoo mu'min ah ma sinaysto)[28].

Waxa kaluu ka weriyay: (Saddex Eebbe maalinta Qiyaamo lama hadlo, mana hufo, mana eego, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan’ waayeel sinaysta, boqor beenlaw ah iyo dulsaar[29] kibir badan)[30].

Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) waxa laga weriyay inuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) weydiiyay: Dembi kee ugu weyn, uuna yiri: (Inaad Alle dhig u yeesho isagoo ku uumay, inad ubadka disho adigoo ka baqaya inuu kula quuto iyo in aad xaaska deriskaaga ka sinaysato)[31].

Sahal ibnu Sacad (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Yaa Labadiisa gar iyo labadiisa lugood dhexdooda ii damaanad qaadaya oon Janno u damaanad qaadaa)[32].

Xagga Liwaadka, Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay: (Eebbe wuu lacnaday qofka shaqadii Qoonkii Luud qabta, Eebbe wuu lacnaday qofka shaqadii Qoonkii Luud qabta, Eebbe wuu lacnaday qofka shaqadii Qoonkii Luud qabta)[33], saddex jeer buuna ku celceliyay.

Jaabir (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Ummaddayda waxa aan uga baqayo waxaa ugu daran qofka shaqadii Qoonkii Luud qabta)[34].

Waxa kaloo (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay: (Eebbe ma eego nin lab ama naag dabada uga taga)[35].

Ciqaabta la marsiinayo qofka sinaystaa waa laba nooc; ciqaab karbaash iyo musaafurin ah. Ciqaabta noocaas ah waxaa la marsiinayaa qofka aan xaas lahayan ama ahayn (rag ama dumar). Qofkaas waxa lagu dhifanayaa boqol karbaash, iyadoo loo cuskanayo Aayaddan:

(Naagta sinaysata iyo ninka sinaysta mid kasta boqol karbaash ku dhifta, yaanayna naxariisi inaad xukunka Alle ku fulisaan idinka celin, haddaad Alle iyo maalinta Aakhiro rumaysan tihiin, waana inay ciqaabtooda koox mu'miniin ahi goobjoog ka noqdaan) (An-Nuur: 2).

Qofkaas marka la karbaasho ayaa meel aanay reerkiisu degganayn muddo sanad ah loo masaafurinayaa si uu xanuunka qurbaha u ogaado uguna cibra qaato.

Qofka xaaska ah isaga dhagax baa lagu dilayaa.

Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Qof muslin ahoo in Alle mooyee Ilaah kale aanu jirin anna aan Rasuulkii Alle ahay qiraya dhiiggiisu kuma bannaana waxan saddex xaalo middood ka ahayn: Qof xaas ah oo sinaysta, naf naf loo goynayo iyo qof diintiisa ka tegay oo jamaacada ka baxay)[36].

Liwaadka ciqaabtiisa haddaynu u leexanno, culimada Islaamku waxay isku raaceen in liwaadku uu sino yahay, ha yeeshee waxay isku khilaafeen ciqaabtiisa.

- Qaar waxay dheheen waa qof sinaystay oo kale oo hadduu xaas yahay dhagax baa lagu dilayaa haddaanu ahaynna boqol karbaash baa lagu dhifanayaa.

- Qaar kale waxay dheheen falaha iyo lagu falaha labadaba dhagax baa lagu dilayaa xaas ha ahaadeen ama yaanay ahaane, iyagoo u cuskanaya Xadiithkan:

Ibnu-Cabbaas (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkaad ku aragtaan isagoo hawshii reer Luud qabanaya falaha iyo lagu falaha labadaba dila)[37].

- Qaar kale oo culimada kamid ahi waxay dheheen waxaa lagu xukumayaa maxkamaddu hadba wixii ay go'aamiso, hadduuse ku waana qaadan waayo oo mar kale u noqdo seef baa madaxa looga goynayaa.

5- KA ILAALI SHILALKA

Mashaqada shilalka waxaynu si kooban uga soo hadalnay baabka labaad, hase yeeshee bal aynu gabayga beyt ku darno, wadaantana mar kale darka u ridno.

 Carruurta waa in aynu u samaynaa nidaam dhexdhexaad ah oo ku habboon badbaadadooda, kuna abuuraya kalsooni iyo nabad qab. Badbaadada ubadka sanadka koowaad gebi ahaanba mas'uuliyaddeeda waxa iska leh waalidka. Sanadka labaad waa in loo billaabaa sidii digtooni iyo taxaddar loo bari lahaa, iayadoo la siinayo duruus fudud oo si xilkasnimo leh loogu gudbinayo.

 Si aanu dabka ama weelasha kulul u taaban ama ugu dhicin, waxa habboon in ubadka aan ku niraahno ama u tilmaanno in haddii la taabto ay kulayl xanuun badan tahay. Waa inaynu u oggolaannaa inuu taabasho fudud oo dhakhsi ah waxna u dhimayn taabto, sidaas buuna uga baqaa ugana digtoonaadaa.

Haddaynu aragno ilmo kursi ka dhici raba, gacantana aan ku haysan wax dhaawacaya, dhulkana wax hadduu ku dul dhaco dhaawacayaa aanay ool, dhib ma laha inuu dhoco, iyadoo isla markaasna digtoonaan la qabayo. Fursaddaas waxa looga faa'iidaystaa in digtoonaanta lagu baro. Guud ahaan waxa loo baahan yahay inu jiro dheellitiran ka dhexeeya baritaanka iyo badbaadintu, waalidkuna waa inu malayn karo dhibaatooyinka laga yaabo in ubadku la kulmo kolka uu ciyaarayo, digtoonaanna ay qabaan. 

Waxan halkaan idiinku soo tixaynaa tallaabooyin aaynu isleennahay gacan bay ka geysanayaan sidii lagu yarayn lahaa shilalka ka dhaca guryaha, kuna dhaca dhallaanka.

1-               Dawooyinka iyo waxyaabaha sunta ah sida cayayaan dilaha waa in khasnad xiran lagu xereeyo, dabeetana furaha meel ammaan ah la dhigo. Waxa kale oo waajib ah in magaca daawo ama sun kasta si cad loogu dulqoro dhalada ay ku jirto. Waa in aan dhalada lala meel dhigin raashinka la cunayo.

2-               Dhalooyinka, caagagga iyo weelasha kale ee dawooyinku ka dhammaadeen iyo dawooyinka aan loo baahnayn amaba dhacay waa in qashin-qubka lagu shubaa oo dhallaanka laga dheereeyaa.

3-                Waa in aan daawo lagu isticmaalin meel carruuri joogto, maxaa yeelay carruurtu waxay jecelyihiin ku dayashada dadka waaweyn. Daawooyinka caynkaas ah carruurta wax ku noqotay ma tira yara. Haddaynu doonno in aynu ilmo yar daawo siinno, waa in aynu fahamsiinnaa in waxani ay daawo yihiin oo aanay raashin ama cabitaan ahayn, waana in aynu meel ka dheer dhignaa.

4-               Waa in xayndaab adag loo dhaxaysiiyaa carruurta iyo waxyaabaha hura ama qarxa oo idil sida; qalabka raashinka lagu kululeeyo, qalabka la kulaalo, jikada, foornada, iwm., hadday suuragal tahay in ubadka oo garguuranaya ama soconayaa uu gaaro. Waa in aynaan carruurta u oggolaan inay ku ciyaaraan waxyaabaha holca sida kabriidka, balse saarnaa meel aanu gaari karin. Kirliga shaaha iyo weelasha raashinka lagu kariyaa carruurta khatar bay ku yihiin. Imisaa haweenay weel raashin lagu kariyay ama lagu shiilay oo wax kululi ku jiraan illowday dabeetana ilmihii yaraa ku dhex dhacay, kuna gubtay. Imisaa haweenay kirli shaah ah miiska gees ka saartay ama dhulka dhigtay amaba kursi dul saartay dabeetana yaraankeedii kirligii ku dhacay amaba kirligii kusoo dhacay, dhaawacyo halis ahina halkaas kasoo gaareen. Waa in laga digtoonaado waxyaabaha qarxa ee munaasabadaha sida ciidaha oo kale lagu dabbaaldego si aanay ubadku ugu guban. Waa in laga digtoonaado qalabka korontada iyo fiilooyinka, si aanay ubadka u qaban.

5-               Waxaa waajib ah in qalab afaysan oo idil ubadka laga dheereeyo sida; maqasta, middida, sakiinta, cirbadda iyo weelasha dhalada ka samaysan, waana in la dhigaa meel aanay dhallaanku gaarin.

6-               Waa in aan carruurta loo oggolaan inay ku ciyaaraan waxyaabaha khatarta leh sida; xarigga oo laga yaabo inuu luqunta u galo kuna ceegsamo ama kiishka balaastiigga ah oo laga yaabo in intuu madaxa iska geliyo ku cabburmo.

7-               Hooyadu waa in aanay yaraankeeda sariir kula seexan, maxaa yeelay hawada ayaa ku xirmi karta. Hooyooyinka qaar baa seexda ubadka oo naaska afka ku haaya. Hooyada caynkaas ahi hadday waxyar dhinaca ubadka isu rogto waa uu ceegsamayaa hawada ayaana ku xirmaysa, waxana laga yaabaa inu geeriyoodo hooyadiiyoo iska hurudda, hadhoow markay ka toostana ku toosta yaraankeedii oo isagoo meyd ah ag yaal.

8-               Waa in la hubiyaa in daaqadaha guriga ee dabaqa sare ku yaal xiranyihiin, ama u samaysan yihiin qaab aanu ubadku ka dusi karin. Balkooneyaashu waa inay leeyihiin dayd casri ah oo ubadka u oggolaanaya inuu wax ka daawado, ha yeeshee aan u oggolaanayn inuu koro ama ka dhex duso. Imisaa carruur ay waalidkood jeclaayeen arrintaas oon xil la iska saarin darteed u dhimatay.

9-               Kolka la isticmaalayo qalabka korontada sida makiinadda dharka lagu dhaqo, amaba qalabka wax lagu jarjaro sida makiinadda hilibka shiidda, waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa. Imisaa carruur gacmohoodii ku waayay makiinadda dharka, imisaana farohoodii ku shiidmeen makiinadda hilibka!!!.

10-           Waa in la hubiyaa in iridka kore ee aqalku xiran yahay, si aanu ubadku si kedis ah hooyadiis oon ka war hayn dibadda ugu bixin, iyadoo laga baqayo inuu shil galo.


 

[1] Muslim (995)

[2] Muslim (994).

[3] Bukhaari (56), Muslim (1628).

[4] Muslim (996).

[5] Bukhaari (1467, 5369), Muslim (1001). Ereyadii Muslim.
[6] Tirmidi (2380).
[7] Tirmidi (1887).
[8] Tirmidi (1888), Abuu-Daa'uud (3728), Ibnu-Maaja (3428).
[9] Bukhaari (6311), Muslim (2710).
[10] Bukhaari (5771, 5774), Muslim (2221).
[11] Bukhaari (3473, 5728), Muslim (2218).
[12] Bukhaari (5707).
[13] Muslim (2204).
[14] Abuu-Daa'uud (3855), Tirmidi (2038), Ibnu-Maaja (3436)
[15] Bukhaari (6134), Muslim (1159).
[16] Muslim (2664), Ibnu-Maaja (4168).
[17] Yool: Halka fallaarta laga ganayo iyo halka lagu ganayo.
[18] Bayhaqi (Al-Kubraa: 10/15).
[19] Bukhaari (1905, 5065, 5066), Muslim (1400/1), Abuu-Daa'uud (2046).
[20] Abuu-Daa’uud (3674).
[21] Muslim (2003/74).
[22] Tirmidi (1865), Abuu-Daa'uud (3681).
[23] Muslim (1984), Tirmidi (2046).
[24] Bukhaari (Kitaab: 74 / Baab: 15).
[25]  Faaxishada: Sinada, Liwaadka, iwm.
[26] Ibnu-Maaja (4019).
[27] Liwaad: Nin nin kale galmo ugu taga.
[28] Bukhaari (2475, 5578, 6772, 6810), Muslim (57/100).
[29] Dulsaar: Qof sabool ahoo isaga wax la siiyo.
[30] Muslim (107).
[31] Bukhaari (6811, 4477), Muslim (86).
[32] Bukhaari (6474).
[33] Tirmidi (1456).
[34] Tirmidi (1457).
[35] Tirmidi (1165).
[36] Bukhaari (6878), Muslim (1676).

[37] Tirmidi (1456), Abuu-Daa'uud (4462), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 6589).

 

 

Sabriye Musse

1865 Northway Dr. #21

North Mankato, MN 56003

U.S.A

Email: sabkaxaaji@gmail.com

Email: sabkaxaaji@hotmail.com