|
BARBAARINTA UBADKA
BAR
BULSHO-LA-DHAQANKA
Barista
bulsho-la-dhaqanka waxa loola jeedaa: Ubadku inta uu yar yahay
in lagu abaabiyo dhaqanka bulshada ee wanaagsan inuu ku dhaqmo,
taas oo salka ku haysa caqiidada Islaamka iyo dareenka iimaan ee
qotada dheer, si dhallaankaasi uu kolka uu koro u noqdo mid
bulshada uga dhex tilmaaman xag asluub iyo akhlaaq wanaag iyo
caqli bisayl iyo dhaqan toosnaan.
Barbaarinta bulshadu waxa weeye isu geyn natiijadii noocyadii
aynu kasoo hadalnay ee barbaarineed, maxaa yeelay waxa weeye
barbaarin dhaqameed laga dhex akhrisan karo hadba sida uu dadka
ula dhaqmo, akhlaaqda u dhawro, garaadkiisa iyo caqligiisa u
isticmaalo, bulshadana sharaf iyo dadnimo kula dhex noolaado.
Waxan
shaki ku jirin in caafimaadka bulshada iyo iskaashiga iyo isku
tiirsanaanteedu ay ku xiran tahay caafimaadka xubnaha ay
bulshadaasi ka kooban tahay iyo hadba sida loo diyaariyo.
Sidaas darteed bay diinta Islaamku xoog u saartay diyaarinta
ubadka iyo barbarintooda, xag dhaqan iyo xag bulshadeed intaba.
Haddaba
kol hadday barbaarin kastaa leedahay qaabab ay ku dhaqan gasho,
waa maxay tiirarka barbaarinta bulshadu?. Waxay inala tahay in
bulsho-la-dhaqanku ay ku tiirsan tahay saddex tab oo kala ah: 1-
Ubadka oo lagu beero naf-samaanta. 2- In la baro daryeelka
xuquuqda dadka kale. 3- In lagu tababaro ku dhaqanka anshaxa
guud ee bulshada.
1- KU BEER
NAF-SAMAANTA
Islaamku
wuxuu dejiyay xeerar lagu barbaarinayo dhallaan iyo dad waaweyn,
rag iyo dumar iyo dhallinyaro iyo waayeel intaba, xeerar
aadanenimo aanay la'aantood ummadi midoobayn, waxna wada
qabsanayn.
Xeerarkaas
kuwa ugu mudan haddaynu soo qaadanno waxa weeye sidatan:
1-
Dhawrsanaanta (Taqwada):
Dhawrsaaantu waxay ka dhalataa iimaanka qotada dheer ee la
xiriira ka warqabka Eebbe, ka baqiddiisa, inuu caroodo ka
cabsashadiisa iyo cafiskiisa iyo abaalmarintiisa oo la damco.
Siday culumadu u sheegeen Alle ka dhawrsashadu waxa weeye in
uusan kugu arag meel uu kaa reebay, aanuna kaa weyn halkuu ku
faray.
Haddaba
dhawrsanaantu (Alle-ka-cabsigu) waxa weeye damiirka qofka oo
ruxma, dareenkiisa oo fududaada, cabsi joogto ah, taxaddar mar
kasta iyo meel kasta ah iyo qodxaha daadsan tubta nolosha oo
laga dhawrsado, qodxahaas oo isugu jira kuwa raja beenleey ah
iyo rabitaan adduun, raaxa gaaban iyo u riyaaqid dhaldhalaal
adduun oo dhalanteed ah.
Dhawrsanaantu qofka qalbigiisa ooy Alle-ka-cabsi iyo iska jir ka
buuxiso, waxa dheer iyadoo ah togga laga darduurto dhaqan
wanaagga bulsho oo dhan, ahna dariiqa keliya ee looga dhawrsan
karo hallowga, dullinimada iyo dembiyada. Waxa intaas dheer
iyadoo ah waddada keliya ee uu qofku bulshadiisa wanaag kula
dhex noolaan karo.
Aynu
dhawrkaan tusaale usoo qaadanno raadka ay dhawrsanaantu ku
yeelanayso hab dhaqanka qofka:
·
Nin la oran jiray Yoonis
ibnu Cubayd baa wuxuu iibin jiray alaabo xarrago qiimihiisu kala
duwan yahay oo qaarkeed 400 dirham joogo qaarna 200 dirham.
Maalin buu Yoonis inta uu wiil walaalkiis dhalay dukaankii ku
dhaafay salaad aaday. Nin reer baadiye ah baa yimid oo dalbaday
alaabo 400 dirham joogta. Wiilkii baa usoo saaray tii 200 dirham
joogtay, intay la fiicnaatay buuna ka iibsaday oo 400 dirham ka
siiyay. Isagoo haddaba alaabadii gacanta ku sita ayuu Yoonis
kahor yimid, waxa uu sito buuna aqoonsaday. Reer baadiyihii buu
ku yiri: Imisaad soo siisatay?. Wuxuu yiri: 400 dirham. Wuxuu
yiri: Ma joogto wax 200 dirham ka badan ee celi. Reer baadiyihii
wuxuu yiri: Dalkeenna 500 dirham bay ka joogtaa, raalli baanan
ku ahay. Yoonis wuxu yiri: Kaalay oo iraac, diintoo la isku
waaniyaa dunida iyo waxa dul-saaran ka wanaagsane. Markaas intuu
kexeeyay buu 200 dirham u celiyay, ina walaalkiisna si ba'an u
canaantay, isagoo ku leh: Miyaadan xishoonayn?, miyaadan Alle ka
baqayn?, daraahimtaas inad macaashto waanana muslimiinta kale u
deyso miyaad door bidday?. Inankii wuxu yiri: Ilaah baan ku
dhaartaye isagoo raalli ah buu iga qaatay. Yoonis wuxu yiri:
Waxad naftaada la jeceshahay maad isagana la jeclaatid!!!.
·
Cabdullaahi ibnu
Diinaar wuxu yiri: Cumar ibnul Khadhaab (RC)
ayaan Makka u raacay. Ari jire baa meel buur ah nooga soo
daadegay. Cumar oo imtixaanaya ayaa yiri: Ari jiroow arigaan Ri'
iga iibi?. (Ari jirihii) baa yiri: Addoon baan ahay[1].
Cumar wuxuu yiri: sayidkaaga ku dheh dhurwaa baa cunay. Ari
jirihii wuxuu yiri: Marka aan sidaas leeyahay Alle xaggee buu
jiraa?. Cumar (RC) baa markaas
intuu ooyay, addoonkii raacay oo intuu iibsaday, xoreeyay, kuna
yiri: (Ereygaasu Adduunka ayuu ku xoreeyay, waxaanan rajaynayaa
inuu Aakhirana ku xoreeyo).
·
Dad badan baa garanaya
qisada hooyo doonaysay inay caano baraxdo si ay lacag badan uga
macaashto iyo inanteeda oo amarkii Amiirul-Mu'miniinka ee ku
saabsanaa inaan caanaha la barxin xusuusinaysay. Inantii waxay
hooyadeed siisay jawaab taariikh reebtay: (Hadduusan
Amiirul-Mu'miniinku ina arkayn, Allaha Amiirul-Mu'miniinka ayaa
ina arkaya!!!).
2-
Walaaltinnimada:
Walaaltinnimadu waxa weeye xiriir nafsi ah oo qofka dareen
is-jacayl iyo is-ixtiraamid aad u qota dheer dhaxalsiiya, tiiyoo
uu barbar socdo xiriirkii islaannimo, iimaan iyo Alle-ka-cabsi.
Dareenka caynkaas ahe walaaltinimada dhabta ahi wuxuu qofka
muslinka ah naftiisa ku dhaliyaa caadifad keenta inuu
walaalihiis go'aan wanaagsan ka qaato, inuu la shaqeeyo,
nafsaddiisa u huro, u naxariisto, isagoo ka aar gudan karana
iska cafiyo, kana dhawro wax kasta oo naftooda, maalkooda iyo
sharaftooda wax u dhimaya.
Diinta
Islaamku aad bay ugu tirtirsiiday muslimiintu inay Alle dartiis
ku walaaloobaan, Aayado fara badan baana lagu caddeeyay
waxyaabaha la doonayo walaaltinimadaas inay ka dhashaan.
Alle
Subxaanahu wuxuu leeyahay:
(Mu'miniintu wax kale maahee waa walaalo) (Al-Xujuraat:
10).
Waxa kaluu
leeyahay:
(Xusuusta siduu Alle idiinku galladaystay adinka oo cadaw isu ah
markuu quluubtiinna isu soo jiiday, galladdiisa darteedna aad
walaalo ku noqoteen) (Al-Cimraan: 103).
Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
waxa laga weriyay inuu yiri:
(Muslinku waa muslinka kale walaalkiis oo ma dulmiyo mana
gacan geliyo, qofkii danta walaalkiis fuliya Alle ayaa dantiisa
fuliya, qofkii muslin dhibaato ka bixiya Alle ayaa
dhibaatooyinka qiyaamaha mid kamid ah ka bixiya, qofkii qof
muslin ah ceebtiisa astura Alle ayaa isna qiyaamo ceebtiisa
astura)[2].
Aanas ibnu Maalik (RC)
wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ka weriyay inuu yiri:
(Qofkiin mu'min ma aha jeer uu
walaalkiis kala jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay)[3].
Nucmaan ibnu Bashiir
(RC) wuxu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay
inuu yiri:
(Mu'miniintu is jacaylkooda, isu naxariisashadooda iyo isu
turiddooda waxay lamid yihiin sidii hal jir oo hadday xubin
kamid ahi jirrato jirka intiisa kale dhafar iyo xummad buu ula
gurmanayaa)[4].
Abuu-Hurayra
(RC) wuxuu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:
(Eebbe
Sarreeye wuxuu maalinta Qiyaamaha yiraahdaa: Aaway kuwii
weynidayda isku jeclaay?. Maanta waxan ku haraynayaa hooskayga
maalin aanu hooskayga mooyee hoos kale jirin)[5].
Waxa kaluu ka weriyay:
(Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa shan: salaan
qaadis, bukaan booqasho, janaaso raacid, casuumaad aqbalid iyo
ka hindhisa ka farxin)[6].
Werin
kale: (Xuquuqda muslinku waa lix: haddaad la kulanto
salaan, hadduu ku casuumo yeel, hadduu kula tashado la tali,
hadduu hindhiso ka farxi, hadduu bukado booqo, hadduu dhintana
"janaasadiisa" raac).
Isla Abuu-Hurayra
(RC) wuxuu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:
(Qofkii qof mu'min ah dhibaatooyinka dunida dhibaato kamid ah ka
bixiya Eebbe dhibaatooyinka aakhiro mid kamid ah ayuu ka
bixiyaa, qofkii qof culays haysta ka dabciya Eebbe adduun iyo
aakhiraba wuu u fududeeyaa, qofkii qof muslin ah ceebtiisa
astura Eebbe adduun iyo aakhiraba ceebtiisa ayuu asturaa,
Eebbena addoonka wuu u gargaarayaa inta uu addoonka walaalkiis
ah u gargaarayo, qofkii waddo uu cilmi ku raadsanayo qaada Eebbe
waddo uu Jannada u maro ayuu u sahlaa, qoladii guryaha Eebbe
"masaajidda"
guri kamid ah ku kulanta iyagoo kitaabka Alle akhrinaya oo
is-aqoon weydaarsanaya degganaan baa kusoo degta, naxariis baa
haraysa, malaa'ig baa hareeraysa, Eebbena ciddii ag joogta ayuu
uga sheekeeyaa, qofkii camalkiisu dib u dhigana nasabkiisu ma
dedejiyo)[7].
Walaaltinimadaas Islaamka iyo Alle dartiis isku jeclaanta
caynkaas ahi waxay keentay xubnaha bulshada muslinka ahi
taariikhdii lasoo maray inay ahaayeen kuwa isugu jecel, nafta
isu huri og, isuna kaalmayn og marka la barbar dhigo ummadihii
kalee aan islaamka ahayn.
Isu
huridda iyo is-jacaylka Islaamka haddaynu dhawr tusaale kasoo
qaadanno:
·
Waxa la weriyay:
Mucaawiye ibnu Abii-Sufyaan (RC)
ayaa Caa'isha (RC) u diray
siddeetan kun oo dirham, iyadoo soomman, maro duug ahna xiran.
Maalkii bay isla markii loo geeyayba masaakiintii iyo fuqaradii
u qaybisay, waxbana kama aanay reebin. Adeegtadeedii baa markaas
ku tiri: Hooyadii mu'miniintaay ma awoodi weyday inaad hal
dirham hilib aad ku afurto noogu soo iibiso. Waxay tiri:
(Inantaydiiyey haddaad i xusuusin lahayd waan yeeli lahaa)[8].
·
Xilligii uu Cumar
(RC) khaliifka muslimiinta ahaa
bay abaar xumi dhacday. Waxa markaas dhulka Shaam ka timid awr
dhan kun rati ooy cunto iyo dhar kala nooc ahi ku raran yihiin,
waxana iska lahaa Cismaan ibnu Caffaan (RC).
Ganacsatadii baa Cismaan ku kala yaacay, iyagoo doonaya inuu
badeecada awrta saaran jumlo uga iibiyo. Wuxuu ku yiri: Imisaad
faa'iido isiinaysaan?. Waxay dheheen: Boqolkiiba shan. Wuxuu
yiri: Waxaan helay cid ka badan isiinaysa. Waxay dheheen: Garan
mayno ganacsatadeenna cid intaas ka badan bixinaysa. Wuxuu yiri:
Waxaan arkay cid halkii dirham toddoba boqol iyo ka badan ii
dulsaaraysa, waxan arkay Eebbe oo dhahaya:
(Kuwa maalkooda jidka Alle ku bixiyaa waxay ka dhigan yihiin
sida xabbad "abuur" toddoba sabuul soo
dhalisay, sabuul kastana ay boqol xabbo ku taal, Eebbena cidduu
doono ayuu "ajarka" u laablaabaa, Allena waa
kii deeqiisu ballaaran yahay, cid walbana ka warqaba)
(Al-Baqara: 261).
3-
Naxariista:
Naxariistu
waxa weeye qalbiga qofka oo ruxma, damiirkiisa oo jilca iyo
dareenkiisa oo fududaada, waxana looga dan leeyahay in dadka
kale loogu naxariisto, loogu naxo, looguna gurmado, ilmada looga
bi'iyo, murugadana lagula qaybsado. Waxa weeye dareenka qofka
muslinka ah dhibka necbaysiiya, dembigana ka fogeeya, sidaasna;
wanaag, nabad iyo wada noolaansho dadka oo dhan uga dhex
dhaliya.
Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) wuxuu dadka ku boorriyay inay isu
naxariistaan si uu Eebbe ugu naxariisto.
Cabdullaahi ibnu Camr
ibnul-Caas (RC) wuxuu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:
(Kuwa isu
naxariista Alle ayaa u naxariista, u naxariista waxa dhulka
jooga si waxa samada joogaa idiinku naxariistaan)[9].
Jariir ibnu Cabdillaahi (RC) wuxu
isna ka weriyay: (Qofkaan
dadka u naxariisan isna Eebbe uma naxariisto)[10].
Naxariista
qofka mu'minka ahi kuma koobna mu'miniinta oo qura, balse waxa
weeye il naxariis dadka oo dhan gaartaa ay ka burqato. Intaas oo
qura kuma koobna ee waxa weeye naxariis intay dadka ka gudubto
xayawanka aan caqliga lahayn u gudubta. Qofka mu'minka ahi waxa
weeye kan san-ku-neefle oo dhan Alle dartiis ugu naxariista,
ogna in Alle la xisaabtamayo, waxna ka weydiinayo hadduu
waajibkii ka saarnaa gudan waayo ama dhibaato u geysto.
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) waxa laga weriyay in haweenay
jirkeeda iibisa Jannada irdeheeda loo furay, keddiib markay Eey
waraabisay, dartiisna Alle ugu dembi dhaafay. Waxa kaloo laga
weriyay in haweenay Naarta irdeheeda loogu furay Bisad ay xirtay
darteed ilaa ay ka dhimatay, iyadoo aan quudin, inay dhulka Alle
ka qaraabatana aan usii deyn .
Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC)
kolkuu ciidankii Usaama ibnu Zayd (RC)
amba bixinayay, isagoo la dardaarmaya wuxuu ku yiri: (Ha dilina
dumar, duqay iyo ilmo da' yar, geed timir ha jarina, geed mira
lehna ha gooyina, waxaad arki doontaan rag kaniisado u go'ay ee
iyaga iyo wixii ay u go'een isu daaya).
Muslimiintu waxay lahaan jireen xoolo "waqaf" loogu yeero.
Xoolahaas oo isugu jiray dhar, raashin iyo qalabka la isku
qurxiyo oo inta meelo loogu tala galay la dhigo, laga baahi tiro
ciddii mudan una baahan. Waqafkaas waxyaabaha lagu qaban jiray
waxa kamid ahaa:
·
Eeyaha aan cidi lahayn
xerooyin gaar ah oo lagu xereeyo, lagu daryeelo, biyo iyo baadna
lagu siiyo ilaa iyo inta qof doonayaa ka kaxaysanayo ama ay ka
dhimanayaan.
·
Dadka saboolka ah ee
arooska qaba, qalabkii ay aqalka arooska ku qurxin lahaayeen iyo
kay iyagu isku qurxin lahaayeen laga amaahiyo, sidaasna
maalintaas ay arooska qabaan farxaddoodu u buuxsanto, dadka
xoolaha lihi siday aroosyada u dhigtaanna iyaguna u dhigtaan.
·
Isbittaallada iyo meelaha
dadka bukaanka ah lagu daweeyo oo dad cod wanaagsan oo u gabya
kana farxiya loosoo kireeyo, say xanuunka bukaankaas haaya uga
khafiifiyaan, nafsaddoodana farxad u geliyaan.
·
Guryo lagu xereeyo
alaabada guriga, si adeegtadii dheri ama wax lamid ah jebisaa
intay dherigii jabnaa geeyso mid cusub uga qaadato, si ay caro
iyo ciqaab uga badbaaddo.
·
Waxa intaas barbar socday
meelo raashiin laga siiyo dadka gaajaysan, harraadkana looga
bi'iyo, dadka arradan looga arrad tiro, guryo dadka socotada ahi
ku hoydaan, isbitaallo dadka bukaanka ah lagu daweeyo, dugsiyo
wax lagu barto, meydka oo duugtiisa la baxsho, agoonkoo la
kafaalad qaado, qofka dhibaataysanoo loo gurmado, iwm.
Waqafyada
caynkaas ah oo qarniyaalo badan dunida Islaamka ka jiray,
waqtiyadii ay jireen qof muslin ahi maxaa berrito ku qaban doona
kama aanu fekeri jirin, qof kastoo muslin ah baana walaal u
ahaa, wixiisana wax ka siin jiray. Bal sawiro in qof waliba uu
baahidiisa qofka kale ka helayo, isaguna wixii uu dadka kale
dhaamo u dhiibayo!!. Xilliga iminka la joogo waqafyada caynkaas
ahi ma jiraan amaba waa dhif, waana tan keentay in ummaddii
Islaamka midnimadeedii iyo awooddeedii dhantaalanto, dadkiina
nin walbow naftaa xeer ka dhigto.
4-
Huridda:
Huriddu
waxa weeye dareen nafsi ah oo qofku uu qofka kale naftiisa uga
hormarinayo wanaagga iyo maslaxadaha gaarka ah.
Huriddu
waxa weeye ulajeeddo wanaagsan haddii hor Alle loola jeedo,
waana waxyaabaha ugu mudan ee tusiya runnimada iimaanka qofka
iyo naf samaantiisa, isla mar ahaantaana waxa weeye tiir kamid
ah tiirarka ugu waaweyn ee tabantaabada bulshada iyo isku
tiirsanaanta dadweynaha.
Waxa
tusaale inoogu filan in Qur'aanka kariimka ahi uu Ansaar ka
bixiyay sawir qurux badan markuu ka hadlayay walaaltinimada,
nafta u huridda, iyo wanaag ku garabgalka ay kusoo dhoweeyeen
walaalohood muhaajiriin, markuu yiri:
(Kuwii iyaguna hortood beledka "Madiina" iyo
iimaanka boos ka helay "Ansaar", waxay
jecelyihiin qofkii usoo haajira, qalbigana waxba uguma qaadaan
wixii "Muhaajiriin" la siiyo, in kastooy
duruufi haysana naftooday u huraan "wixii naftoodu u
baahnayd bay Muhaajiriin siiyaan", qofkii bakhiilnimada
naftiisa laga badbaadiyo kuwaas baana ah kuwa liibaanaya)
(Al-Xashri: 9).
Huriddaas
iskaa ah iyo naxariistaas bulshadeed ee Ansaartii Madiina ku
tilmaannayd ummad kale oo adduunka soo martay ka heli maysid.
Ansaari waxay hantidoodii iyo haweenkoodii wadaajiyeen
walaalohood muhaajiriin oo diintooda darteed loo dullaystay,
guryohoodiina looga soo saaray, dharaar cadna wax kasta ooy
lahaayeen kasoo dhaqaaqay. Arrintu waxay gaartay heer ninka
ansaariga ahi hadduu dhinto uu ninka muhaajirka ahi dhaxlo,
naftoodii iyo maalkoodiina way u hureen.
5-
Cafiska:
Waxa weeye
dareen nafsiyadeed oo uu ka dhasho in qofku xaqiisa ka
tanaasulo, si kasta oo kan xadgudbay uu dulmiloow u yahay iyo
xad kastoo dulmigiisu gaarsiisan yahay, waxase shardi ah in kan
lagu xadgudbay uu awood u leeyahay inu aarsado. Waxa kaloo
shardiya in waxa lagu xadgudbay aanay diinta iyo karaamada
Islaamka ahayn, haddii kale cafiska caynkaas ahi isdhiib iyo
dullinimo ayuu noqonayaa.
Cafiska
caynkaas ahi waxa weeye tilmaan akhlaaq wanaag ah oo tusinaysa
iimaan xididdo adag iyo edeb islaami ah oo heer sare ah. Haddaba
la yaab ma laha haddaynu aragno in Qur'aanka kariimka ahi uu ina
farayo, naguna tirtirsiinayo cafiska:
(Inaad iska cafisaan baana Alle-ka-cabsiga u dhow, hana
illaawina inaad isu sama-fashaan) (Al-Baqara: 237).
(Ma sinnaan karaan camalka wanaagsan iyo camalka xumi, ku tir
"xumaatida" tan iyadu wanaagsan
"qofkii ku xumeeya wanaag ugu beddel", markaas kii ay
cadaawadu idiin dhaxaysay "wuxuu noqon doonaa"
sidii saaxiib aad kuugu dhow) (Fusilat: 34).
(Addoomada "Allaha" Raxmaankuna waa kuwa dhulka
si miyir ah ku mara, waxma garatadu markay la hadlaanna
"hadal xun ku dhahaanna" waxay u celiyaan hadal gobeed)
(Al-Furqaan: 63).
(Kuwa iyaguna caradooda liqa, dadkana iska cafiya, Allena dadka
samaha fala waa uu jecel yahay) (Al-Cimraan: 134).
·
Zaynul-Caabidiin ibnu
Xuseen ibnu Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) waxaa laga
weriyay maalin isagoo masjidka u socda inuu nin caayay.
Adeegeyaashiisii baa damcay inay ninkii u gacan qaadaan.
Zaynul-Caabidiin wuxuu adeegeyaashii ku yiri: Daaya ninka,
keddibna intuu ninkii ku jeestay buu yiri: (Waryaa waa
ninkaagan, anigu intaad igu sheegtay ka badan baan ahay,
waxyaabaha aadan iga garanayn baana ka badan intaad iga
garanayso, haddaad inan kuu sheego rabtana waan kuu sheegayaa).
Ninkii baa markaas xishooday. Zaynul-Caabidiin intuu
qamiiskiisii u siibay buu kun dirham ha loogu daro yiri. Ninkii
wuxuu halkii ka dhaqaaqay isagoo leh: (Waxan qirayaa inankani
Rasuulkii Alle inankiisii inuu yahay).
·
Ibnu-Cabbaas
(RC) waxaa laga weriyay inuu yiri:
(Cuyayna ibnu Xisin baa markuu Madiina yimid wuxuu kusoo degay
ina walaalkiis Xur ibnu Qays oo kamid ahaa dadka uu Cumar soo
dhowaysto maadaama uu Qur'aanka yaqiin, Cumarna uu dadka
Qur'aanka akhriya dhallinyaro iyo duqayba majliskiisa kusoo
dhowayn jiray, lana tashan jiray. Cuyayna wuxuu ina walaalkiis
ku yiri: Amiirul-Mu'miniinka idan ii weydii, idan buuna u
weydiiyay. Markuu u galay buu yiri: Ibnul Khadhaaboow Ilaah baan
ku dhaartaye wax badan nama aadan siin, caddaaladna naguma aadan
xukumin. Cumar baa intuu carooday, inuu u gacan qaado damcay.
Xur baa markaas yiri: Amiirul-Mu'miniinoow Eebbe wuxuu Nabigiisa
ku yiri:
(Cafiska qaado "iska saamax", wanaaggana
"dadka" far, kuwa wax-magaratada ahna iskaga
jeeso "ha ciqaabin") (Al-Acraaf: 199),
kanina wax-magarataduu kamid yahay. Ilah baan ku dhaartaye
markuu Aayaddaas ku akhriyay Cumar halkiisii ma aanu dhaafin,
wuxuna ahaa nin kitaabka Alle aan xadkiisa dhaafin).
6-
Dhiirranaanta:
Dhiirranaantu waxa weeye awood nafsiyadeed heer sare ah, qofka
mu'minka ahina uu kaga shidaal qaato; Allihiisa uu rumaysan
yahay, xaqa uu aaminsan yahay, qoraalka Allee uu isu dhiibayo,
mas'uuliyadda saarane uu dareensan yahay iyo barbaarintii
wanaagsanayde lagu soo barbaariyay. Arrimahaas oo dhami waxay
qofka mu'minka ah siiyaan awood iyo dhiirranaan uu ereyga xaqa
ah ku sheego, cidna uusan uga heybaysan, naftiisaba ha ku
kallifee.
Dhiirranaantu aad bay uga muuqatay shakhsiyaddii
Abuu-Bakar (RC) oo ahaa
mu'miniinta kan ugu iimaanka culus Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dabadiis.
Iimaanka Abuu-Bakar wuxuu gaaray heer Cumar (RC)
oo ahaa nin awood iyo itaal Eebbe ku mannaystay uu yiri: (Ilaah
baan ku dhaartaye haddii iimaanka Abuu-Bakar kafad[11]
la saari lahaa iimaanka ummaddaan oo dhanna kaffad la saari
lahaa waxa cuslaan lahaa iimaanka Abuu-Bakar).
Mowqifyadii dhiirranaanta laga dheehanayay ee Abuu-Bakar
(RC) haddaynu inyar uun ka tilmaanno:
·
Maalintii uu
Suubbaneheennii Maxamed (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) geeriyooday, asxaabtiisiina ay
geeridiisa maqleen, warka geeridiisu wuxuu ku noqday argagax iyo
fajiciso. Waxaa ku dhacday musiibadii ugu weynayd ee abid ummad
islaam ah ku dhacda. Waxaa ka geeriyooday Rasuulkoodii iyo
macallinkoodii, waxaana halkaas ku go'ay waxyigii samada uga
imaan jiray. Way wada agoontoobeen, qof walbaana wuxuu raadsaday
geed uu keligiis ku hoos ooyo. Dadkii waxay u kala bexeen qaar
suuxsan oo maahsan, qaar warka rumaysan la' oo u haysta in been
loo sheegayo iyo qaar dhabtii dhadhamiyay oo iska ooyaya. Cumar
ibnul Khadhaab (RC) wuxuu kamid
ahaa dadkii warka geerida Suubbanuhu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka daadegi waayay oo
rumaysan waayay. Intuu masjidkii ka istaagay buu isagoon is
ogayn yiri: (Niman munaafiqiinta kamid ah baa waxay leeyihiin
Rasuulkii Alle waa dhintay, Rasuulkii Allena ma dhimane wuxu
aaday Rabbigiis, siduu Muuse ibnu Cimraanba Rabbigiis u aaday,
wuxuna maqnaa afartan beri. Markii la yiri wuu dhintay kaddibna
wuu usoo laabtay. Ilaah baan ku dhaartaye Rasuulkii Alle wuu soo
noqonayaa lugaha iyo gacmuhuuna ka gurayaa kuwii yiri wuu
dhintay).
Cumar (RC) oo
dadkii sidaas ugu gooddinaya, ayaa waxaa yimid Abuu-Bakar
(RC) oo faras saaran, kana yimid guri uu
ku lahaa magaalada geeskeeda kale. Masjidkii buu galay, isagoon
cidna la hadlinna Caa'isha (RC) u
galay, una tegay Rasuulkii (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ooy maro ku daboolan
tahay. Intuu maradii ka qaaday, wejigana ka dhunkaday buu isagoo
ooyaya hab siiyay, kuna yiri: "Aabbahay iyo hooyaday lagugu
furaye, Alle laba jeer ku dili maayo, dhimashadii Ilaah kuu
qorayna waad dhimatay". Dabadeed intuu masjidkii kusoo laabtay,
buu dadkii hor istaagay oo intuu Alle ku mahadiyay, dabadeed
yiri: (Intaas kaddib, qofkiinnii Maxamed caabbudi jirayoow,
Maxamed waa dhintay, qofkiinniise Alle caabudi jirayoow, Alle
waa noolyahay mana dhimanayo), wuxuna akhriyay:
(Maxamed Rasuul mooyee wax kale ma aha, hortiisna Rusul baa
tagtay, ee hadduu dhinto ama la dilo ma raadkiinnii baad ku
noqonaysaan "ma gaaloobaysaan", qofkii
raadkiisa ku noqdaa Alle waxba ka dhibi maayo, Allena wuxuu
abaalmarin doonaa kuwa mahadiya) (Aala Cimraan: 144).
Ibnu-Cabbaas (RC)
wuxuu yiri: (Waaba iyagoo aanay dadku ogayn inuu Alle Aayaddaas
soo dejiyay ilaa uu Abuu-Bakar ka akhriyay. Markaas bay gebigood
ka daba akhriyeen, qof bina-aadan ah oon akhrinaynna ma jirin).
Ibnu Musayib (RC) isna wuxuu
yiri: Cumar wuxuu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye Abuu-Bakar oo
"Aayaddaas" akhrinaya markaan maqlay uun baan ogaaday in Nabigii
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
dhintay, markaas bay sidii wax la boqna gooyay lugihii i celin
waayeen, markaasaan dhulka ku dhacay).
·
Isla geeridii
Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
kaddib, bay muslimiintii ka lablabeeyeen inay diraan ciidankii
uu hoggaaminayay Usaama ibnu Zayd (RC),
ciidankaas oo uu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) intaanu bukoon u diyaariyay inuu
duullaan ku qaado dhulka Shaam oo uu Roomaanku markaas ka
talinayay. Dadkii baa Abuu-Bakar ka codsaday inuu bixitaanka
ciidanka dib u dhigo, maadaama berri wax dhici doona aan la
garanayn kol hadduu Rasuulkii (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) geeriyooday, qabaa'ilkii carbeed
iyo magaalooyinkii geerida Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) laga ogaaday wax ay
samayn doonaanna aan la ogeyn. Hase yeeshee Abuu-Bakar si aan
gabbasho lahayn buu ugu jawaabay, isagoo leh: (Allahay nafsadda
Abuu-Bakar gacantiisa ku jrto baan ku dhaartaye, haddaan u
malaynayo inay dugaagtu i kala dafayso diritaanka Usaama siduu
Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
u amray baan u fulinayaa. Ma ahi qofka guntin uu Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
gacantiisa ku guntay furaya, haddaanay xitaa dalka cid aan
aniga ahayni ku harinna waan fulinayaa).
·
Dadkii carabta ahaa
ee diinta soo galay intuu Suubbanuhu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) noolaa, qaar baa kolkii
ay geerida Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) maqleen dib u gaaloobay oo
diintii ka noqday, qaar kalena sakadii ayay diideen inay
bixiyaan. Muslimiintu geeridii Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kaddib
waxay noqdeen sidii ari habeen roobabaaw ah jooga sidii ay
Sayida Caa'isha (RC) ku
tilmaantay. Xaalku wuxuu gaaray heer intay qaar Abuu-Bakar
(RC) u tageen ku dheheen:
(Khaliifkii Rasuulkoow carab oo dhan la dagaallankooda tabar uma
hayside gurigaaga iska joog, albaabkaagana xiro, rabbigaana
warka dhabta ahi intuu kaaga imaanayo halkaaga ku caabbud). Hase
yeeshee ninkii Alle-ka-cabsiga iyo oohinta badnaa, sidii
neecawdii u qaboobaa, sidii xariirtii u jilcanaa, sidii qalbi
hooyana u naxariista badnaa, ilbiriqsiyo gudohood buu sidii
baddii u kacay, sidii libaaxiina u ciyay oo Cumar wejiga uga
qayliyay: (Jaahiliyadiina ma naxariislaawaad ahayd islaankana ma
wadne weynaad noqtay?, waryaahee waxyigii waa dhammaystirmaye ma
diintii baa la dhimayaa anoo nool?, Ilaah baan ku dhaartaye
hoggaan rati ooy Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) siin jireen hadday ii diidaan
waan kula dagaallamayaa, Ilaah baan ku dhaartaye intay
gacanteydu seef qaadi karto waan la dagaallamayaa). Cumar
(RC) intaas markuu maqlay wuxuu yiri:
(Alle dagaal buu laabta Abuu-Bakar u furay, waxanan ogaaday inuu
xaq ku taaganyahay).
Dhiirranaanta sida aad soo aragteen xaqa lagu dhiirradaa waxay
kamid tahay jihaad kan ugu weyn, waana in ubadka lagu
barbaariyo.
Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga
weriyay: (Jihaad kan
ugu fiicani waxa weeye erey xaq ah oo hoggaamiye gaboodfal[12]
ah laga hor sheego)[13].
Mawaaqifta
raggii kale ee Alle mooyee cid kale aan xaqa uga baqayn haddaynu
soo qaadanno: Sheekh la oran jiray Al-Ciz ibnu Cabdi-Salaam ayaa
mar suldaankii Masar Najmud-Diin Ayuub oo golihiisii wasiirrada
iyo rag badan oo madax ah la fadhiya ku yiri: (Ayuuboow maxaad
Alle agtiisa ku doodi doontaa hadduu ku yiraahdo: Ma intaan
boqortooyadii Masar ku siiyaad khamri bannaysay?). Ayuub wuxuu
yiri: Oo ma sidaas baa dhacday?. Wuxu yiri: Haa, baarka hebel ah
khamrina waa lagu iibiyaa, xaaraanna waa lagu xalaashaystaa,
adna nimcada boqortooyada ayaad ku dhex gadgaddoomaysaa. Ayuub
wuxuu yiri: (Arrinkaasi wax aan anigu hadda samaynayo ma ahoo
ilaa waqtigii aabbahay bay soo jirtay). Al-Ciz wuxuu yiri:
Haddaba adigu waxa aad kamid tahay kuwa dhahaya:
(Abbeyaasheen
baynu dariiqad iyo diin sidan ah kasoo gaarnay, ayagii baanan
annagu ku raad joognaa) (Al-Zukhruf: 23).
Suldaankii
wuxuu markaas amray in baarkii la xiro.
[1] Addoon
baan ahay: Wuxuu ula jeeday Anigu ariga ma lihi ee
ninkii iska lahaa baan addoon u ahay oo isagaan u raacaa.
[2]
Bukhaari (2442, 6951), Muslim
(2580).
[3]
Bukhaari ( 13), Muslim (45).
[4]
Bukhaari (6011), Muslim (2586).
[6]
Bukhaari (1240), Muslim (2162/5).
[9]
Abuu-Daa'uud (4941), Tirmidi
(1924).
[10]
Bukhaari (6013, 7376), Muslim
(2319).
[11] Kafad:
Miisaanka labadiisa saxan mid.
[12] Gaboodfal:
Aan xaq iyo caddaalad dadka ku maamulin.
[13]
Abuu-Daa'uud (4344), Ibnu-Maaja
(4011).
|
|