BARBAARINTA UBADKA 

BAR BULSHO-LA-DHAQANKA

Barista bulsho-la-dhaqanka waxa loola jeedaa: Ubadku inta uu yar yahay in lagu abaabiyo dhaqanka bulshada ee wanaagsan inuu ku dhaqmo, taas oo salka ku haysa caqiidada Islaamka iyo dareenka iimaan ee qotada dheer, si dhallaankaasi uu kolka uu koro u noqdo mid bulshada uga dhex tilmaaman xag asluub iyo akhlaaq wanaag iyo caqli bisayl iyo dhaqan toosnaan.

Barbaarinta bulshadu waxa weeye isu geyn natiijadii noocyadii aynu kasoo hadalnay ee barbaarineed, maxaa yeelay waxa weeye barbaarin dhaqameed laga dhex akhrisan karo hadba sida uu dadka ula dhaqmo, akhlaaqda u dhawro, garaadkiisa iyo caqligiisa u isticmaalo, bulshadana sharaf iyo dadnimo kula dhex noolaado.

Waxan shaki ku jirin in caafimaadka bulshada iyo iskaashiga iyo isku tiirsanaanteedu ay ku xiran tahay caafimaadka xubnaha ay bulshadaasi ka kooban tahay iyo hadba sida loo diyaariyo.  Sidaas darteed bay diinta Islaamku xoog u saartay diyaarinta ubadka iyo barbarintooda, xag dhaqan iyo xag bulshadeed intaba.

Haddaba kol hadday barbaarin kastaa leedahay qaabab ay ku dhaqan gasho, waa maxay tiirarka barbaarinta bulshadu?. Waxay inala tahay in bulsho-la-dhaqanku ay ku tiirsan tahay saddex tab oo kala ah: 1- Ubadka oo lagu beero naf-samaanta. 2- In la baro daryeelka xuquuqda dadka kale. 3- In lagu tababaro ku dhaqanka anshaxa guud ee bulshada.

1- KU BEER NAF-SAMAANTA

Islaamku wuxuu dejiyay xeerar lagu barbaarinayo dhallaan iyo dad waaweyn, rag iyo dumar iyo dhallinyaro iyo waayeel intaba, xeerar aadanenimo aanay la'aantood ummadi midoobayn, waxna wada qabsanayn.

Xeerarkaas kuwa ugu mudan haddaynu soo qaadanno waxa weeye sidatan:

1- Dhawrsanaanta (Taqwada):

Dhawrsaaantu waxay ka dhalataa iimaanka qotada dheer ee la xiriira ka warqabka Eebbe, ka baqiddiisa, inuu caroodo ka cabsashadiisa iyo cafiskiisa iyo abaalmarintiisa oo la damco. Siday culumadu u sheegeen Alle ka dhawrsashadu waxa weeye in uusan kugu arag meel uu kaa reebay, aanuna kaa weyn halkuu ku faray.

Haddaba dhawrsanaantu (Alle-ka-cabsigu) waxa weeye damiirka qofka oo ruxma, dareenkiisa oo fududaada, cabsi joogto ah, taxaddar mar kasta iyo meel kasta ah iyo qodxaha daadsan tubta nolosha oo laga dhawrsado, qodxahaas oo isugu jira kuwa raja beenleey ah iyo rabitaan adduun, raaxa gaaban iyo u riyaaqid dhaldhalaal adduun oo dhalanteed ah.

Dhawrsanaantu qofka qalbigiisa ooy Alle-ka-cabsi iyo iska jir ka buuxiso, waxa dheer iyadoo ah togga laga darduurto dhaqan wanaagga bulsho oo dhan, ahna dariiqa keliya ee looga dhawrsan karo hallowga, dullinimada iyo dembiyada. Waxa intaas dheer iyadoo ah waddada keliya ee uu qofku bulshadiisa wanaag kula dhex noolaan karo.

Aynu dhawrkaan tusaale usoo qaadanno raadka ay dhawrsanaantu ku yeelanayso hab dhaqanka qofka:

·                      Nin la oran jiray Yoonis ibnu Cubayd baa wuxuu iibin jiray alaabo xarrago qiimihiisu kala duwan yahay oo qaarkeed 400 dirham joogo qaarna 200 dirham. Maalin buu Yoonis inta uu wiil walaalkiis dhalay dukaankii ku dhaafay salaad aaday. Nin reer baadiye ah baa yimid oo dalbaday alaabo 400 dirham joogta. Wiilkii baa usoo saaray tii 200 dirham joogtay, intay la fiicnaatay buuna ka iibsaday oo 400 dirham ka siiyay. Isagoo haddaba alaabadii gacanta ku sita ayuu Yoonis kahor yimid, waxa uu sito buuna aqoonsaday. Reer baadiyihii buu ku yiri: Imisaad soo siisatay?. Wuxuu yiri: 400 dirham. Wuxuu yiri: Ma joogto wax 200 dirham ka badan ee celi. Reer baadiyihii wuxuu yiri: Dalkeenna 500 dirham bay ka joogtaa, raalli baanan ku ahay. Yoonis wuxu yiri: Kaalay oo iraac, diintoo la isku waaniyaa dunida iyo waxa dul-saaran ka wanaagsane. Markaas intuu kexeeyay buu 200 dirham u celiyay, ina walaalkiisna si ba'an u canaantay, isagoo ku leh: Miyaadan xishoonayn?, miyaadan Alle ka baqayn?, daraahimtaas inad macaashto waanana muslimiinta kale u deyso miyaad door bidday?. Inankii wuxu yiri: Ilaah baan ku dhaartaye isagoo raalli ah buu iga qaatay. Yoonis wuxu yiri: Waxad naftaada la jeceshahay maad isagana la jeclaatid!!!.

·                      Cabdullaahi ibnu Diinaar wuxu yiri: Cumar ibnul Khadhaab (RC) ayaan Makka u raacay. Ari jire baa meel buur ah nooga soo daadegay. Cumar oo imtixaanaya ayaa yiri: Ari jiroow arigaan Ri' iga iibi?. (Ari jirihii) baa yiri: Addoon baan ahay[1]. Cumar wuxuu yiri: sayidkaaga ku dheh dhurwaa baa cunay. Ari jirihii wuxuu yiri: Marka aan sidaas leeyahay Alle xaggee buu jiraa?. Cumar (RC) baa markaas intuu ooyay, addoonkii raacay oo intuu iibsaday, xoreeyay, kuna yiri: (Ereygaasu Adduunka ayuu ku xoreeyay, waxaanan rajaynayaa inuu Aakhirana ku xoreeyo).

·                      Dad badan baa garanaya qisada hooyo doonaysay inay caano baraxdo si ay lacag badan uga macaashto iyo inanteeda oo amarkii Amiirul-Mu'miniinka ee ku saabsanaa inaan caanaha la barxin xusuusinaysay. Inantii waxay hooyadeed siisay jawaab taariikh reebtay: (Hadduusan Amiirul-Mu'miniinku ina arkayn, Allaha Amiirul-Mu'miniinka ayaa ina arkaya!!!).

2- Walaaltinnimada:

Walaaltinnimadu waxa weeye xiriir nafsi ah oo qofka dareen is-jacayl iyo is-ixtiraamid aad u qota dheer dhaxalsiiya, tiiyoo uu barbar socdo xiriirkii islaannimo, iimaan iyo Alle-ka-cabsi. Dareenka caynkaas ahe walaaltinimada dhabta ahi wuxuu qofka muslinka ah naftiisa ku dhaliyaa caadifad keenta inuu walaalihiis go'aan wanaagsan ka qaato, inuu la shaqeeyo, nafsaddiisa u huro, u naxariisto, isagoo ka aar gudan karana iska cafiyo, kana dhawro wax kasta oo naftooda, maalkooda iyo sharaftooda wax u dhimaya.

Diinta Islaamku aad bay ugu tirtirsiiday muslimiintu inay Alle dartiis ku walaaloobaan, Aayado fara badan baana lagu caddeeyay waxyaabaha la doonayo walaaltinimadaas inay ka dhashaan.

Alle Subxaanahu wuxuu leeyahay:

(Mu'miniintu wax kale maahee waa walaalo) (Al-Xujuraat: 10).

Waxa kaluu leeyahay:

(Xusuusta siduu Alle idiinku galladaystay adinka oo cadaw isu ah markuu quluubtiinna isu soo jiiday, galladdiisa darteedna aad walaalo ku noqoteen) (Al-Cimraan: 103).

Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay inuu yiri: (Muslinku waa muslinka kale walaalkiis oo ma dulmiyo mana gacan geliyo, qofkii danta walaalkiis fuliya Alle ayaa dantiisa fuliya, qofkii muslin dhibaato ka bixiya Alle ayaa dhibaatooyinka qiyaamaha mid kamid ah ka bixiya, qofkii qof muslin ah ceebtiisa astura Alle ayaa isna qiyaamo ceebtiisa astura)[2].

Aanas ibnu Maalik (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Qofkiin mu'min ma aha jeer uu walaalkiis kala jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay)[3].

Nucmaan ibnu Bashiir (RC) wuxu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Mu'miniintu is jacaylkooda, isu naxariisashadooda iyo isu turiddooda waxay lamid yihiin sidii hal jir oo hadday xubin kamid ahi jirrato jirka intiisa kale dhafar iyo xummad buu ula gurmanayaa)[4].

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Eebbe Sarreeye wuxuu maalinta Qiyaamaha yiraahdaa: Aaway kuwii weynidayda isku jeclaay?. Maanta waxan ku haraynayaa hooskayga maalin aanu hooskayga mooyee hoos kale jirin)[5].

Waxa kaluu ka weriyay: (Xuquuqda muslinku muslinka kale ku leeyahay waa shan: salaan qaadis, bukaan booqasho, janaaso raacid, casuumaad aqbalid iyo ka hindhisa ka farxin)[6].

Werin kale: (Xuquuqda muslinku waa lix: haddaad la kulanto salaan, hadduu ku casuumo yeel, hadduu kula tashado la tali, hadduu hindhiso ka farxi, hadduu bukado booqo, hadduu dhintana "janaasadiisa" raac).

Isla Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkii qof mu'min ah dhibaatooyinka dunida dhibaato kamid ah ka bixiya Eebbe dhibaatooyinka aakhiro mid kamid ah ayuu ka bixiyaa, qofkii qof culays haysta ka dabciya Eebbe adduun iyo aakhiraba wuu u fududeeyaa, qofkii qof muslin ah ceebtiisa astura Eebbe adduun iyo aakhiraba ceebtiisa ayuu asturaa, Eebbena addoonka wuu u gargaarayaa inta uu addoonka walaalkiis ah u gargaarayo, qofkii waddo uu cilmi ku raadsanayo qaada Eebbe waddo uu Jannada u maro ayuu u sahlaa, qoladii guryaha Eebbe "masaajidda" guri kamid ah ku kulanta iyagoo kitaabka Alle akhrinaya oo is-aqoon weydaarsanaya degganaan baa kusoo degta, naxariis baa haraysa, malaa'ig baa hareeraysa, Eebbena ciddii ag joogta ayuu uga sheekeeyaa, qofkii camalkiisu dib u dhigana nasabkiisu ma dedejiyo)[7].

Walaaltinimadaas Islaamka iyo Alle dartiis isku jeclaanta caynkaas ahi waxay keentay xubnaha bulshada muslinka ahi taariikhdii lasoo maray inay ahaayeen kuwa isugu jecel, nafta isu huri og, isuna kaalmayn og marka la barbar dhigo ummadihii kalee aan islaamka ahayn.

Isu huridda iyo is-jacaylka Islaamka haddaynu dhawr tusaale kasoo qaadanno:

·                    Waxa la weriyay: Mucaawiye ibnu Abii-Sufyaan (RC) ayaa Caa'isha (RC) u diray siddeetan kun oo dirham, iyadoo soomman, maro duug ahna xiran. Maalkii bay isla markii loo geeyayba masaakiintii iyo fuqaradii u qaybisay, waxbana kama aanay reebin. Adeegtadeedii baa markaas ku tiri: Hooyadii mu'miniintaay ma awoodi weyday inaad hal dirham hilib aad ku afurto noogu soo iibiso. Waxay tiri: (Inantaydiiyey haddaad i xusuusin lahayd waan yeeli lahaa)[8].

·                    Xilligii uu Cumar (RC) khaliifka muslimiinta ahaa bay abaar xumi dhacday. Waxa markaas dhulka Shaam ka timid awr dhan kun rati ooy cunto iyo dhar kala nooc ahi ku raran yihiin, waxana iska lahaa Cismaan ibnu Caffaan (RC). Ganacsatadii baa Cismaan ku kala yaacay, iyagoo doonaya inuu badeecada awrta saaran jumlo uga iibiyo. Wuxuu ku yiri: Imisaad faa'iido isiinaysaan?. Waxay dheheen: Boqolkiiba shan. Wuxuu yiri: Waxaan helay cid ka badan isiinaysa. Waxay dheheen: Garan mayno ganacsatadeenna cid intaas ka badan bixinaysa. Wuxuu yiri: Waxaan arkay cid halkii dirham toddoba boqol iyo ka badan ii dulsaaraysa, waxan arkay Eebbe oo dhahaya:

(Kuwa maalkooda jidka Alle ku bixiyaa waxay ka dhigan yihiin sida xabbad "abuur" toddoba sabuul soo dhalisay, sabuul kastana ay boqol xabbo ku taal, Eebbena cidduu doono ayuu "ajarka" u laablaabaa, Allena waa kii deeqiisu ballaaran yahay, cid walbana ka warqaba) (Al-Baqara: 261).

3- Naxariista:

Naxariistu waxa weeye qalbiga qofka oo ruxma, damiirkiisa oo jilca iyo dareenkiisa oo fududaada, waxana looga dan leeyahay in dadka kale loogu naxariisto, loogu naxo, looguna gurmado, ilmada looga bi'iyo, murugadana lagula qaybsado. Waxa weeye dareenka qofka muslinka ah dhibka necbaysiiya, dembigana ka fogeeya, sidaasna; wanaag, nabad iyo wada noolaansho dadka oo dhan uga dhex dhaliya.

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu dadka ku boorriyay inay isu naxariistaan si uu Eebbe ugu naxariisto.

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Kuwa isu naxariista Alle ayaa u naxariista, u naxariista waxa dhulka jooga si waxa samada joogaa idiinku naxariistaan)[9].

Jariir ibnu Cabdillaahi (RC) wuxu isna ka weriyay: (Qofkaan dadka u naxariisan isna Eebbe uma naxariisto)[10].

Naxariista qofka mu'minka ahi kuma koobna mu'miniinta oo qura, balse waxa weeye il naxariis dadka oo dhan gaartaa ay ka burqato. Intaas oo qura kuma koobna ee waxa weeye naxariis intay dadka ka gudubto xayawanka aan caqliga lahayn u gudubta. Qofka mu'minka ahi waxa weeye kan san-ku-neefle oo dhan Alle dartiis ugu naxariista, ogna in Alle la xisaabtamayo, waxna ka weydiinayo hadduu waajibkii ka saarnaa gudan waayo ama dhibaato u geysto.

Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay in haweenay jirkeeda iibisa Jannada irdeheeda loo furay, keddiib markay Eey waraabisay, dartiisna Alle ugu dembi dhaafay. Waxa kaloo laga weriyay in haweenay Naarta irdeheeda loogu furay Bisad ay xirtay darteed ilaa ay ka dhimatay, iyadoo aan quudin, inay dhulka Alle ka qaraabatana aan usii deyn .

Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) kolkuu ciidankii Usaama ibnu Zayd (RC) amba bixinayay, isagoo la dardaarmaya wuxuu ku yiri: (Ha dilina dumar, duqay iyo ilmo da' yar, geed timir ha jarina, geed mira lehna ha gooyina, waxaad arki doontaan rag kaniisado u go'ay ee iyaga iyo wixii ay u go'een isu daaya).

Muslimiintu waxay lahaan jireen xoolo "waqaf" loogu yeero. Xoolahaas oo  isugu jiray dhar, raashin iyo qalabka la isku qurxiyo oo inta meelo loogu tala galay la dhigo, laga baahi tiro ciddii mudan una baahan. Waqafkaas waxyaabaha lagu qaban jiray waxa kamid ahaa:

·                    Eeyaha aan cidi lahayn xerooyin gaar ah oo lagu xereeyo, lagu daryeelo, biyo iyo baadna lagu siiyo ilaa iyo inta qof doonayaa ka kaxaysanayo ama ay ka dhimanayaan.

·                    Dadka saboolka ah ee arooska qaba, qalabkii ay aqalka arooska ku qurxin lahaayeen iyo kay iyagu isku qurxin lahaayeen laga amaahiyo, sidaasna maalintaas ay arooska qabaan farxaddoodu u buuxsanto, dadka xoolaha lihi siday aroosyada u dhigtaanna iyaguna u dhigtaan.

·                    Isbittaallada iyo meelaha dadka bukaanka ah lagu daweeyo oo dad cod wanaagsan oo u gabya kana farxiya loosoo kireeyo, say xanuunka bukaankaas haaya uga khafiifiyaan, nafsaddoodana farxad u geliyaan.

·                    Guryo lagu xereeyo alaabada guriga, si adeegtadii dheri ama wax lamid ah jebisaa intay dherigii jabnaa geeyso mid cusub uga qaadato, si ay caro iyo ciqaab uga badbaaddo.

·                    Waxa intaas barbar socday meelo raashiin laga siiyo dadka gaajaysan, harraadkana looga bi'iyo, dadka arradan looga arrad tiro, guryo dadka socotada ahi ku hoydaan, isbitaallo dadka bukaanka ah lagu daweeyo, dugsiyo wax lagu barto, meydka oo duugtiisa la baxsho, agoonkoo la kafaalad qaado, qofka dhibaataysanoo loo gurmado, iwm.

Waqafyada caynkaas ah oo qarniyaalo badan dunida Islaamka ka jiray, waqtiyadii ay jireen qof muslin ahi maxaa berrito ku qaban doona kama aanu fekeri jirin, qof kastoo muslin ah baana walaal u ahaa, wixiisana wax ka siin jiray. Bal sawiro in qof waliba uu baahidiisa qofka kale ka helayo, isaguna wixii uu dadka kale dhaamo u dhiibayo!!. Xilliga iminka la joogo waqafyada caynkaas ahi ma jiraan amaba waa dhif, waana tan keentay in ummaddii Islaamka midnimadeedii iyo awooddeedii dhantaalanto, dadkiina nin walbow naftaa xeer ka dhigto.

4- Huridda:

Huriddu waxa weeye dareen nafsi ah oo qofku uu qofka kale naftiisa uga hormarinayo wanaagga iyo maslaxadaha gaarka ah.

Huriddu waxa weeye ulajeeddo wanaagsan haddii hor Alle loola jeedo, waana waxyaabaha ugu mudan ee tusiya runnimada iimaanka qofka iyo naf samaantiisa, isla mar ahaantaana waxa weeye tiir kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee tabantaabada bulshada iyo isku tiirsanaanta dadweynaha.

Waxa tusaale inoogu filan in Qur'aanka kariimka ahi uu Ansaar ka bixiyay sawir qurux badan markuu ka hadlayay walaaltinimada, nafta u huridda, iyo wanaag ku garabgalka ay kusoo dhoweeyeen walaalohood muhaajiriin, markuu yiri:

(Kuwii iyaguna hortood beledka "Madiina" iyo iimaanka boos ka helay "Ansaar", waxay jecelyihiin qofkii usoo haajira, qalbigana waxba uguma qaadaan wixii "Muhaajiriin" la siiyo, in kastooy duruufi haysana naftooday u huraan "wixii naftoodu u baahnayd bay Muhaajiriin siiyaan", qofkii bakhiilnimada naftiisa laga badbaadiyo kuwaas baana ah  kuwa liibaanaya) (Al-Xashri: 9).

Huriddaas iskaa ah iyo naxariistaas bulshadeed ee Ansaartii Madiina ku tilmaannayd ummad kale oo adduunka soo martay ka heli maysid. Ansaari waxay hantidoodii iyo haweenkoodii wadaajiyeen walaalohood muhaajiriin oo diintooda darteed loo dullaystay, guryohoodiina looga soo saaray, dharaar cadna wax kasta ooy lahaayeen kasoo dhaqaaqay. Arrintu waxay gaartay heer ninka ansaariga ahi hadduu dhinto uu ninka muhaajirka ahi dhaxlo, naftoodii iyo maalkoodiina way u hureen.

5- Cafiska:

Waxa weeye dareen nafsiyadeed oo uu ka dhasho in qofku xaqiisa ka tanaasulo, si kasta oo kan xadgudbay uu dulmiloow u yahay iyo xad kastoo dulmigiisu gaarsiisan yahay, waxase shardi ah in kan lagu xadgudbay uu awood u leeyahay inu aarsado. Waxa kaloo shardiya in waxa lagu xadgudbay aanay diinta iyo karaamada Islaamka ahayn, haddii kale cafiska caynkaas ahi isdhiib iyo dullinimo ayuu noqonayaa.

Cafiska caynkaas ahi waxa weeye tilmaan akhlaaq wanaag ah oo tusinaysa iimaan xididdo adag iyo edeb islaami ah oo heer sare ah. Haddaba la yaab ma laha haddaynu aragno in Qur'aanka kariimka ahi uu ina farayo, naguna tirtirsiinayo cafiska:

(Inaad iska cafisaan baana Alle-ka-cabsiga u dhow, hana illaawina inaad isu sama-fashaan) (Al-Baqara: 237).

(Ma sinnaan karaan camalka wanaagsan iyo camalka xumi, ku tir "xumaatida" tan iyadu wanaagsan "qofkii ku xumeeya wanaag ugu beddel", markaas kii ay cadaawadu idiin dhaxaysay "wuxuu noqon doonaa" sidii saaxiib aad kuugu dhow) (Fusilat: 34).

(Addoomada "Allaha" Raxmaankuna waa kuwa dhulka si miyir ah ku mara, waxma garatadu markay la hadlaanna "hadal xun ku dhahaanna" waxay u celiyaan hadal gobeed) (Al-Furqaan: 63).

(Kuwa iyaguna caradooda liqa, dadkana iska cafiya, Allena dadka samaha fala waa uu jecel yahay) (Al-Cimraan: 134).

·                    Zaynul-Caabidiin ibnu Xuseen ibnu Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) waxaa laga weriyay maalin isagoo masjidka u socda inuu nin caayay. Adeegeyaashiisii baa damcay inay ninkii u gacan qaadaan. Zaynul-Caabidiin wuxuu adeegeyaashii ku yiri: Daaya ninka, keddibna intuu ninkii ku jeestay buu yiri: (Waryaa waa ninkaagan, anigu intaad igu sheegtay ka badan baan ahay, waxyaabaha aadan iga garanayn baana ka badan intaad iga garanayso, haddaad inan kuu sheego rabtana waan kuu sheegayaa). Ninkii baa markaas xishooday. Zaynul-Caabidiin intuu qamiiskiisii u siibay buu kun dirham ha loogu daro yiri. Ninkii wuxuu halkii ka dhaqaaqay isagoo leh: (Waxan qirayaa inankani Rasuulkii Alle inankiisii inuu yahay).

·                    Ibnu-Cabbaas (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Cuyayna ibnu Xisin baa markuu Madiina yimid wuxuu kusoo degay ina walaalkiis Xur ibnu Qays oo kamid ahaa dadka uu Cumar soo dhowaysto maadaama uu Qur'aanka yaqiin, Cumarna uu dadka Qur'aanka akhriya dhallinyaro iyo duqayba majliskiisa kusoo dhowayn jiray, lana tashan jiray. Cuyayna wuxuu ina walaalkiis ku yiri: Amiirul-Mu'miniinka idan ii weydii, idan buuna u weydiiyay. Markuu u galay buu yiri: Ibnul Khadhaaboow Ilaah baan ku dhaartaye wax badan nama aadan siin, caddaaladna naguma aadan xukumin. Cumar baa intuu carooday, inuu u gacan qaado damcay. Xur baa markaas yiri: Amiirul-Mu'miniinoow Eebbe wuxuu Nabigiisa ku yiri:

(Cafiska qaado "iska saamax", wanaaggana "dadka" far, kuwa wax-magaratada ahna iskaga jeeso "ha ciqaabin") (Al-Acraaf: 199), kanina wax-magarataduu kamid yahay. Ilah baan ku dhaartaye markuu Aayaddaas ku akhriyay Cumar halkiisii ma aanu dhaafin, wuxuna ahaa nin kitaabka Alle aan xadkiisa dhaafin).

6- Dhiirranaanta:

Dhiirranaantu waxa weeye awood nafsiyadeed heer sare ah, qofka mu'minka ahina uu kaga shidaal qaato; Allihiisa uu rumaysan yahay, xaqa uu aaminsan yahay, qoraalka Allee uu isu dhiibayo, mas'uuliyadda saarane uu dareensan yahay iyo barbaarintii wanaagsanayde lagu soo barbaariyay. Arrimahaas oo dhami waxay qofka mu'minka ah siiyaan awood iyo dhiirranaan uu ereyga xaqa ah ku sheego, cidna uusan uga heybaysan, naftiisaba ha ku kallifee.

Dhiirranaantu aad bay uga muuqatay shakhsiyaddii Abuu-Bakar (RC) oo ahaa mu'miniinta kan ugu iimaanka culus Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dabadiis. Iimaanka Abuu-Bakar wuxuu gaaray heer Cumar (RC) oo ahaa nin awood iyo itaal Eebbe ku mannaystay uu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye haddii iimaanka Abuu-Bakar kafad[11] la saari lahaa iimaanka ummaddaan oo dhanna kaffad la saari lahaa waxa cuslaan lahaa iimaanka Abuu-Bakar).

 Mowqifyadii dhiirranaanta laga dheehanayay ee Abuu-Bakar (RC) haddaynu inyar uun ka tilmaanno:

·                    Maalintii uu Suubbaneheennii Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) geeriyooday, asxaabtiisiina ay geeridiisa maqleen, warka geeridiisu wuxuu ku noqday argagax iyo fajiciso. Waxaa ku dhacday musiibadii ugu weynayd ee abid ummad islaam ah ku dhacda. Waxaa ka geeriyooday Rasuulkoodii iyo macallinkoodii, waxaana halkaas ku go'ay waxyigii samada uga imaan jiray. Way wada agoontoobeen, qof walbaana wuxuu raadsaday geed uu keligiis ku hoos ooyo. Dadkii waxay u kala bexeen qaar suuxsan oo maahsan, qaar warka rumaysan la' oo u haysta in been loo sheegayo iyo qaar dhabtii dhadhamiyay oo iska ooyaya. Cumar ibnul Khadhaab (RC) wuxuu kamid ahaa dadkii warka geerida Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka daadegi waayay oo rumaysan waayay. Intuu masjidkii ka istaagay buu isagoon is ogayn yiri: (Niman munaafiqiinta kamid ah baa waxay leeyihiin Rasuulkii Alle waa dhintay, Rasuulkii Allena ma dhimane wuxu aaday Rabbigiis, siduu Muuse ibnu Cimraanba Rabbigiis u aaday, wuxuna maqnaa afartan beri. Markii la yiri wuu dhintay kaddibna wuu usoo laabtay. Ilaah baan ku dhaartaye Rasuulkii Alle wuu soo noqonayaa lugaha iyo gacmuhuuna ka gurayaa kuwii yiri wuu dhintay).

Cumar (RC) oo dadkii sidaas ugu gooddinaya, ayaa waxaa yimid Abuu-Bakar (RC) oo faras saaran, kana yimid guri uu ku lahaa magaalada geeskeeda kale. Masjidkii buu galay, isagoon cidna la hadlinna Caa'isha (RC) u galay, una tegay Rasuulkii (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ooy maro ku daboolan tahay. Intuu maradii ka qaaday, wejigana ka dhunkaday buu isagoo ooyaya hab siiyay, kuna yiri: "Aabbahay iyo hooyaday lagugu furaye, Alle laba jeer ku dili maayo, dhimashadii Ilaah kuu qorayna waad dhimatay". Dabadeed intuu masjidkii kusoo laabtay, buu dadkii hor istaagay oo intuu Alle ku mahadiyay, dabadeed yiri: (Intaas kaddib, qofkiinnii Maxamed caabbudi jirayoow, Maxamed waa dhintay, qofkiinniise Alle caabudi jirayoow, Alle waa noolyahay mana dhimanayo), wuxuna akhriyay:

(Maxamed Rasuul mooyee wax kale ma aha, hortiisna Rusul baa tagtay, ee hadduu dhinto ama la dilo ma raadkiinnii baad ku noqonaysaan "ma gaaloobaysaan", qofkii raadkiisa ku noqdaa Alle waxba ka dhibi maayo, Allena wuxuu abaalmarin doonaa kuwa mahadiya) (Aala Cimraan: 144).

Ibnu-Cabbaas (RC) wuxuu yiri: (Waaba iyagoo aanay dadku ogayn inuu Alle Aayaddaas soo dejiyay ilaa uu Abuu-Bakar ka akhriyay. Markaas bay gebigood ka daba akhriyeen, qof bina-aadan ah oon akhrinaynna ma jirin). Ibnu Musayib (RC) isna wuxuu yiri: Cumar wuxuu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye Abuu-Bakar oo "Aayaddaas" akhrinaya markaan maqlay uun baan ogaaday in Nabigii (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) dhintay, markaas bay sidii wax la boqna gooyay lugihii i celin waayeen, markaasaan dhulka ku dhacay).

·                    Isla geeridii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kaddib, bay muslimiintii ka lablabeeyeen inay diraan ciidankii uu hoggaaminayay Usaama ibnu Zayd (RC), ciidankaas oo uu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intaanu bukoon u diyaariyay inuu duullaan ku qaado dhulka Shaam oo uu Roomaanku markaas ka talinayay. Dadkii baa Abuu-Bakar ka codsaday inuu bixitaanka ciidanka dib u dhigo, maadaama berri wax dhici doona aan la garanayn kol hadduu Rasuulkii (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) geeriyooday, qabaa'ilkii carbeed iyo magaalooyinkii geerida Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga ogaaday wax ay samayn doonaanna aan la ogeyn. Hase yeeshee Abuu-Bakar si aan gabbasho lahayn buu ugu jawaabay, isagoo leh: (Allahay nafsadda Abuu-Bakar gacantiisa ku jrto baan ku dhaartaye, haddaan u malaynayo inay dugaagtu i kala dafayso diritaanka Usaama siduu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u amray baan u fulinayaa. Ma ahi qofka guntin uu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) gacantiisa ku guntay furaya, haddaanay xitaa dalka  cid aan aniga ahayni ku harinna waan fulinayaa).

·                    Dadkii carabta ahaa ee diinta soo galay intuu Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) noolaa, qaar baa kolkii ay geerida Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) maqleen dib u gaaloobay oo diintii ka noqday, qaar kalena sakadii ayay diideen inay bixiyaan. Muslimiintu geeridii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kaddib waxay noqdeen sidii ari habeen roobabaaw ah jooga sidii ay Sayida Caa'isha (RC) ku tilmaantay. Xaalku wuxuu gaaray heer intay qaar Abuu-Bakar (RC) u tageen ku dheheen: (Khaliifkii Rasuulkoow carab oo dhan la dagaallankooda tabar uma hayside gurigaaga iska joog, albaabkaagana xiro, rabbigaana warka dhabta ahi intuu kaaga imaanayo halkaaga ku caabbud). Hase yeeshee ninkii Alle-ka-cabsiga iyo oohinta badnaa, sidii neecawdii u qaboobaa, sidii xariirtii u jilcanaa, sidii qalbi hooyana u naxariista badnaa, ilbiriqsiyo gudohood buu sidii baddii u kacay, sidii libaaxiina u ciyay oo Cumar wejiga uga qayliyay: (Jaahiliyadiina ma naxariislaawaad ahayd islaankana ma wadne weynaad noqtay?, waryaahee waxyigii waa dhammaystirmaye ma diintii baa la dhimayaa anoo nool?, Ilaah baan ku dhaartaye hoggaan rati ooy Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) siin jireen hadday ii diidaan waan kula dagaallamayaa, Ilaah baan ku dhaartaye intay gacanteydu seef qaadi karto waan la dagaallamayaa). Cumar (RC) intaas markuu maqlay wuxuu yiri: (Alle dagaal buu laabta Abuu-Bakar u furay, waxanan ogaaday inuu xaq ku taaganyahay).

Dhiirranaanta sida aad soo aragteen xaqa lagu dhiirradaa waxay kamid tahay jihaad kan ugu weyn, waana in ubadka lagu barbaariyo.

Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyay: (Jihaad kan ugu fiicani waxa weeye erey xaq ah oo hoggaamiye gaboodfal[12] ah laga hor sheego)[13].

Mawaaqifta raggii kale ee Alle mooyee cid kale aan xaqa uga baqayn haddaynu soo qaadanno: Sheekh la oran jiray Al-Ciz ibnu Cabdi-Salaam ayaa mar suldaankii Masar Najmud-Diin Ayuub oo golihiisii wasiirrada iyo rag badan oo madax ah la fadhiya ku yiri: (Ayuuboow maxaad Alle agtiisa ku doodi doontaa hadduu ku yiraahdo: Ma intaan boqortooyadii Masar ku siiyaad khamri bannaysay?). Ayuub wuxuu yiri: Oo ma sidaas baa dhacday?. Wuxu yiri: Haa, baarka hebel ah khamrina waa lagu iibiyaa, xaaraanna waa lagu xalaashaystaa, adna nimcada boqortooyada ayaad ku dhex gadgaddoomaysaa. Ayuub wuxuu yiri: (Arrinkaasi wax aan anigu hadda samaynayo ma ahoo ilaa waqtigii aabbahay bay soo jirtay).  Al-Ciz wuxuu yiri: Haddaba adigu waxa aad kamid tahay kuwa dhahaya:

(Abbeyaasheen baynu dariiqad iyo diin sidan ah kasoo gaarnay, ayagii baanan annagu ku raad joognaa) (Al-Zukhruf: 23).

Suldaankii wuxuu markaas amray in baarkii la xiro.


 

[1] Addoon baan ahay: Wuxuu ula jeeday Anigu ariga ma lihi ee ninkii iska lahaa baan addoon u ahay oo isagaan u raacaa.
[2] Bukhaari (2442, 6951), Muslim (2580).
[3] Bukhaari ( 13), Muslim (45).
[4] Bukhaari (6011), Muslim (2586).
[5] Muslim (2566).
[6] Bukhaari (1240), Muslim (2162/5).
[7] Muslim (2699).
[8] Xaakim (6745).
[9] Abuu-Daa'uud (4941), Tirmidi (1924).
[10] Bukhaari (6013, 7376), Muslim (2319).
[11] Kafad: Miisaanka labadiisa saxan mid.
[12]  Gaboodfal: Aan xaq iyo caddaalad dadka ku maamulin.
[13] Abuu-Daa'uud (4344), Ibnu-Maaja (4011).