اعرف نبيك محمد صلى الله عليه وسلم
إعداد/ القسم العلمي بمدار الوطن
نرجمة: عبد القادر شيخ محمد اخي
MUXAMED S.C.W.
WAXAA DHAMAANTEEN
WAAJIB INAGU AH ..
v
Inaan rumeyno Nabi muxamed s.c.w. rumeyta nabi muxamed s.c.w. waa inaan ictiqaadino inuu yahay rasuul xaq ah , oo xaga illaahay laga soo diray, kaasoo la yimi hanuun iyo naxariis loogu talo galay iney dadka ka bixiso mugdiga shirkiga iyo baadida gaalnimada ,kuna hagta dadka nuurka hanuunka iyo raxmada islaamka ..
قال الله تعالى :(قل ياايها الناس إني رسول الله إليكم جميعا الذي
له ملك السموات والأرض لاإله إلا هو يحيي ويميت فآمنوا
بالله ورسوله النبي الأمي الذي يؤمن بالله وكلماته واتبعوه
لعلكم تهتدون ) الأعراف : 158
v
Inaan ka jeclaano nafteena iyo maalkeena iyo ehelkeena oo dhan.
قال الله تعالى : ( قل إن كان ءاباؤكم وأبناؤكم وإخوانكم وأزواجكم
وعشيرتكم واموال إقترفتموها وتجارة تحشون كسادها ومساكن
ترضونها أحب إليكم من الله ورسوله وجهاد في سبيله
فتربصوا حتى ياتي الله بأمره ، والله لا يهدي القوم الفاسقين )
التوبة : 24
Aayadani waxey si cad daboolka uga qaaday cidaan ka jeclaanin Allaah iyo rasuulkiisa iyo jihaadka fii sabiili llaahi wax kasta oo aduunyo la halmaala sida waalidiinta & caruurrta &walaalaha & naagaha xaasaska ah & qaraabada & xoolaha lakasbadey & ganacsi laga baqaayo inuu baaro & guryo aad ka raali tihiin , waxaa udanbeeya khasaraaro aan la qiyaasi karin, Allaah subxaanahu watacaalaa ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah..
v
Inaan barano siiradiisii carafta badneyd iyo nolol maalmeedkiisii dhaxalgalka ahaa, taasina waxey keeni kudayashadiisa s.c.w.
قال الله تعالى : ( لقد كان لكم في رسول الله اسوة حسنة لمن
كان يرجوا الله واليوم الأخر وذكر الله كثيرا ) الأحزاب : 21
Nabi muxamed s.c.w. Allaah baa ka doortay uunkoo dhan..
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( إن الله أصطفى كنانة
من ولد اسماعيل ، واصطفى قريشا من كنانة ، واصطفى
من قريش بني هاشم ، واصطفاني من بني هاشم )
Mida kale Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa og barta uu yeeli rasuulnimadda..
(الله أعلم حيث يجعل رسالته ) الأنعام : 124
v
Inaan qaadano sunadii nabiga s.c.w. oo macnaheedu yahay wax alaale iyo wuxuu rasuulku s.c.w. la yimi waa inaan sidey yihiin ugu dhaqano , wax alaale iyo wuxuu rasuulku s.c.w. inaga reebayna waa inaan ka fogaano ..
قال الله تعالى : ( وما ءاتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه
فانتهوا واتقوا الله إن الله شديد العقاب)الحشر : 7
v
Inaan hadalkiisa iyo sunadiisa ka hormarino waxey nafteenu jeceshahay oodhan, Akhii ha hilmaamin diintu waa la dhameystiray , diintu uma baahna ra,yigaada iyo caqligeyga gaaban , yeysan dhicin inaan marnaba la barbartano sharciga illaahay iyo sunada nabiga s.c.w.
قال الله تعالى: (ياأيها الذين آمنوا لا تقدموا بين يدي الله
ورسوله واتقوا الله إن الله سميع عليم)الحجرات : 1
v
Inaan sunadiiso difaacno - waa inaan la garab istaagnaa hiil iyo hoo s.c.w.
v
Waxaa waajib ah inaan adeecno nabigeena s.c.w. hadaan adeecno waxaan heleynaa hanuun.
قال الله تعالى : ( وإن تطيعوه تهتدوا)
v
Akhii & ukhtii waxaan filayaa bandhigan gaaban kadib inaad dareenteen xiisaha weyn ee qof kasta oo muslim ah u qabo inuu barto nolol maalmeedkii xaabiibkeena muxamed s.c.w. sababtoo ah la mid ma,aha barashada nabi muxamed s.c.w. barasho la barto qof caadi ah hadaba waxaan idiin dardaarmayaa inaad isku dartaan barashada nabiga s.c.w. iyo hirgalinta sunadiisa uu inooga tagay ..
Allaahuma Sali calaa muxamed wacalaa aali muxamed kamaa saleyta calaa ibraahiim wacalaa aali ibraahiim inaka xamiidu majiid, wabaarik calaa muxamed wacalaa aali muxamed kamaa baarakta calaa ibraahiim wacalaa aali ibraahiim inaka xamiidu majiid.
Akhii hadii allaah sakhiro waxaan ku dadaali inaan si isdaba jooga idiinku soo bandhigno mowduucyada kale ee ku tacaluqa nabigeena s.c.w. ayaamaha soo socda .
Codsi : Walaal kasta oo muslim ah oo buugan yar aqrista waxaan ka dalbayaa inuu iiduceeyo..
Walaal kasta oo ka hela buugan yar khalad cad waxaan ka dalbayaa inuu ila soo socodsiiyo.
Walaal kasta oo awood u leh inuu bulshadiisa kheyr ku biiriyo waxaan ka dalbayaa inuusan ka bakheylin..
Walaal kasta oo awood u leh inuu daabaco kitaab diinta islaamka ku saabsan ama shey dadka anfacaya lagu qorey waxaan ka dalbayaa inuusan ka gaabinin..
Walaal kasta oo jecel inuu ka qeyb qaato baahinta kheyrka waxaan ka codsanayaa inuu la xiriiro idaacadaha quraanka iyo kuwa daneeya faafinta diinta islaamka ..
Akhii hadaad jeceshahay inaan wada xiriirno waxaad iga heleysaa Taleefoonaha maktabka ama jawaalkan 0508359466 , Rabi ha inaga badbaadiyo khilaafta sunada xabiibka s.c.w. , hana inaga yeelo kuwii sunada xabiibka s.c.w. uqaata sidey tahay, kuna dhaqan galiya naftooda iyo ehelkooda iyo dhaamaan bulshadooda ..
v
اللهم إنا نسألك السداد في القول والعمل ، والحب الصادق لنبيك المعصوم صلى الله عليه وسلم وسائر النبيين والصديقين والشهذاء والصالحين وحسن اولئك رفيقا .
بسم الله الرحمن الرحيم
HORDHAC
Walaalayaal wax la isku mashquuliyo waxaa ugu fiican in la diraaseeyo siirada nabiga s.c.w. Udhaba galka noloshii xabiibkeena s.c.w. waxey nafta ku ababineysaa sidii adigoo mudo dheer lasoo noolaa xabiibka iyo halyeeyadii usoo halgamay diinta islaamka, waxaaba taas ka sii daran oo dhaceysa markasta ood badiso aqoon korodhsiga taariikhda islaamka waxaa kuu siyaadaya waayo aragnimo iyo geesinimo aan laab la kac laheyn . saa waxaad ogaaneysaa asbaabta keenta quwada iyo tan keenta tabardarada, sidoo kale asbaabaha lagu jabo iyo tan lagu guuleysto, hadii dhib dhaco sida looga dabaasho..
Diraasada siirada nabiga s.c.w. waxey ina bari : sida loo soo celin karo sharaftii iyo cisadii ay ku noolaayeen muslimiintii hore Iyo inuu allaah subxaanahu watacaalaa ugargaari cidii u qumta cibaadadiisa .
قال الله تعالى : ( إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم ) محمد : 7
قال الله تعالى : ( إنا لننصر رسلنا والذين آمنوا في الحياة الدنيا ويوم يقوم الأشهاد ) غافر : 51
قال الله تعالى: ( ولينصرن الله من ينصرة إن الله لقوي عزيز )
الحج : 40
Aayadahan dhamaan waxey xumbaarsan yihiin macaneyaal aad uwaaweyn, kuwaasoo lagu soo koobi karo arimahan soo socda :
Kow : Axadkii ama umaddii ugargaarta allaah diintiisa allaahbaa ugargaari , waliba wuxuu sugi cidhbahooda gaar ahaan markey la kulmaan cadowgooda ..
Labo: Aayada labaad allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu balan qaaday inuu ugargaaraayo rusushiisa iyo kuwa isaga rumeeyey aduunka iyo aakhiro ..
Sadex : Axadkii allaah ugargaara allaah baa ugargaari Allaah waa qawi falsan- Akhii allaah ugargaarkiisu ma ahan inuu kuu baahan yahay ee adigaa u baahan mar kasta, amarkiisa iyo aayadahiisa cad cad oo aduunka lagu dhaqan galiyo ayaa ah gargaar aad diintiisa ugargaartay, kadibna waxaad heli nasrigiisa iyo kaalmadiisa ..
NASABKA NABIGA S.C.W.
Abuu qaasim Muxamed ibnu cabdillaahi ibnu cabdil mudalib ibnu haashim ibnu cabdi munaaf ibnu qusayi ibnu kilaab ibnu murata ibnu kacab ibnu luayi ibnu qaalib ibnu fahar ibnu maalik ibnu nadar ibnu kanaanah ibnu khuseyma ibnu mudrikah ibnu ilyaas ibnu mudar ibnu nasaar ibnu macad ibnu cadnaan , intaas waa inta la isku waafaqsan yahay nasabka nabiga s.c.w. waxaa kale oo iyana la isku waafaqay inuu cadnaan yahay ilmihii ismaaciil..
Magacyada nabiga s.c.w. jubeer ibnu mudcim A.H.R.N. ayaa nabiga s.c.w. ka wariyey inuu yiri : waxaan lee yahay magacyo dhowr ah : waxaana ka mida muxamed iyo axmed iyo maaxi -oo ah kan illahay ku baabiiyey kufriga - waxaa la I yiraahdaa xaashir -qiyaamaha ayaa illahay dadka hoosteyda kusoo kulmin- waxaa la I yiraahdaa caaqib-nabi iga danbeeya ma jiro- xadiiskan waxaa wariyey bukhaari & muslim ..Abii muusaa wuxuu yiri : Nabiga s.c.w. ayaa noo sheegi jiray magacyadiisa, wuxuuna dhihi jiray : waxaa la iyiraahdaa Muxamed iyo Axmed iyo Muqafi ,iyo xaashir ,iyo nabiga towbada , nabiga raxmada , waxaa wariyey muslim..
Nabigu s.c.w. waa nadiif aan ceeb laheyn, sidaas darteed ayaa allaah subxaanahu watacaalaa ka doortay khalqiga oo dhan ,eeg xadiiskan uu wariyey muslim . ..
Waasilata ibnu asqac A.H.R.N. wuxuu ka wariyey nabiga s.c.w. inuu yiri :(Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa caruurtii ibraahim ka doortay ismaaciil, ismaaciilna ka doortay kanaanah, kanaanana ka doortay qureysh, qureyshna ka doortay banii haashim , banii haashim aniga iga doortay)
Hiraqle markuu weydiiyey abuu sufyaan oo gaal ahaa markaas nasabka nabiga s.c.w. wuxuu yiri abuusufyaan : Waa nin nasab fiican, markaasuu hiraqle yiri : sidaas ayaa lagu yaqaanaa rususha, Bukhaari ayaa wariyey..
DHALASHADII NABIGA S.C.W.
Nabigu s.c.w. wuxuu dhashay maalin isniin ah bisha rabiicul awal , taariikhda dhalashadiisa s.c.w. hadal badan baa ka yimi , waxaase usaxsan inuu dhashay sanadkii maroodigu soo weeraray kacbada arintan waxaa qaba raga tariikhda qora sida ibraahim ibnu mundir .
Al-Xisaami oo ah sheekhii bukhaari iyo khaliifata ibnul-khayaad iyo qaar kale.. Culimada siirada qorta waxey sheegaan inay nabiga hooyadii tiri : ma dareemin wax culeys ah markaan nabiga uurkiisa lahaa , markuu dhashayna waxaa la soo baxay nabiga nuur iftiimiyey inta u dhaxeysa mashriq iyo maqrib .
Nabiga s.c.w. aabihii wuxuu dhintay isagoo caloosha hooyadii ku jira .
Nuujinta nabiga s.c.w. : Nabiga waxaa maalmo nuujisey suweybah oo ah adoontii abii lahab, kadibna waxaa nuujisay xaliimo sacdiya, qabiilada banii sacad ee ay xaliimo ka dhalatay ayuu joogay afar sano, halkaas ayaana qalbigiisa intii la jeexay laga saaray nasiibkii sheydaanka , intaa kadib xaliimo sacdiya waxey ucelisay nabiga s.c.w. hooyadiis .
Nabiga s.c.w. hooyadii waxey dhimatay isagoo lix sano jira waxeyna ku dhimatay Al-Abwaa iyadoo ka laabatay Mako Al-Mukarama, Nabigu s.c.w. markuu soo maray Al-Abwaa isagoo usocda mako ayaa wuxuu idan ka qaatay eebihiis inuu qabriga hooyadiis siyaarto wuuna u idmay, Nabigu s.c.w. wuu ooyay dadkii la socdayna wey ooyeen, wuxuuna yiri : (Siyaarta qubuuraha ,siyaarada qubuuruhu waxey xusuusin u tahay aakhiro) waxaa wariyey muslim.. markay hooyadii dhimatay waxaa daryeeshay umu ayman oo ah adoon uu ka dhaxlay aabihii ,kadibna waxaa kafaalo qaaday awoowgii cabdil mudhalib , Nabigu s.c.w. markuu sideed sano gaaray waxaa dhintay awoowgii wuxuuna u dardaarmay wiilkiisii abiidaalib inuu kafaalo qaado nabiga s.c.w , Abiidaalib wuxuu ku guuleystay inuu la garab istaago nabiga s.c.w. hiil iyo hoo , laakiin nasiib daro wuxuu ku dhintay gaalnimo , dadaalkii uu nabiga ugeystay ayaa Allaah wuxuu kaga fududeeyey cadaabkii qiyaamaha .
Nabiga s.c.w. tan iyo markuu yaraa wuxuu rabi ka badbaadiyey xumaantii ay jaahiliyadu dhex tumbuluqsan jireen, dhinaca kalena wuxuu allaah subxaanahu watacaalaa ugu deeqay akhlaaq aad usareysa , Nabiga s.c.w. waxaa loo yaqaanay amiin- kii amaanada gudan jiray-iyo run low waxaa jirta qiso cadeyneysa arimahan, markii ay qureyshi cusbooney siineysay kacbada ayaa waxey isku khilaafeen yaa Xajarul-Aswadka bartiisii ku celinaya? qolo walba waxey tiri anaga , kadib markii la is mari waayey, waxaa lagu heshiiyey waxaa ku celinaya qofka ugu horeeya ee inoo yimaada , Nabi muxamed s.c.w. ayaa isla markiiba yimi aad ayaana loogu wada riyaaqay sababtoo ah waxaa lagu wada qabay kalsooni buuxda , nabigu s.c.w. markaas da,diisu waxey aheyd 35jir, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Hala fidiyo maro kadibna xajarul-aswadka hala dulsaaro kadibna qabiil kasta odey marada dacal haka qabto , markii lala sinaa booskii xajarul aswadka nabiga s.c.w. ayaa intuu hafsiiyey bartiisii dhigay, arintan waxaa wariyey axmed iyo xaakim wuuna saxiix yeelay .
GUURKII NABIGA S.C.W.
Nabigu s.c.w. wuxuu guursaday khadiija isagoo jira 25sano, intuusan guursan ka hor wuxuu aaday shaam isaga iyo adoonkii khadiisa meysara, halkaas oo ay u aadeen ganacsi ,meysara markuu ka soo laabtay safarkii ayaa wuxuu u sheegay khadiija wanaagii uu ku arkay Nabiga s.c.w. kadiba waxaa allaah dhib yareeyey guurkii nabiga s.c.w. khadiija bintu khuweylid , sadex sano ka hor intuusan nabigu s.c.w. u hijroonin madiina ayaa rabi khadiija oofsaday, kadibna Nabigu s.c.w. wuxuu guursadey sowda bintu samcah kadibna caa,isho Abuubakar As-Sadiiq oo aheyd gabadha kaliya ee nabigu s.c.w ku guursaday gabarnimo , kadibna xafso bintu cumar ibnu khadaab iyada iyo aabaheed allaah raali haka noqdo kadibna seynab bintu khuseymah bin xaaris allaah haka raali ahaado kadibna umusalmah oo magaceeda la yiraahdo hindu bintu umayah allaah haka raali ahaado kadibna seynab bintu jaxash allaah haka raali ahaado kadibna juweyriyah bintu xaaris allaah haka raali ahaado kadibna umu xabiibah allaah haka raali ahaado oo magaceeda la yiraahdo ramlah waxaa kaloo la yiri: hindu bintu abii sufyaan kadibna safiyah bintu xuyey ibnu akhdhab ayaa nabigu s.c.w. guursaday markii dagaalkii kheybar ee nabigu s.c.w. ka guuleystay yahuuda dhamaaday, kadibna meymuuna bintu xaaris allaah haka raali ahaado ayey aheyd hooyadii muuminiinta ee ugu danbeysay haweenkii nabiga s.c.w.
FIIRO GAAR AH : Nabigu s.c.w. intey khadiijo nooleyd naag kale maguursan.
CARUURTII NABIGA S.C.W.
Dhamaan caruurta nabiga s.c.w. rag iyo haween markii laga reebo ibraahim waxaa dhashay khadiija bintu khuweylid A.H.R.N. Ibraahim waxaa dhashay maariyah Al-Qibdhiyah oo ah haweeney boqorkii maqooqis ee masar xukumi jiray uu u hadiyeeyey nabiga s.c.w..
Wiilashu waa qaasim iyo c/llaaahi iyo ibraahiim oo isagu noolaa labo sano oo dhiman labo bilood , ibraahiim wuxuu ku dhashay madiina , nabiga s.c.w. waxaa loogu wici jiray Abul-Qaasim Gabdhaha nabiga s.c.w. waxaa uweyneyd : 1-seynab waxaana guursaday Abul-Caas ibnu rabiic oo ahaa wiil ay dhashay habaryarteed.
2-Ruqiyah waxaa guursaday cismaan ibnu cafaan A.H.R.N.
3-Faadumo waxaa guursaday cali ibnu abii daalib A.H.R.N. waxeyna u dhashay xasan iyo xuseen oo ah labada sayid ee dhalinyarada janada galeysa ,
4-Umu kalsuum waxaa guursaday Cismaan ibnu cafaan kadib markey ka dhimatay ruqiyah bintu rasuuli llaah, A.H.R.N. dhamaantood .
Imaamu nawawi wuxuu yiri :Gabdhuhu waa afar khilaaf la,aan ,wiilashuna waa sadex sida saxda ah .
SOO BIXINTII NABIGA S.C.W.
Nabiga s.c.w. waxaa loo waxyooday isagoo jira afartan sano,ugu horeyntii isagoo jooga Qaarul-Xiraa ,maalintuna tahay maalin isniin ah bisha ramadaana tagtay 17habeen ayaa malag kusoo dagay, Nabiga s.c.w. markii waxyi kusoo dagaayo wuxuu dareemi jiray daal daran wajigiisuna wuu is badali jiray.
Malakul-Jibriil Markuu u yimi nabiga s.c.w - wuxuu ku yiri : Aqri , Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : Wax ma aqriyo Malagiibaa nabiga cabudhiyey ilaa uu nabigu s.c.w. dareemo rafaad , mar labaad ayuu ku yiri : Aqri : Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : Wax ma aqriyo, sidii oo kale ayuu yeelay markii sadexaad, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri :
)إقرأ باسم ربك الذي خلق خلق الإنسان من علق
إقرأ وربك الأكرم الذي علم بالقلم علم الإنسان مالم يعلم )
العلق 1-5
Nabigu s.c.w. markuu dhibkaas la kulmay wuxuu yimi gurigiisa isagoo gariiraya cabsi darteed , kadibna wixii ku dhacay ayuu u sheegay khadiija bintu khuweylid A.H.R.N.
Khadiija wey dajisay nabiga s.c.w. waxayna u sheegay inuusan rabi marnaba duleyneynin sababtoo ah waxey tiri :Qaraabada waad xiriirisaa, hadalkana runta baad ka sheegtaa , masaakiintana waad caawisaa , markuu dhib dhacana waad garab istaagtaa, Kadibna waxyigii ayaa istaagay, markaasuu rasuulku s.c.w. ayaan joogay, taasina waxey rasuulka s.c.w. ku abuurtay murug , ayaan kadib malaku jibriil ayaa samada iyo cirka inta u dhaxeysa buuxiyey markaasuu nabigu s.c.w. isagoo cabsoonaya khadiija u yimi wuxuuna ku yiri: iduuduub oo maro i huwi , Allaah ayaa nabiga s.c.w. la hadlay oo ku yiri
Aayadahan rabi wuxuu nabigiisa ku amray inuu dadka udigo ,oo dadka diinta illaahay ugu yeero yar iyo weyn , rag iyo haween , cad iyo madow , dadkii diinta illahay wey ajiibeen gaar ahaan cidii illaahay kheyr la doonay, kuwii maan gaabyada ahaa ee diinta illaahay iyo dacwada rasuulka hortaagnaa rabi baa qabtay oo meel daran ka tuuray , adeerkii abii daalibna wuxuu noqday mid allaah uga dhigay gaashaan uu ka dugsado cadowga jecel in la tirtiro magaca rasuulka , abii daalib ma ogoleyn in nabiga s.c.w. dhinaciisa laga maro , qureysh intey abii daalib nabiga ku ilaaliyeen illaahay hadey ka baqi lahaayeen jano ayey gali lahaayeen . Ibnu qayim wuxuu yiri : Dacwadu sadex sano ayaa si hoos hoos ah loo waday kadibna allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu nabigiisa amray inuu dacwada kor u qaado oo xaqa cadeeyo si cabsi la,aana .
قال الله تعالى : (فأصدع بما تؤمر وأعرض عن المشركين(
الحجرات :94
Nabi allow muuji oo cadee waxa lagu fari , kana jeeso kuwa mushrikiinta ah, maalintaas wixii ka danbeysay nabigu s.c.w. lama gaban jirin dacwada iyo faafinta diinta islaamka ..
Kadibna nabiga s.c.w. waxaa la amray inuu u digo qaraabadiisa sida ku cad suurada Ash-Shucaraa :
قال الله تعالى : ( وأنذر عشيرتك الأقربين ) 214
Maalin maalmaha kamida ayuu nabigu s.c.w. buurta safaa dhalada uga baxay markaasuu af labadii dhawaaqay sidii isagoo cadow magaalada dhinac kasoo galay ka digaya, dhawaaqii baa lawada maqlay, dadkiibaa isweydiiyey dhawaaqa, Muxamed s.c.w. inuu yahay ayaa cadaatay kadibna waa la isu yimi, nabigu s.c.w. wuxuu ku bilaabay hordhacii sheekadii uu watay : Kawarama hadaan idin iraahdo cadow fardooley ah ayaa buurtan dhinac kasoo koraya ma iga rumeysaneysaan? Dhamaan waxaa lagu jawaabay haa ,been kuguma aanaan baranin Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: hadaba waxaan idiinka digayaa cadaab aad u daran .. Abuu lahab oo nabiga s.c.w. adeerkii ahaa ayaa yiri: hoog hakuu sugnaadee Ma waxaasaad noosoo kulmisay? markaasaa illaahay subxaanahu watacalaa soo dajiyey suurada Tabad ee cadeysay inuu Abii-lahab isagu hoogay oo ba,ay, Abii lahab iyo naagtiisa xaabo gurka badan ay naarta galayaan ..
بسم الله الرحمن الرحيم
تبت يدا أبي لهب وتب ، ما أغنى عنه ماله وما كسب ،
سيصلى نارا ذات لهب وأمرأته حمالة الحطب في جيدها
حبل من مسد )المسد:1-5
Akhii fiiri sida illaahay subxaanahu watacaalaa udifaacay nabigiisa s.c.w. Nabigu s.c.w. wuxuu usabri jiray dhibaatooyinka. Nabigu s.c.w. wuxuu kala kulmay reerkii uu ka dhashay ee qureysheed dhibaatooyin badan sidaas ay tahay wuxuu ku mooday sabir iyo dulqaad, dhamaantiin waad la socotaan nabiga s.c.w. markuu u adkeysan waayey isaga iyo asxaabtiisii dulmiga qureysh, asxaabtiisii wuxuu amray iney dhulka xabashida u haajiraan carar ay la cararayaan diintooda .
Ibnu isxaaq wuxuu yiri : Markuu dhintay Abii -
Dhaalib, Nabiga s.c.w. waxey ugeysatay qureysh dhibaato aysan waligeed ku fikirin intuu noolaa abii dhaalib . Abuunuceym wuxuu abuu hureyra ka soo xigtay inuu yiri , nabiga s.c.w. markuu dhintay adeerkii abii lahab qureysh dhibaato laxaad leh ayey ugeysatay, nabigu s.c.w. wuxuu arintan ka yiri : Adeerow markaad dhimatay isla markiiba dhibaa isoo gaaray,Saxiixeynka Bukhaari iyo Muslim waxaa kucad in nabiga s.c.w. oo sujuudsan dhabarka laga saaray uusta geela - waxaa ka saaray gaalkii weynaa ee Cuqbah ibnu abii muceyd -Nabiga s.c.w. sujuudii kama toosin ilaa ay faadumo ka dajisay uuskii saaraa dhabarkiisa, nabiga s.c.w. wuu habaaray wuxuuna yiri: (Allahayow waxaan kugu ogahay reerka qureysheed )
Maalina Cuqbah ibnu muceyd ayaa nabiga s.c.w. maro uu qabay qoorta kaga marjiyey markaasuu abuubakar kafujiyey oo ku yiri: Ma waxaad dileysaan nin yiri rabigey waa Allaah ..
SIDUU NABIGU S.C.W. UGU NAXARIISAN
JIRAY QOOMKIISII..
Markii ay dhinteen abii daalib iyo khadiija nabiga s.c.w. aad ayaa loo dhibay markaasuu aaday magaalada dhaa,if si uu qabiilooyinka Banii-Saqiif ugu yeedho islaamka, Banii-Saqiif wey ka hor yimaadeen dacwadii nabiga s.c.w. waxeyna ku qaabileen santaag iyo jeesjees, waliba waxey u adeegsadeen nabiga s.c.w. dhagax tuur ilaa ay boqnihiisa dhiig ka keeneen , markaasuu nabigu s.c.w. wuxuu goostay inuu mako ku laabto, Waakan nabiga s.c.w. oo ka sheekeynaya wixii ku dhacay maalintii dhaa,if : wuxuu yiri :Waxaan ka soo baxay dhaa,if anigoo jaah wareersan oon ogeyn meelaan ka socdo iyo meel aan usocdo, markaan soo gaaray Qarni manaasil -Miiqaadka reer najdi ayaan madaxeyga kor uqaaday markaasaan arkay daruur ihareyneysa mise waa Malakul-Jibriil C.S. wuu ii yeeray markaasuu iyiri : Allaah wuu maqlay hadalkii ay qoomkaadu ku dhaheen iyo waxey kuugu jawaabeen Allaah wuxuu kuu soo diray Malaga buuraha si aad u amrtid waxaad doontid , Malagii buuraha ayaa ii wacay oo isalaamay markaasuu igu yiri: Muxamdow Allaah wuu maqlay hadalkii ay qoomkaadu ku dhaheen iyo waxey kuugu jawaabeen, aniguna waxaan ahay malagii buuraha, Allaah ayaa ii kaa soo diray hadaad rabtid labada buurood ayaan ku dabooli -waa labo buurood oo maka ku yaala -Nabigu s.c.w. wuxuu yiri:
(Ha yeelin waxaan illaahay subxaanahu watacaalaa ka rajeynayaa inuu laabahooda kasoo dhex bixiyo kuwo illaahay caabuda oon lawadaajinin cibaadadiisa axad kale)
Qisadan waxaa soo saaray bukhaari iyo muslim..
Nabiga s.c.w. markii lagaaro waqtiyada dadku isu yimaado sida ciidaha i.w.m. intuu baxo ayuu qabiilooyinka dhex gali jiray markaasuu dhihi jiray : Yaa isoo dhaweynaya ? yaa ii gargaaraya ? qureysh wey iidiideen inaan kalaamkii rabigey dadka gaarsiiyo. Nabigu s.c.w lix qof ayuu kula kulmay Al-Caqabah markaasuu diinta ugu yeeray, lixdiiba wey islaameen kadibna madiina ayey kulaabteen sanadkii danbe ayaa hadana waxaa yimi wafdi ka socda madiina al-munawah oo doonaya iney nabiga s.c.w. lagalaan heshiis diimeed , kulankaasi wuu dhacay waxaana loogu magic daray heshiiskii Al-Caqabadii labaad -labada jeerba sir bey aheyd- taasina waxey sababtay in islaamku madiina al-munawarah ku faafo, intaa kadib nabigu s.c.w. wuxuu amray saxaabadiisii iney uhaajiraan madiina al-munawarah, halkaas oo nabiga iyo axbaabtiisa si ba,an looga sugaayey..Nabiga s.c.w. iyo abuubakar A.H.R.N. faro caaradood ayey kaga baxsadeen cadowgii qureysheed ee kutalagalsanaa inuu damiyo nuurka aduunka usoo baxay -waa nabiga s.c.w. - Arintani waxey nabiga s.c.w. iyo abuubakar ku kaliftay iney habeen madow ka guuraan guryahoodii -godka la magac baxay Qaaru-Sowr ee dhinaca koonfureed mako kaga yaala ayey sadex habeen baryeen, gaaladii qureysheedna illaahay baa ka indho tiray, kadibna nabigu s.c.w. iyo abuubakar waxey nabad ku galeen Madiino Al munawarah oo nabiga iyo saaxiibkiis sidii bil dhalatay looga sugaayay wagii barya iyo gabalkii dhaca .. Nabiga s.c.w. markuu madiino tagay sheekada wuxuu ka bilaabay in ladhiso masjid muslimiinta u noqda goob ay ku showraan iyo goob ay diintooda kukala bartaan iyo goob lagu diyaariyo ciidamada islaamka difaacaya, isla sanadkaas wuxuu la heshiiyey yuhuudii madiino daganeyd, muhaajiriin iyo ansaarna walaalo ayuu ka dhigay ..
Nabigu s.c.w. dagaalo badan ayuu lagalay cadowga islaamka, waxaana lagu qiyaasaa 27 duulaan-sagaal kamida dagaaladan ayaa ugu caansaneyd , xataa uu quraanku qaar kamida dagaaladan si wacan uga faalooday, Quraanka waxaad ka heli suurad dhan oo loogu magac daray Al-Axsaab oo inteeda badan ka hadleysa dagaalkii Al-Axsaab ama khandaq..
Dhamaan dagaaladii lala galay cadowga islaamka, nabiga s.c.w. ayaa hogaaminaayey, ilaa uu nabigu s.c.w. rabigiis kala kulmo, Dagaalkii: Badar ,Uxud Al-Mureysiic ,Khandaq, Qureydhah, Kheybar , Al-fatxi Xuneyn ,Dhaa,if ..
Nabiga s.c.w. wuxuu kaloo diri jiray ciidan sireed soo ogaada barta ay sheekada cadowgu mareyso , kuwaasna waxaa lagu qiyaasaa 56 ..
XAJKA NABIGA S.C.W. IYO CUMRADIISA
Nabigu s.c.w. intuu madiino usoo haajiray halmar ayuu xajiyey Xajatul wadaac , afar jeerna wuu cumreystay , dhamaan bisha dulqacdah ayey dhacday marka laga reebo tii uu cumreystay xajkiisii u danbeeyey S.C.W.
SIFADII NABIGA S.C.W.
Nabigu s.c.w. wuxuu ahaa mid allaah subxaanahu watacaalaa udhameeyey qurux, aad uma dheereyn ,mana gaabneyn dhexdhexaad ayuu ahaa, garbihiisu wey kala durugsanaayeen. shafkana. nabigu s.c.w. timo ayuu ku lahaa, MIDABKIISU wuxuu ahaa mid aad moodo in la isku daray cadaan iyo guduud indhihiisu wey madoobaayeen ,dadka isagaa ugu deeqsisanaa ,xaga runtana isagaa uheystay,xaga qunyarsocodkana wax ku gaaray ma jirin xaga dhaqan hoosaadkana wax lamida majirin ,sharafna waxaa ugu filan in Rabil caalamiin uu ku tilmaamey inuu yahay mid dabeecad fiican dusheeda saaran ..
قال الله تعالى : ( وإنك لعلى خلق عظيم ) القلم : 4
Nabigu s.c.w. wuxuu ahaa dad kan ugu geesinimo badan aad ayuuna isu bahaan bihin jiray -yacnii ma kibri jirin- Nabigu s.c.w. wuxuu ka xishood badnaa gabadha bikrada ah ee aan buulkeeda ka soo bixin, Nabigu s.c.w. hadiyada wuu aqbali jiray ,hadiyad kalena wuu dabo marin jiray sadaqadana wuu aqbali jiray, laakiin ma cuni jirin ee masaakiinta ayuu uqeybin jiray, Nabigu s.c.w. naftiisa uma caroon jirin laakiin maalinkii xuduuda illaahay la dardaro wuu caroon jiray umana dul qaadan jirin Nabiga s.c.w. wixii la siiyo wuu cuni jiray waligiina cunto loosoo dhigay ma caayin ,hadey cajab galiso wuu cuni jiray hadii kalena wuu iska dhaafi jiray, Nabigu s.c.w. isma kalifi jirin mana jecleyn in la iskalifo, Nabiga s.c.w. kuma cuni jirin gacantiisa bidix , isagoo dangiigsana wax ma cuni jirin, Nabigu s.c.w. waxaa dhici jitay inaan gurigiisa dab laga shidin dhowr bilood , Nabiga s.c.w. wuxuu aad ujeclaan jiray la fariisiga foqorada iyo masaakiinta ,wuxuuna booqan jiray kuwa jiran, meydkana waxbuu ka xabaali jiray.. Nabigu s.c.w. wuu kaftami jiray mana dhihi jirin waxaan xaq aheyn wuu qosli jiray afkana makala taagi jirin ee wuu muusoon jiray , Nabigu s.c.w. reerkiisa ayuu u khidmeyn jiray wuxuuna yiri:
(خيركم خيركم لأهله وانا خيركم للأهلي )الترمذي وصححه الألباني
Waxaa idiinku kheyr badan kuwa ugu kheyrka badan ehelkooda.
قال أنس بن مالك رضي الله عنه : خدمت رسول الله صلى الله
عليه وسلم عشر سننين فما قال لشيء فعلته : لم فعلته ،
ولا لشىء لم أفعله ، ألافعلت كذا ...
Nabiga s.c.w. dadka wuu unaxariisan jiray, mucjisooyinkana wuu tusi jiray Nabiga s.c.w. intuu noolaa dayaxa ayaa labo gobal kala noqday, farahiisa intuu dhxegaliyey weel ayaa biyo ka burqadeen , geed ayaa nabiga s.c.w. u hiloobay oo cabaadkiisa la maqlay , riti ayaa nabiga s.c.w. usoo dacawooday, dhagax ayaa salaamay ,waxyaabo badan oo qeyb ah ayuu sheegay sidii u sheegay ayeyna noqotay ..
FADLIGIISII S.C.W.
Jaabir ibnu cabdillaahi A.H..R.N. isaga iyo aabihii ayaa nabiga s.c.w. ka wariyey inuu yiri: ( Waxaa la isiiyey shan aan la siinin axad aniga iga horeeyey , kow : Waxaa la iigu gargaaray inuu cadowgeygu iga baqo masaafo maalin loo socdo In dhan markaan ujiro , Labo : Dhulka oo dhan waxaa la iiga dhigay meel lagu tukan karo oo daahir ah , sidaas owgeed qof kasta oo umadeyda ka mida oo ay salaadu qabato hatukado, Sadex : Waxaa la ii xalaaleeyey qaniimooyinka gaalada laga qabsado ,ma jirto cid loo xalaaleeyey aniga ka hor .. Afar : Waxaa la i siiyey shafaacada ..Shan : Dadka oo dhan ayaa la ii diray, nabiyadii hore nabi walba qoomkiisa ayaa loo diri jiray) Xadiiskan waxaa soo saaray bukhaari iyo muslim .Anas ayaa nabiga s.c.w. ka wariyey inuu yiri: (Aniga waxaan ahay kan u horeeya ee qiyaamaha shafeeco qaadi doona , waxaana ahay anbiyada kan ugu dad badan qiyaamaha , waxana ahay kan ugu horeeya ee albaabka janada garaaci doona) Xadiis kale oo uu abuu hureyra A.H.R.N. Nabiga s.c.w. ka wariyey , nabigu s.c.w. wuxuu yiri: Anigu waxaan ahay qiyaamaha sayidkii ilmaha aadam waxaan kaloo ahay kan ugu horeeya ee qabrigiisa la dhanbali doono iyo kan u horeeya ee loo shafeeci doona isna wax shafeeci doona ..
CIBAADADII NABIGA S.C.W.
Caa,isho A.H.R.N. waxey tiri: Nabigu s.c.w. wuxuu u istaagi jiray habeenkii qiyaamu leyl ilaa ay luguhiisu dildilaacaan, markaasaa nabiga s.c.w. waxaa lagu yiri : Nabi allow maxaad naftaada u dhibi ? miyuusan illaahay subxaanahu watacaalaa kuu dhaafin danbigaagii hore iyo kii danbe? Nabigu s.c.w wuxuu ku jawaabay, hadii la ii dhaafay miyaayan ahaaneynin adoon ku mahdiya Eebihii ixsaankaas u sameeyey) .Xadiiskan waxaa wariyey bukhaari iyo muslim ..Caa,isha oo nabiga s.c.w. ka sheekeyneysa waxey tiri : Habeenkii firaashka uu ku seexan jiray wuxuu ahaa maqaar lagu cabeeyey diirka laga bixiyo geedka timirta. Ibnu cumarna wuxuu yiri : Waxaan arkay maalin nabiga s.c.w. oon heysanin timirta mida liidata tan fiican iska dhaafe wax caloosha lagu tiiriyo, laakiin maxey ka dhibi xabiibka s.c..w. aduunyo dharag la,aanteeda iyo fakhfakh la,aanteeda isagoo ah sayidkii intii dhimatay iyo inta nool, nabiga s.c.w. haduu aduunyo doonaayo buuraha ayaa dahab looga dhigi lahaa ciidana yaaquut, Aduunyo hadey qiimo lee dahay nabiga s.c.w. ayaa ku waari lahaa , gaalna koob biyo ah kama cabeen, laakiin aduunyo waa daar lagu kadsoomo aakhirana waa daartii hadhow lagu nagaan lahaa , ikhwaanii waad ujeedaan nabigeenii s.c.w. siduu aduunyada uga saahiday siduu aakhiro gows danbeedka ugu qabsaday , hadaba yeysan ina sirin dhaldhalaalka aduunyada ee intey goori goor tahay aan aakhiradeena u shaqeysano..
Ikhwaanii waxaan mahad iska leh allaah subxaanahu watacaalaa , Rabigii naga dhigay umaddii nabi muxamed s.c.w., Rabigii na waafajiyey inaan nabigiisa s.c.w. adeecno hadaba allahayow maalinta qiyaame naga yeel kuwii nabiga s.c.w. garabkiisa ahaada, kuwii kitaabkooda gacanta midig looga dhiibo, xowdka nabigana s.c.w. ka caba .. aamiin yaa Rabal-Caalamiin ..
INTA UGU MIHIIMSAN TAARIIKHDA
NABIGA S.C.W.
1-AL-Israa wal micraaj : waxey dhacday sadex sano kahor hijrada nabiga s.c.w. Nabiga s.c.w. ayaa samada loo qaaday shanta salaadoodna waa lagusoo farad yeelay, waxaa kale oo uu nabigu s.c.w. sabab ugu noqday iney diinta soo galaan lix qof oo katimi madiina. 2-Sanadkii koobaad ee hijrada nabiga s.c.w. waxaa asaxday hijradiisii uu madiina u haajiray iyo in masaajidka madiina la dhiso iyo in dowladii islaamka la aasaaso, waxaa kale oo uu ku guuleystay nabigu s.c.w. inuu yuhuudii madiina daganeyd meel saaro, muhaajiriin iyo ansaarna walaalo ayuu ka dhigay, sanadkan waa sanadkii la bilaabay aadaanka ,waana sanadkii loo idmay muslimiinta iney dagaalamaan, sanadkan waxaa islaamka soo galay caalimkii weynaa ee yuhuuda C/llaahi ibnu salaam A.H.R.N. Waxaa iyana lafarad yeelay sakada.Sanadkii labaad : Waxaa asaxay inuu dhaco dagaalkii badar, kaasoo ay muslimiintu ka guuleysteen cadowgii islaamka .. Sanadkii sadexaad : Waxaa dhacay dhagaalkii uxud kaasoo ay ku guuldareysteen ciidamadii muslimiinta kadib markey ku caasiyeen amarkii nabiga s.c.w., kooxdii loo xilsaaray iney buurta ka soo dagin ayaa markey arkeen gaaladii oo jabtay qaniimada usoo dagdagay..
Sanadkii afraad: Waxaa dhacay dagaalkii yahuudii banii nadiir, nabigu s.c.w. madiina ayuu ka saaray banii nadiir ka dib markey buriyeen balantii lalagalay
Sanadkii shanaad: Sadex dagaal ayaa dhacay sanadkaas, dagaalkii laga galay banii musdhaliq iyo dagaalkii ay gaashaanbuurtu iskusoo isbaheysteen-Al-Axsaab iyo dagaal lala galay yahuudii banii qureydah ..
Sanadkii lixaad : Waxaa dhacay heshiiskii lamagac baxay sulxu -xudeybiyah , waana sanadkii la xaaraantimeeyey cabida khamrada..
Sanadkii todobaad : Waxaa dhacay dagaalkii kheybar, waana sanadkey nabiga s.c.w. iyo muslimiintu mako galeen, weyna cumreysteen sanadkan wa sanadkii uu nabigu s.c.w. guursaday safiyah bintu xuyey ..
Sanadkii sideedaad : Waxaa dhacay dagaalkii muutah kaasoo dhexmaray muslimiinta iyo ruum, waana sanadkii mako la furtay sanadkan dagaal ayaa dhexmaray nabiga s.c.w. iyo qabaa,ilkii hawaasin iyo saqiif waa-Qaswatul-xuneyn-
Sanadkii sagaalaad : Waxaa dhacay dagaalkii ugu danbeeyey dagaaladii nabiga s.c.w. -Qaswatu taabuuk, sanadkan ayaa diinta si aad u daran loo soo galay ilaa lagaga magacaabo sanadakii wafdiyaasha ..
Sanadkii tobnaad : Waa sanadkii la magac baxay xajkii sagootinta nabiga s.c.w. sanadkaas waxaa la xajiyey nabiga s.c.w. inka badan boqol kun oo muslimiin ah.
Sanadkii kow iyo tobnaad : Nabiga s.c.w. ayaa dhintay waxeyna aheyd dhimashadiisu maalin isniin ah bishii rabiicul awal , nabigu s.c.w. wuxuu jiray lixdan sano , afartan sano waxey aheyd intaan nabi laga dhigin , sadex iyo labaatan sano wuxuu ahaa nabi iyo rasuul , sadex iyo toban sano mako ayuu dadka towxiidka ugu wacaayey , tobon sanana madiino ayuu joogay s.c.w. oo ku faaafinaanay shareecada intii ka laabneyd , hooyadey iyo aabahay iyo inta ila dhalatay isagaan ku doorsan s.c.w.
SIIRADAN KOOBAN EE KU TACALUQDA NABIGEENA S.C.W. WAXAA LAGA SOO XIGTAY KUTUBTAN :
Tahdiib al-asmaa wa luuqaat waxaa iska leh imaamu An-Nawawi .
At-Tabsirata wal xadaa,iq waxaa iska leh ibnu jowsi .
Saadul-Macaad waxaa iska leh ibnu qayim .
Siiratul-Nabawiyah waxaa iska leh Ad-Dahabi .
Jawaamicu siiratu-Nabawiyah waxaa iska leh ibnu xasmi .
Al-Fusuul fii siirati rasuul waxaa iska leh ibnu kasiir
Saxiixul-siiratu nabawiyah waxaa iska leh ibraahiim Al-Cali INTAA KADIB WAXAAN KU SIYAADINAY DHANBAAL GAABAN OO KUSAABSAN XUQUUQDA NAGIGA S.C.W.
المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات في شرق جدة
COOPERATIVE OFFICE FOR CALL AND
GUIDANCE EASTERN JEDDAH.
P. O. Box 102137 Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 625-1671 - Fax 6240398
من حـــــــــــــــقوق
النبي صلى الله عليه وسلم
باللغة الصومالية
QAAR KAMIDA
XUQUUQDA NABIGA S.C.W.
QORE: C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)
_______________________________________________
FIIRO GAAR AHAANEED : DHAMBAALKAN WAXAAN QOREY 1422H. MAADAAMA UU KU SAABSAN YAHAY NABIGA S.C.W. AYAAN WAXAAN JECLAADAY INAAN DIB KA RAACIYO BUUGAN..
بسم الله الرحمن الرحيم
KU: DHAMAAN WALAALAHA SOOMAALIYEED.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ، وبعد :
WALAALAYAAL nafta iimaanka dhabta ah Rabi ugu deeqay waxaa calaamad u ah in markii laga hadlo Nabi Muxamed S.C.W. ama wax laga qoro ay u riyaaqdo iyadoo jecel inay aragto ama wax ka maqasho sharafta Rasuulka S.C.W. intaa ka hor mahad oo dhan waxaa iska leh Rabiga mudan inaad caabudno kaligiis, Rabiga inoo soo diray Nabi Muxamed s.c.w. si uu inoogu cadeeyo Diinta Islaamka ee xaqa ah, shaki kuma jiro in Nabi Muxamed s.c.w. ina soo gaarsiiyey amaanadii Rabi inoogu soo dhiibay, taasna waxaan kalee nahay dhamaanteen -Nabi Muxamed s.c.w. Rabi haka abaal mariyo, inagana Rabi ha inaga dhigo kuwii rumeeya oo raaca jidkiisa toosan ilaa aan ka geeriyoono.Walaalayaal Waxaa xaqiiqo ah inaysan jirin xaquuq qof banii,aadam ah ku lee yahay qof kale oo ka weyn xuquuqda Nabi muxamed s.c.w. inagu lee yahay, sidaas darteed miyeysan waajib inagu aheyn inaan barano xuquuqda Nabigeena s.c.w. inagu lee yahay si aan u noqono kuwo ka soo baxa xuquuqdiisa XAQA KOOBAAD EE NABIGU S.C.W. INAGU LEE YAHAY: waa inaan barano noolashii qiimaha badneyd ee uu soo maray Nabigeenu S.C.W. ilaa qabriga laga galiyey, maxaa yeelay barashada xayaatadii uu soo maray Nabi Muxamed s.c.w. waxay ka mid tahay waxyaabaha iimaanka qofka kor uqaada, sidaas darteed waxaan halkan kuugu soo gudnin Aqoonsi gaaban oo ku saabsan Nabi Muxamed s.c.w. waxaana u dar daarmayaa qofkii wax aqrin kara inuu aqristo kutubta laga qoray xayaatadii uu Nabigeenu s.c.w. soo maray sida kitaabka Siirada Raxiiqu Al- Makhtuum ee afka soomaaliga loo badalay, Nabi Muxamed s.c.w. waa ina cabdullaahi ibnu cabdull-mudhalib waxuuna ka yahay reer haashimi waxuuna ka sii yahay qureysh, waana ilmihii Nabi ismaaciil c.s.w. Nabi muxamed s.c.w. waa adoon Alle ka dhigay Rasuul waxaana Rabi u diray dhamaan dadka oo dhan, kan cad iyo kan madow si uu diinta Rabi ee xaqa ah ugaarsiiyo fiiri suurada Al-Acraaf Aayada (158)
قال الله تعالى:( قل يا أيها الناس إني رسول الله إليكم جميعا)
Nabi Muxamed s.c.w. waa Rasuulkii u dambeeyey Rususha Rabi oo dhan, sida ku cad Qur,aanka suurada Al-Axzaab Aayada (40)
قال الله تعالى : ( ما كان محمد أبا أحد من رجالكم ولكن
رسول الله وخاتم النبيين)
![]()
Nabi Max,ed s.c.w. waa Nabiga ugu fadli badan dhamaan Rususha Rabi soo diray, sida ummada Nabi Max,ed s.c.w. uga fadli badan tahay ummadihii ka horeeyey, Nabi Muxamed s.c.w. wuxuu Rabi ku xoojiyey risaaladiisa mucjisooyin fara badan oon halkan lagu soo koobi karin waxaana ugu weyn Kitaabka Qur,aanka, Nabi Muxamed s.c.w. wuxuu ku dhashay Mako sanadkii ay carabtu ugu magac dartay sanadkii maroodiga, ee ku beegan taariikh ahaan 571 Nabi ciise ka dib. Nabi Max,ed s.c.w. wuxuu mako joogay 10sano wuxuuna ka hadlaayey wanaaga Towxiidka iyo xumaanta shirkiga, ka dibna wuxuu u haajiray Madiina wuxuuna joogay 13sano, isagoo dadka baraya shareecada islaamka intii ka dhimaneyd sida Zakada Soomka Xajka, Jihaadka, Wanaag isfarida iyo xumaan iska reebida, i.w.m. ilaa Rabi ka oofsaday isagoo jira 63sano,
XAQA LABAAD EE NABIGU S.C.W. INAGU LEE YAHAY : Waa inaan dhamaanteen rumeyno Nabi Max,ed s.c.w.inuu yahay Nabi Alle u doortay rasuulnimo, rasuul-nimadiisuna tahay mid xaq ah oon shaki ku jirin, Waxaana cadeyn u ah arintan aayado badan oo Qur,aanka kariimka ku jira,Tusaale ahaan fiiri suurada Al-Maa,idah Aayada (170)
قال الله تعالى : (ياءيها الناس قد جاءكم الرسول بالحق من ربكم
فآمنوا خيرا لكم …الآية)
3-Waa inaan jeclaano Nabi Muxamed s.c.w. oo waliba noqdo jaceylkeenu mid ka sareeya midka aan u qabno nafteena iyo dhamaan ehelkeena oo dhan sida ilmaheena xaasaskeena, waali- diinteen iyo dhamaan dadka oo dhan.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:(لا يؤمن أحدكم حتى أكون
أحب إليه من ولده ووالده والناس أجمعين)متفق عليه .
4-Waa inaan weyneyno oon ixtiraamno Nabi Muxamed s.c.w. inagoon ka saro marinin xaqa Rabi siiyey sida amaanta ka baxsan xadka
. قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (لا تطروني
كما أطرت النصارى ابن مريم فإنما أنا عبد الله ورسوله)
رواه البخاري.
Ixtiraamka Nabiga s.c.w. waa midka lagu muteysto Janada Rabi, sidaas darteed qofkii raba inuu liibaano aduun iyo aakhiro waxaa waajib ku ah inuu ku dhago Sunada Nabiga s.c.w. aadna uga fogaado wax alaale iyo wixii ka hor imaanaya Sunada Nabiga
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (عليكم بسنتي وسنة
خلفاء الراشدين المهديين تمسكوا بها )
Hadaan ka bixiyo Tusaale gaaban sida loo qadariyo Nabiga s.c.w. waa inaysan dhicin inaan ra,yigeena ka hormarino ra,yiga Nabiga s.c.w. isku day inaad aqrido Qur,aanka gaar ahaan bilowga Suurada Al-Xujuraat waxaa kuu cadaan Aadaabta laga rabo qofka muslimka ah dhinaca Alle iyo Rasuulka s.c.w.
قال الله تعالى:(يا أيها الذين ءامنوا لاتقدموا بين يدي الله ورسوله)
Ka dibna sii aqri Aayadaha (2,3,4,5) waxaa kuu cadaan Aadaab kale oo khaas ku ah Rasuulka s.c.w. Walaalayaal yeysan dhicin in qof sheeganaya ixtiraamka Nabiga uu ku dhaco Bidco aan Diinta asal ku laheyn sida Xuska Mowliidka i.w.m. waxaana ugu nasteexeynayaa dadka lagu imtixaanay bidcadan i.w.m. inay xaqa u laabtaan, Mowduuca bidcada Mowliidka risaalo ayaan si faahfaahsan uga qorey ,cidii rabta iney daalacato waxaan udardaarmayaa iney aqriso– BIDCADA XUSKA MOWLIIDKA - hadii aan wax ka sheego qodabadii ugu muhiimsanaa een ku qeexnay risaalada waxaa kamida kuwan hoos ku taxan , Kow : Hadaad nabiga jeceshahay ku dayo .. LABO : Adiga iyo saxaabadii nabiga s.c.w. midkiinee jecel nabiga s.c.w.? SADEX: Ma og tahay mowliidka asalkiisu meesha uu ka yimi maxeyse aheyd ujeedada laga lahaa markii la bilaabaayey ?
AFAR: Xuska mowliidka wuxuu ka dhigan yahay dayasho lagu dayanaayo nasaarada , waayo iyagaa xusa nabi ciise c.s.w. in lagu deydana waa xaaraam
Shan: Hadii aan isku waafaqno jawaabaha su,aalahan kor ku xusan sideen dadkeena uga dhaadhicinaa in xuska mowliidku bidco yahay ? Rabi xaqa hanagu hanuuniyo.
5-Waa inaan rumeyno wax alaale iyo wuxuu Nabigu s.c.w. inoo sheegay, sida waxyaabihii la soo dhaafay- iyo kuwa mustaqbalka dhici doona, waa in la inaga helo mar kasta wuxuu Nabigu s.c.w. ina amray kana fogaano waxuu inaga reebay Nabigu s.c.w. sida ku cad Qur,aanka Suurada Al-Xashr (7)
( قال الله تعالى:(وما ءاتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فأنتهوا
6-Waa inaan aad u badino Saliga Nabiga s.c.w. maxaa yeelay Rabi ayaa Qur,aanka inagu amray inaan Nabiga ku salino hadaan nahay Muu,miniin. Alle iyo Malaa,igtiisana waxay ku saliyaan Nabiga korkiisa, taasna waxay ina tuseysaa darajada Rabi siiyey Nabi Max,ed s.c.w
قال الله تعالى:(إن الله وملائكته يصلون على النبي يأيها الذين
ءامنوا صلوا عليه وسلموا تسليما ) سورة الأحزاب ( 56 )
Habka loogu saliyo Nabiga s.c.w. waa sidan :
اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم إنك
حميد مجيد، اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت
على آل إبراهيم إنك حميد مجيد ) متفق عليه
Qofkii mar kaliya ku saliya Nabiga s.c.w. waxaa Rabi ku salin korkiisa toban goor sidaas darteed Walaalayaal waa inaan aad u badino Saliga Nabiga s.c.w. si aan u gaaro darajadan weyn.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم
(من صلى علي صلاة صلى الله عليه بها عشرا ) رواه مسلم.
7-Waa inaan u gargaaro diinta xaqa ah ee uu la yimi Nabi Muxamed s.c.w. Habka loogu gargaaro Diinta Islaamka waa dhowr nooc:
1-Waa inaan barano Diinta Islaamka.
2-Waa in la inaga helo dhaqan waafaqsan islaamka.
Walaalayaal waxaan cadowgeena u jabnay maalintaan dayacnay dhaqanka islaamka ee dhabta ah, maalintaan ka tilaabsanay Sunada saxda ah , maalintaan ilmaheena ku tarbiyeyn weynay jidka Rasuulka iyo inta raacday wadadiisa toosan.
Walaalayaal ku dhaqanka sunada Nabiga s.c.w. iyo jeceylka Nabiga ma ahan arin qof kasta iska sheegan karo, muslimiinta maanta joogta aduunka oo dhan waxay sheeganayaan inay Nabi Muxamed s.c.w. raaceen hadana waad arki kartaa farqiga u dhaxeeya dhaqankeena iyo dhaqanka Nabigeena s.c.w. ee kutubta sunada ku cad, Rabi ha ina asturo.
UGU DAMBEYNTII : Hadii lagu weydiiyo Maxaa cadeyn u ah in Nabi Max,ed s.c.w. yahay rasuul xaq ah? Waxaad ku jawaabtaa sidan: Allaah subxaanahu watacaalaa iyo Malaa,igtiisa sharafta leh waxay marag ka yihiin in Nabi Max,ed s.c.w. yahay Rasuul Alle ku soo dajiyey Kitaab xaq ah waxaana marag ku filan Rabi fiiri Qur,aanka suurada An-Nisaa Aayada (166) waxay ku tuseysaa macnahan oo kale.
قال الله تعالى : (لكن الله يشهد بما أنزل إليك أنزله بعلمه
والملائكة يشهدون وكفى بالله شهيدا)
Waxaa kale oo inoo cadeynaya in Nabi Muxamed s.c.w. yahay rasuul xaq ah Nabiyadii ka horeeyey sida Nabi Ciise iyo Nabi Muuse c.s.w. Tusaale ahaan fiiri Qur,aanka suurada AL-Acraaf Aayada (157) ama dhamaadka suurada Al-Fatxi Aayada (29) ama suurada As-Saf Aayada (6) oo ah bishaareyn.
قال الله تعالى : (وإذ قال عيسى ابن مريم بابني إسرائيل إني رسول الله إليكم مصدقا لما بين يدى من التوراة ومبشرا برسول يأتي من بعدى اسمه أحمد…الآية )
![]()
وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (أنا النبي لا كذب أنا ابن
عبد المطلب ) متفق عليه.
Intaas ka dib waxaan ku soo gabagabeynayaa risaaladan gaaban Aayadan qiimaha badan.
قال تعالى: (قل إن كنتم تحبون الله فاتبعوني يحببكم لله ويغفر لكم
ذنوبكم والله غفور رحيم ) ال عمران (31)
Ikhwaanii hadii aan dooneyno in allaah subxaanahu ina jeclaado waxaa laasim inagu ah inaan raacno nabi muxamed s.c.w, run ahaantii qof nasiib leh ayaa rabi jeclaadaa , haduu allaah ina jeclaado wey inoo dhacantay, sababtoo ah ,danbigeena ayuu dhaafi ,Malaku jibriilna wuu uyeeri kadibna wuxuu usheegi inuu jecel yahay adoon hebel ,jibriil cirka iyo dhulka uunka ku nool ayuu gaarsiiyaa in hebel allaah jecel yahay , kadibna samooyinka iyo dhulkaba waa laga jeclaadaa ..
اللهم إنا نسألك السداد في القول والعمل ، والحب الصادق لنبيك المعصوم صلى الله عليه وسلم ، ونسألك الإستقامة في العمل وسلامة القلب وإن مرض الجسد ، وصحة الروح وإن إعتلت الجوارج ، اللهم إنا نسألك استقامة نسلك بها سبل الجنة ، وهذاية نقرع بها ابوابها وتوفيقا يسلكنا مع أصحابها ، وكرامة تجعلنا مع الذين يحتلون أرفع درجاتها مع نبيك المعصوم صلى الله عليه وسلم، وسائر النبيين والصديقين والشهذاء والصالحين وحسن اولئك رفيقا . هذا وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين..
TUSMO
MOWDUUCA BOGGA
WAXAA DHAMAANTEEN WAAJIB INAGU AH ..
CODSI
HORDHAC
NASABKA NABIGA S.C.W.
DHALASHADII NABIGA S.C.W.
GUURKII NABIGA S.C.W.
CARUURTII NABIGA S.C.W.
SOO BIXINTII NABIGA S.C.W.
SIDUU NABIGU S.C.W. UGU NAXARIISAN
JIRAY QOOMKIISII..
XAJKA NABIGA S.C.W. IYO CUMRADIISA
SIFADII NABIGA S.C.W.
FADLIGIISII S.C.W.
CIBAADADA NABIGA S.C.W.
INTA UGU MIHIIMSAN TAARIIKHDA NABIGA S.C.W.
SIIRADAN KOOBAN EE KU TACALUQDA NABIGEENA S.C.W. WAXAA LAGA SOO XIGTAY KUTUBTAN :
QAAR KAMIDA XUQUUQDA NABIGA S.C.W.