الإسلام هو الحل
إعداد : عبد القادر شيخ محمد أخي
باللغة الصومالية
ISLAAMKA AYAA XAL AH.
ISLAAMKU WAA DIINTA KALIYA EE WAX
KA QABAN KARTA DHIBAATOOYINKA
MAANTA INA HEYSATA .
Waxaa diyaariyey
C/Qaadir sh. Max,ed Akhii
HORDHAC
الحمد لله والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين أما بعد :
Mahad oo dhan rabi baa iska leh , Rabiga inaga dhigay muslimiin , Rabiga inoo soo dajiyey kitaab ay wax walba ku qeexan yihiin, Kitaab kala cadeeyey wixii maslaxo inoo ah iyo wixii dhib inoo keenaya, Kitaab cidii qabsata ay liibaantay cidii ka jeedsatana ay khasaartay, Rabi baa mahada iska leh rabiga inoo soo diray Nabi Muxamed s.c.w. oo ah Nabi naxariis socoto ah, Nabi ay dhibeyso wixii ina dhibaaya, Nabi uyimi inuu ugu bishaareeyo qofkii shareecadiisa ku toosnaada kheyr, qofkii shareecadiisa ka leexdana uga digo dhibka kusoo food leh , Nabad gelyo iyo naxariis aan buugan yar lagu soo koobi karin dushiisa allaha yeelo isaga iyo saxaabadiisii iyo ehelkiisii iyo intii ku raacday xaqa uu la yimi .
Walaalayaal buugan yar waa mid kamida taxanihii dheeraa een soo wadnay mudada dheer, kaasoon ugu talogalay inay ka faa,ideystaan muslimiinta gaar ahaan walaalaha soomaaliyeed ee fahmaya luuqada uu ku qoran yahay kitaabkan yar, waxaana rabi ka tuugayaa inuu ka dhigo kitaabkan kii wax ka badela xaalada aan maanta ku suganahay. Aamiin yaa allaah WALAALKIIN C/QAADIR SH.MAX,ED AKHII
بسم الله الرحمن الرحيم
وبه أستعين على أمور الدنيا والدين
v
SABABTA IGU KALIFTAY INAAN
MOWDUUCAN WAX KA QORO
1-Waxaan arkay muslimiinta maanta aduunka joogta inteeda badan oon fahmin wanaaga uu lee yahay islaamku iyo sharafta ay gaareyso cidii ku dhaqanta shareecada islaamka.
2-Cadowga Islaamka oo uguntaday inuu islaamka ka bixiyo fikrad ka fog islaamka dhabta ah ee Rabi Qur,aanka inoogu cadeeyey.
3-Dadka intiisa badan oo isku khalda macnaha islaamka iyo dhaqanka muslimiinta, sadexdan qodob ayaan ku soo koobi mawduucan qiimaha badan anigoo ku dabaqaya mid kasta cinwaanka dhambaalkan qiimaha badan.
HADEY MUSLIMIINTU FAHMI LAHAAYEEN
QIIMAHA ISLAAMKA DHIBKA HEYSTA MAANTA MA HEYSTEEN….
Islaamku waa diinta kaliya ee Rabi u doortay banii,aadamkoo dhan iney gaarsiiso naciimada aakhiro iyo libta aduunka.
ISLAAMKU waa diin xaq ah oo Rabi ku adoonsaday dhamaan adoomihiisu inay diin ka dhigtaan.
Islaamku waa diin aan khalad ku jirin maxaa yeelay ILLAAH baa ka dhowray. Islaamku waa diinta kaliya ee daawo unoqon karta dhibaatooyinka aduunka ka jira oo dhan Bal waxay gaarsiisaa qofkii qabsada guul aduunyo iyo liibaanta aakhiro.Hadaan tusaale gaaban soo qaadano dib u fiiri taariikhdii ragii odayaasha ahaa –saxaabada- ee uu hormuudka u ahaa Nabi Muxamed e mudadii yareyd ee ay aduunka joogeen sidey aduunka wax uga badaleen, taas waxaa la mid ahaa raadkii macnaha weynaa ee ay noo dhaafeen. Islaamka waxaa sharaf ugu filan inuu yahay diintey Alle ku caabudeen rususha Rabi soo diray oo dhan laga soo bilaabo Nabi Nuux e ilaa Nabi Muxamed e Islaamka waa diinta kaliya ee Rabi raaliga inooga yahay inaan isaga ku caabudno. Wixii iyada ka soo hareyna waa baadinimo iyo khasaaro. Fiiri Suurada Aali Cimraan Aayada (85 )
قال الله تعالى:(ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين )
Nacam wey jireen islaamka ka hor diimo la soo dajiyey sida towreet iyo injiil iyo sabuur laakiin markii Nabi muxamed s.c.w. quraanka lala soo diray ayey diimahaas oo dhan noqdeen diimo aan dhaqan iyo qabsasho aduunka uga dhamaatay dadkii heystayna ay waajib ku tahay inay rumeeyaan nabi muxamed e taasna waxaa cadeeyey rabi subxaanahu watacaalaa, rusushii diimahaas hore loo soo dhiibayna waxey bishaareeyeen nabi muxamed e inuu iman doono gadaashooda, wuuna yimi e isagoo xaga alle ka wata diin taam ah, diin wixii hore koobtay wixii danbana faahfaahinaysa, diin ay wax walba ku cad yihiin.
قال الله تعالى:( ونزلنا عليك الكتاب تبيانا لكل شئي وهدى ورحمة وبشرى للمؤمنين) سورة النحل الآية: 87
Diin ka sareysa diimahoo dhan sida ku cad suuradda Al-Maa,idah aayadda (48)
قال الله تعالى:(وأنزلنا إليك الكتاب بالحق مصدقا لما بين يديه من الكتاب ومهيمنا عليه فاحكم بينهم بما أنزل الله ولاتتبع أخواءهم عما جاءك من الحق لكل جعلنا منكم شرعة ومنهاجا ولو يشاء الله لجعلكم امة واحدة ولكن ليبلوكم فيما ءاتاكم فاستبقوا الخيرات إلى الله مرجعكم جميعا فينبئكم بما كنتم فيه تختلفون )
Nabi muxamadow waxaan kugu soo dajiney kitaabka xaqqa, kaasoo rumeyn wixii ka horeeyey oo kitaab ah, isagoo marag iyo garsoore u ah, ee ku kala xukun dhaxdooda wuxuu soo dajiyey eebe, hana ka raacin hawadooda waxa kuu yimid oo xaq ah, dhamaan waxaan u yeelay shareeco iyo wado, haduu doono eebana wuxuu idinka yeeli umadd kaliya, laakiin wuu idinku imtixaani wuxuu idin siiyey ee u tartama kheyrka , xaga eebe ayey noqoshadiinu tahay dhamaan wuxuuna idiinka warami waxaad isku diidaneydeen ) .
Islaamku wuxuu yimi iyadoo aduunkoo dhan dulmi iyo dhibaato ka taagan tahay, dhibaatooyinka ka taagnaa aduunka hadaan wax ka taabano, waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga caqiidada, waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga dhaqanka, waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga mucaamalada waxaa jiray dhibaatooyin ku saaabsan xaga bulshada waxaa jiray dhibaatooyin ku saabsan xaga dhaqaalaha, kadibna islaamku wuu xaliyey dhibaatooyinkaasoo dhan.
Islaamku waa nidaamka kaliya ee ku dhisan cadaalad aan eexasho laheyn taasna waxaa sabab u ah ILLAAHAY ayuu ka soo fulay .
Islaamku uma fiiriyo dadka xaga midabka iyo jinsiyada iyo wadaniyada iyo xoolaha ee wuxuu dadka ku kala saro mariyaa xaga iimaanka iyo camalka wanaagsan.Islaamku waa diin dhex dhexaada, waa diin shey walba meeshii loogu talo galay dhigeysa tusaale ahaan dhinaca dhaqaalaha islaamku ma ogola in xoolaha lagu fataalo, sidoo kale ma ogala inaan xoolaha laga bixin xaqa waajibka ku ah.
Islaamku wuxuu la dagaalamay ribada wuxuuna la yimi sakada oo ah tiirka sadexaad ee arkaanta islaamka kuna dhisan iscaawin iyo is-taakuleyn. Islaamku waa diin loo soo dajiyey dhamaan banii,aadamka oo dhan inay qaataan, midka cad midka madow midka carabka ah iyo midka cajamiga. Islaamku waa diin u suubata waqti kasta iyo meel kasta, Macnaha qofkii joogay waqtigii Nabiga iyo qofka hada nool dhamaantood isku si ayaa islaamka looga rabaa inay ugu dhaqmaan, iskusi ayaa rabi wax u amray iskusi ayaa rabi wax uga reebay.
Islaamku waa diin dadka ku dhiiragalisa barashada cilmiga, sidaas darteed hadaad kitaabka qur,aanka kala bixiso waxaad ka heli aayado badan oo ku tusaya qiimaha waxbarashada, Fiiri suuradda dhaaha aayada 114 & suuradda Aali -Cimraan aayada 18 & Suuradda Az-Zumar aayada 9 &Ssuuradda Al-Calaq aayadaha 1-5 & suuradda An-Nuun bilowgeeda ,dhamaan aayadahan iyo kuwo kaloo badan oon lagusoo koobi karin buugan yar waxey cadeynayaan Qiimaha cilmiga ..
Cilmiga islaamku ina faray ma ahan diiinta islaamka kaliya ee waxaa islaamku ina faray inaan barano wax kasta oo qofkka anfacaya aduunkiisa iyo aakhiradiisa
Hadaan dhaho diinta islaamku waa diinta horseedka u ah ilbaxnimada maanta aduunka ka jirta , waana diinta hadii loo dhabo galo laga heli karo waxkasta oo banii,aadamka hormarin kara .
Hadaba Muslimiinta maxaa daaray? Waa su ,aasha cid walba isweydiiso..
Islaamku wuxuu leeyahay sharci ama nidaam ILLAAHI ah oon la badali karin, cidii isku deyda inay wax ka badashana hoog aduun iyo mid aakhiro ayaa u dambeeya, Islaamka markaad u dhabagasho xikmadaha ku jirta markuu dadka wanaag faraayo ama xumaan ka reebaayo waxaa kuu cadaaneysa inuu kuligii kheyr socda yahay, bes wuxuu laa yahay oo kaliya dadkii dhulka ku dhaqan galin lahaa, markaad dib u eegto dhibaatooyinka ummadaha heysta waxaa kuu cadaan in xaga sharciga rabi laga gaabiyey ama lagu gaaloobey, tusaale ahaan maanta dowladaha lagu tilmaamo iney hormar gaareen ahna dowladaha lagu magacaabo barwaaqo sooranka ayaa ugu murug badan, waana dowladaha ugu badan ee dadkoodu nafta iska gooyo, dadkaas waxaa ka maqan ruuxdii iimaanka ee ku sabirsiin laheyd xayaatada aduunka, ruuxdaas xaqiiqada ahna waa islaamka, cid kasta oo xaqiiqadan ka gaabisana jasaheeda waxey ku arki aduunyada intaan aakhiro lagaarin, waxaa kuusoo harey dadka hawadooda raacay ee jecel in la qaato ra, yigooda kaliya waxaad ogaataa kuwaasi ineysan kudhaqmin islaamka, waana dhibaatooyinka maanta muslimiinta meelay joogaanba heysta, waxaad arkeysaa ninbaa xoog ku qabsanaya wadan dhan, markaasuu wuxuu isku dayayaa inuu cabudhiyo ummadda intuusan rabin, qaar uu laayo iyo qaar uu xoriyadda ka qaado iyo qaar uu xabsiyada ka buuxiyo iyo qaar durbaanka u garaaca,Run ahaantii dhinacaas maanta muslimiinta waxaa kaga horeeya gaalada waliba nimanka reer galbeedka la yiraahdo waayo waxey sameyteen nidaam aan labadli karin, allaahuma hadey maslaxadu diido waa la badali sida maantaba aduunka ka socota, waxaad arkeysaa gaalada ninbaa la dooranayaa mudo la isku og yahay hadhowtana waa laga qaadi , hadii la rabana waa loo siyaadin, laakiin muslimiinta qofkii kursiga nabad ku gaara wuxuu ku dadaali inuu ku dul dhinto, ama isku adkeeyi intii laga eryo sidii dhurwaagii kadibna uu meelaha qaxooti ka noqdo, qaar baa waxaa laga hayaa inay yiraahdeen dhul ma,ahane dad ka tagi maayo, qaar kalena waxaa dhacda inay gaaladu ku ilaaliso kursiga, haduu maslaxadooda kahor yimaadana shacabka ayaa lagu kicin, sidaas ayuuna ku dhacayaa, Calaa kuli xaal islaamku bari buu ka yahay maamulada aan shareecada ku saleysneyn.
Islaamku wuxuu leeyahay nidaam la yiraahdo Al-Shuuraa- oo macnihiisu yahay wada tashi si la isugu darsado maskaxaha ka la duwan. Fiiri Qur,aanka suurada Al-Cimraan Aayada (159)
قال الله تعالى : ( وشاورهم في الأمر )
وقوله تعالى : ( وأمرهم شورى بينهم )
Islaamku qofka madaxweynaha noqonaya shuruud ayuu u sameeyey, xataa dadka dooranaya sharuud ayey leeyihiin , laakiin dadka shacabka caadiga ah iyo haweenka waxma garatada ,caruurta, waxaa ka masuula nimanka cilmiga iyo caqliga isku darsaday, taasi waa hadii la doonayo in lagaaro kheyr, laakiin hadii laga daba wareegto diimoqraadiyo iyo waxey yiraahdaan wood ama reer hebel wax ha lagu qeybsado waxaa ka imaanaya waxaan lagu mahdin doonin cidhibtiisa danbe, waana sida hada howshu ku socoto, matalan hadaan wax ka taabano shuruudaha laga rabo qofka xaakimka noqonaya.
1-waa inuu ahaado nin muslima.
2-Waa inuu ahaado nin diinta islaamka wax ka yaqaan.
3-Waa inuu ahaado nin caqligiisu taam yahay .
4-Waa inuu ahaado nin caadil ah.
5-Waa inuu ahaado nin siyaasada iyo maamulka yaqaan.
6-Waa inuu ahaado nin amaanada gudan kara .
7-Waa inuu ahaado nin lixdiisa laxaad taam yihiin
Ninkee maanta tilmaamaha noocana laga heli karaa ???? Allaahbaa kaamila Muslimiintu maanta waxey doonayaan inuu utaliyo ugu yaraan Axad imaanleh, qasadkiisuna yahay inuu Laa illaaha ila llaahu muxamadu rasuulu llaahi kor ahaato ..
Madaxweynaha waxaa dooranaya wax garadka ay arintu ka go,do, ma,aha in qabiil lagu doorto ama ay gaaladu inoo dhoodhoobto midaan eebe agtiisa waxba ku laheyn, hadii la helo madaxweyne tilmaamahaan wax kasoo sheegnay wata dadweynaha waxaa waajib ku ah inay adeecaan, inay ka caawiyaan wixii diinta iyo dalka dan u ah, waa iney ku sabraan wixii dhib ah oo ka yimaada xaga dowlada, waa ineysan ka hor imaanin nidaamka dowlada islaamka udagan, allaahuma haduu nidaamku ka hor imaanayo diinta rabi ama macsi yahay lagu adeeci maayo cidna , waayo nabiga s.c.w. ayaa waxaa laga hayaa inuu yiri :
(على المرأ السمع والطاعة فيما احب وكره إلا أن يؤمر بمعصية ،
فإذا أمر بمعصية فلا سمع ولا طاعة ) متفق عليه .
(Qofka waxaa waajib ku ah maqlid iyo adeecid-amarka madaxweynaha - wuxuu jecel yahay iyo wuxuu karhayo, laakiin hadii macsi la faro ma aha inuu maqlo ama adeeco) run ahaantii mowduucyadan waa wada xasaasi mid walbana kitaab gaara ayuu ubaahan yahay in laga qoro laakiin maadaama aan soomaali nahay waxaa aad u yar aqrinteena iyo wax qoraalkeena,sidaas darteed waxaan jeclaaday inaan sida ugu gaaban mas,alo kasta wax uga sheego, waxaa la arkaa in eebe naxariistiisu na hadheyso .
ISTAAG ..STOP.. FIKIR..FAHAN.. CAQLI YEELO
waxaan lee nahay may muslimiintu horey usocoto, umadd iyadiiba isdaba jareysa xagey ka hor mari, ummadd aan isu ogoleyn sharaf iyo raganimo miyaa horey u mari waxaan idiinka sheekeynayaa qiso dhacday samankan aynu ku jiro –waxaa jira boqolaal qisooyin oo tan ka daran- nin reer suuriyaana ayaa ingiriiska wax ku soo bartay, gaar ahaan waxbarashadiisu waxey aheyd –teknoolajiga casriga iyo sida hubka loo sameeyo, ninkii markuu waxbarashadiisa dhameystay ayaa wuxuu yiri : Waxaan aadayaa dhulkeygii si aan u anfaco ummadeydii , gaaladii aad ayey isugu taxluujiyeen inay joojiyaan laakiin waxey arkeen inuusan ogaleyn, ninkii markuu dhulkiisii hooyo ku laabtay, wuxuu u bandhigay madaxdii wadankiisa inuu awood u lee yahay inuu hubka wax ku siyaadiyo, waxey jawaabtiisii noqotay in dugsi sare maamule looga dhigo – bal eeg takhasuska ninkaas iyo meesha loo direy – gaaladii kama aysan harin ninkii ee waxay daba dhigtay sakuurad xaaladiisa ka soo warama , ugu danbeyntii markii la ogaaday inuusan tixgalin ku heysan bulshaduu shalay u ordayey, ayaa lala soo hadlay waxaana loo balan qaaday aduunyo wuxuu rabo, sidii ayuu ku noqday ninkii odayga ahaa, wuxuuna ka mid yahay hada raga sameeya hubka muslimiinta lagu gumaado, dhibka maanta ina heysta waa midaynu gacmaheena ku kasbanay inta illaahay inoo asturaayo ayaana ka badan fiiri suuradda ash-shuuraa aayadda (3o)
قال الله تعالى : (وما أصابكم من مصيبة فبما كسبت أيديكم ويعفوا عن كثير)
YAA AKHII meel fogba ha aadin eeg xaalada ay maanta soomaaliddu ku noo shahay, qaar yurub ka soo xajiyey oon xajka kula kulmay waxey ii sheegeen inaysan niyad u heynin inay soomaaliya ku laabtaan inta ay wax iska badaleyso, qaar kale waxey yiraahdeen waligeen ku noqon meyno, dadkaas maxaa halkaas gaarsiiyey ? waxaa halkaas gaarsiiyey dulmi ka carar iyo indho xumada taala wadankii hooyo, soomaaliddu hadeysan miyir yeelana waxaa dhici doonta intaas wax ka daran, waayo sidaan la socono soomaaliya waa meel cadow u tashaday laakiin caruurtii dhulka u dhalatay ayaa keynta sii qardeysay si cadowgu meel diyaara oon qodax iyo geedo laheyn u helo,Intaasoo dhan marka laga soo gudbo ma,ahan in raxmada illaahay laga quusto, aduunyadu waa daarul-camal iyadoo dhan ayaa dhib socda ah, qofka muslimka ahna waxaa loo abuuray cibaado sida uunka oo dhan-Insiga iyo jiniga - loogu abuuray cibaado.
قال الله تعالى: (وما خلقت الجن ولإنس إلا ليعبدون ) سورة الداريات الآية:56
Ikhwaanii cibaadadu ma,aha sida ay maanta inta badan ee muslimiintu aaminsan yihiin, salaad iyo sako ,soom ,xaj ,cibaadadu macnaheedu intaas wuu ka balaaran yahay , cibaadado waxaa la yiraahdaa wax kasta oo uu allaah jecl yahay raalina ka yahay , Qofka umadda maamulkeeda loo dhiibay ee cadaalad ku xukuma waa qof cibaadeysanaaya , qofka maqaaxidiisa shubanaaya ee ujeedadiisu tahay inuu naftiisa iyo caruurtiisa xalaal ushaqeysto cibaado ayuu gudanayaa , qofka suuqa ka ganacsanaaya ee xalaasha iyo xaaraanta kala dooranaaya wuxuu gudanayaa cibaado hadaba cibaadada dadka loo abuurey meela uga hari meyso ilaa ay qabriga geyso ama intuu aduunka ku nool yahay uu qashin qubka ku tuuro ..
قال الله تعالى : ( قل إن صلاتي ونسكي ومحياي ومماتي لله رب العالمين ، لاشريك له وبذلك أمرت وأنا أول المسلمين )
الأنعام : 162-163
Nabi muxamadow waxaad dhahdaa : (Salaadeyda iyo gowraceyga iyo nolosheyda iyo geerideyda dhamaan allaah baa iska leh , cid la wadaagta ma jirto, sidaas ayaana la ifaray, waxaana ahay kan ugu horeeya ee uhogaansami )
Ikhwaanii shareecada islaamku dhamaanteed waa fudeyd ,Rabio subxaanahu watacaalaa kuma kalifo adoomahiisa waxeysan tabar ulaheyn.
قال الله تعالى: ( لا يكلف الله نفسا إلا وسعها ) سورة البقرة الآية :286
Waxaan maanta u baahanahay in qof kasta wuxuu islaamka u qaban karo uu u qabto, qof aan wax qaban karin ma jiro , cidii dhahda anigu waxba ma qaban karo, waxaan ka codsaneynaa iney dhibkeeda ka heysato adoomaha illaahay ee u adeegaya islaamka .
Waxeynu maanta u baahanahay hadal ay soomaaliddu dhihi jirtay, hadalku ha yaraadoo howshu ha badnaato carabtuna waxey tiraahdaa:
خير الكلام ما قل ودل
Hadal waxaa u kheyr badan hadal yar oo wax badan tusiya.
ISLAAMKU CEEB MALAHA EE DADKA AYAA CEEBEYSAN.
Dad badan ayaa waxey is weydiiyaan mar kasta su,aashan islaamku haduu sidaas u wanaagsan yahay maxaa ku dhacay muslimiinta? Jawaab :Nasiib xumo waxaa dhacday labo arimood oo mid kasta keentay dhibaato aad u balaaran, MIDA KOOBAAD: Dadkii islaamka sheeganayey oon intooda badan aqoon u laheyn diinta islaamka iyo guulihii ay muslimiintu soo mareen iyo sharaftii bulshadii ku dhaqantay islaamka ay gaartay iyo xaaladihii ay ummadihii hore ku noolaayeen islaamka ka hor .
MIDA LABAAD: Bulshada maanta joogta oo indhaha ku kala qaaday cadowgeeda oo albaab kasta hangool la taagan iyo iyagoon arag bulsho islaamka ku dhaqmeysa ama isku xukumeysa, Hadaba si looga baxo duliga iyo dandarada waxaa waajib inagu ah inaan diinta islaamka ulaabano.
SHARAFTA ISLAAMKA..
Islaamku waa diin sharaf socoto ah ,waa diin qofkii qaata sharaf u yeeleysa intaan cid kale la gaarin sharafta islaamka waxaa qirey qaar ka mida aqoonyanadda gaalada kadibamarkey xaqiiqada iska sheegeen.
Nin la yiraahdo dictor: Cimaadu-Diin Al-Khaliil ayaa wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay Qaaluu cani Al-Islaam oo macnihiisu yahay islaamka waxey ka yiraahdeen, kitaabkaas wuxuu ku cadeeyey in ka badan kun aqoon yahan oon muslimiin aheyn iney uqireen diinta islaamku iney xaq tahay, dadkaas muslimiin Ma,aha laakiin aqoontoodu waxey gaarsiisay xaqiiqo aan la qarin karin kadibna runta ayey sheegeen, Dhamaan cid kasta oo diinta islaamka soo gashey waxey cadeysay in islaamku yahay xaqiiqada kaliya ee ummaduhu ubaahan yihiin.
Diinta islaamka waxaa soo gala maalin kasta in ka badan kumanyaal qof taasina waxey ku tuseysaa in islaamku yahay xaq dadku raadinaayo.
Waxaa si cilmiyeysan lagu ogaaday ilaa hada in la hayo gaalo-boobab- badan oo islaamka soo galay kadib markey ogaadeen xaqiiqada aan qarsoomi karin, laakiin ilaa hada lama hayo caalim ka mida culimada muslimiinta oo ka baxay islaamka,taasina waxey ku tuseysaa in islaamku yahay diin xaq ah, Waxaa la isku raacay in islaamku maalin walba maalinta ka dambeysa uu sii siyaadayo sababtoo ah:
1-Dadka islaamka galaya oo maalin walba maalinta ka dambeysa sii badanaya .
2-Tiradii islaamka oo sii kordheysa maalin walba maalinta ka dambeysa.
Waxaan hada lasoconaa oo xaqiiqo ah markii la cabudhiyey islaamka , muslimiintii xaqa jecleydna cidhiidhi la galiyey, waxaa mina llaahi kasoo baxay dad badan oo dalbaya iney fahmaan macnaha islaamka , taasina waxey keentay iney gaalo badan soo islaamaan, qaar kalena ogaadaan inuu jiro islaam , xataa ay qireen gaalada neceb islaamka.
Waxaa xaqiiqo ah markasta oo la dhibo muslimiinta, iney hurdada ka toosaan oo ay jeclaadaan islaamka dadyowga kalena saameyn ku reebaan ..
Waxaa lagu sheegaa islaamka inuu yahay sidii libaaax jiifa, libaaxaasi haduu hurdada kakco dugaaga dhinacyadiisa jooga oodhan wey kala yaacaan Cadowga islaamka ayaa ugu og awooda islaamka, sidaas owgeed wuxuu ku dadaalaa markasta inuu libaaxaas siduu kusii hurdi lahaa falkeeda galo ..
Codowga islaamka maanta wuxuu ku bixiyaa maalaayiin doolaar sidii lagu joojin lahaa faafida islaamka .
Cadowga islaamku wuxuu maanta malaayiin doolaar ku bixiyaa sidii islaamka suuradiisa saxda ah loo haleyn lahaa .
Cadowga islaamku wuxuu maanta malaayiin doolaar ku bixiyaa sidii loo faafin lahaa beebalka , sidii muslimiinta tabaaleysan caqiidada looga haleyn lahaa
Cadowga islaamku maanta wuxuu ku dadaalaa siduu muslimiinta dhexdooda uga abuuri lahaa khilaafaad sabab unoqada in lakala jajajabo , kadibna la islaayo,sida maantaba ka socota wadankeenii hooyo..
Ikhwaanii intaasoo dhan waxaa kadaran, waxey rabaan iney damiyaan nuurka islaamka ..
1- Kalimada Jihaad maanta waxey noqotay kontarobaan aan la maqli karin , cidii laga maqlaana waa Irhaab , Irhaabna dhiigiisu waa bilaash aan cidi kadaba hadli karin,Rabul-caalamiin mooyaane..
2- Caqiidada toosan ninkii umadda ucadeeya waa cadowga koobaad ee ka hor yimi danaha sahyuuniyada iyo suufiyada caalamiga ah .. 3-
3- Taasi waxey dhashay in qofkii kalimada xaqa cadeyn lahaa uu ku cabsoodo isagoo gurigiisa jooga ..
4- Ikhwaanii yaan dhag loo dhigin wararka ay gaalada iyo gaalo la jireenku ka baafinayaan idaacadaha ay usameysteen in lagu qalbi jabiyo muslimiinta ..
5- Waxaan muslim kasta oo diintiisa jecel ugu bishaareynayaa iney khasaaro ku jiraan kuwa ladagaalamaya rabul caalamiin , si kasta oo ay xoolahooda u bixiyaan ama uadeegsadaan awoodooda maadiga ah waxaa udanbeysa shaleyto iyo khasaaro,waxaana lagu kulmin doonaa kuwa gaaloobay naarta jahanamo .
قال الله تعالى : ( إن الذين كفروا ينفقون أموالهم ليصدوا عن سبيل الله فسينفقونها ثم تكون عليهم حسرة ثم يغلبون والذين كفروا إلى جهنم يحشرون ) الأنفال : 36
ASLUUBTA UU CODOWGA ISLAAMKU
U ADEEGSADO BURBURINTA ISLAAMKA ..
Cadowga islaamku door weyn ayuu ka ciyaaray burburinta dhaqanka islaamka si aan islaamka loosoo galin- iyo si ay bulshada muslimiintu u noqoto midaan haad heysanin aduun iyo aakhiro sida ay maanta ujeedo cid kasta oo caqli leh. Hadaan wax yar ka taabano asluubta ay gaaladu u adeegsadaan burburinta islaamka :
1-In muslimiinta laga fogeeyo dhaqanka islamka.
2-In muslimiinta lakala qeybiyo.
3-In la hor istaago fiditaanka islaamka.
4-In laga bixiyo islaamka sawir qaab daran.
5-In muslimiinta la qalbi jabiyo si aysan waxba u qabsan.
6-In gudaha muslimiinta la dhigo dad shaqadoodu tahay jaajuusnimo.
8-In yahuuda si toosa loogu adeego .
9-In laga furo dalalka muslimiinta isbitaalo iyo iskuulo ujeedadoodu tahay ln lagu fasahaadiyo caqiidada islaamka.
10-In muslimiinta la kala laaluusho si dhexdooda looga abuuro fitno , ama in qabiil qabiil la isaga hor geeyo.
11-In haweenka iyo caruurta si toosa tooshka loo saaro.
Cadowga islaamku wuxuu wax fasahaadiyo ,maanta wuxuu ku guuleystay inuu la dagaalamo muslmiinta isagoon ku duulin.
Taasina waxaa albaada ufurey muslimiinta .
Hadaba hadaan rabno inaan duligaas ka baxno , islaamka oo kuligiis la qaato ayaa xal ah , ee isaga aan sharafteenii kusoo ceshano..
CIDII CADAALAD RABTA ISLAAMKA HA KU DHAQANTO :
Dadka maanta jooga intiisa badan markaad la sheekeysato waxaa kuu cadaan in qof kasta leeyahay waxaan rabnaa nidaam cadaalad ku dhisan, taasna waxaa sabab u ah, dadku waxey karheen nidaamyada islaamka ka fog sida dimoqraadiyada i.w.m nidaamyada ku dhisan caqliga banii,aadamka ee naaquska ah , hadaba islaamku waa diinta kaliya ee ku dhisan cadaalad - waa diinta aan ogoleyn in qof qof kale ku xad gudbo, waa diinta amreysa qofkii qof ku xad gudba in laga abaal mariyo, intaan cadaabka aakhiro lagaarin. Islaamku si toosa ayuu u diiday dhamaan nidaamyada maanta aduunka lagaga dhaqmo sida Dimoqraadiyada, Hantigoosadka, Shiyuuciyada Maasuuniyada, Hantiwadaaga 1.w.m. maxaa yeelay dhamaantood waxey ku saleysan yihiin dulmi iyo xaqdaro.
ISLAAMKU WAA DIIN AAN DADKA
1- Diinta.
2- Nafta.
3-Xoolaha.
4-Caqliga .
5-Sharafta banii aadamka .
Arimahan shanta ah waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa Kuliyaatul-Khamsa waana shanta qodob ee ugu waa weyn ee islaamku sida gaarka ah udaryeelay, islaamku wuxuu u sameeyey Arimahan xurmo gaara oon lagu xadgubi karin matalan qofkii diinta islaamka ka baxa waa la dili, qofkii diinta islaamka dagaal kusoo qaadana dagaal ayaa lagu qaadi, arimaha kalena waa la mid :Xoolaha in lagu fataalo islaamku ma ogola , in xoog lagu qaatana wey kasii daran yahay, Caqliga in lagu ciyaaro islaamku wuu diiday sidaas darteed ayuu islaamku xarimay wax kastoo maanka doorinaya , Islaamku wuu diiday in baniiaadamka la dilo ama uu isdilo, waayo naftu amaano ayey inagu tahay, waxaa la mida in sharafta qoyska lagu xadgudbo sidaas awgeed ayaa islaamku reebay sinadda i.w.m.
Ikhwaanii shantan qodob kaligood baa ubaahan in kitaab laga qoro , laakiin waxey balanteenu aheyd inaanan idinku badinin qoraalka ..
KEENA NABAD IYO WANAAG.
Islaamku dhinaca xukunka wuxuu waafaqsan yahay caqliga wanaagsan een bukin, sidaas darteed ayuu Quraanku in badan ku celceliyey cidii aan ku xukumin islaamka waa gaal , cidii aan ku xukumin islaamka waa daalim, cidii aan ku xukumin islaamka waa faasiq .
ISLAAMKA oo la isku xukumo ayaa barwaaqo lagu gaaraa, islaamka oo la isku xukumo ayaa amni iyo amaan lagu heli karaa, Su,aal ubaahan in laga jawaabo dadka isku xukumaya islaamka waa iney aqoon u leeyihiin faa,idada isku xukunka islaamka dowlada maamulka gacanta ku heysa waa iney
aaminsan yihiin isku xukunku inuu cibaado yahay intaa markii lahelo kadib ayaa ummadu isu taagi kartaa arintan, Tusaale ahaan hadii ninka tuuga gacanta laga gooyo yaa wax xadi? Hadii ninka saaniga ah iyo naagta saaniyada ah 100 jeedal lagu dhufto yaa sineysan ? Hadii ninkii nikaax horey u galay uu gabar ka sineysto ninka dhagax ayaa lagu dilayaa gabadhana 100 jeedal ayaa lagu dhufanayaa, laakiin hadii labada kala sineysatay naagtu guur hore soo martay ninkuna wali guursan naagta dhagax ayaa lagu dilayaa ninkana 100 jeedal ayaa lagu dhufanayaa, hadii qof qof kale dilo isagana waa la dilayaa, hadii qof qof kale il ka rido isagana il ayaa laga ridayaa , BILLAAHI intaan ummadd kale la aadin hadii maanta soomaaliya diinta lagu xukumi lahaa waxaan aamin sanahay inaan la arkeen cid cid kale ku xad gudbeysa, waxaan la socdaa mudo yar oo soomaaliya laga sameeyey maxkamado islaami ah oo aysan dawlad xoog badan ka danbeynin inay wax badan ka badashay dhaqanka iyo xaalda amaanka bulshada , bal ka warama maxkamadahaas oo helay xoog iyo dhaqaale iyo culumo dowladi ka danbeyso sidey arintu noqon laheyd? waan ogsoonahay in cidii maanta shareecada isku xukunta ay cadow badan la dagaalami laakiin in rabi cadow inoo noqdo ayaa ka daran in banii aadam ina coleysto mida kale hadii dowlad islaamka ku xukunto waxay isku dayi kartaa inay dowlado kale oo islaam ah soo raacaan ilaa duliga laga baxo oo cisadii islaamku soo laabato.
MACNAHA ISLAAMKA &
DHAQANKA MUSLIMIINTA.
Islaamku waa diin rabi soo dajiyey , kalimadda islaamna waa eray Af-Carabi ah oo macnihiisu yahay uhogaansamid sidaas darteed ayaa uunka oo dhan waxey u hogaansan yihiin eebe, banii,aadamka iyo jinkuse waxey intaas dheer yihiin cibaado ayaa loo abuuray, oo qiyaamha waxaa sugeysa xisaab iyo masuuliyad la is weydiin doono , marka waajibka ina saaran aad ayuu uweyn yahay ee aad ha loo feejignaado, islaamku waa diin xaga rabi ka timi , marka ciyaar iyo been been alle agtiisa ma taal, Laakiin dadka muslimiinta ah waxaa ku jira dad saalixiina iyo dad xun xun oon Rabi ka cabsooneynin, muslimiinta waxaa ku jira dad magaca kaliya muslim ka ah laakiin aan islaamka waxba ka aqoonin, muslimiinta waxaa ku jira qaar aadan iyaga iyo gaalada kala garan karin muslimiinta waxaa ku jira qaar hadey Alle baryaan ducadooda laga aqbalayo islaamnimo waxay ka qabaan. Sidaas darteed shey kaamil ah iyo shey naaqus ah la isma barbar dhigi karo qiyaasna isuma noqon karaan, islaamku waa taam, laakiin dadka muslimiinta sheeganaya waa shantaada farood oo kale , cid kasta waad ka heli , sidaas owgeed cidii wanaag la timaada isaga ayey u roon tahay cidii xumaan la timaadana isaga ayey dhibeysaa, abaal marinta noocaas ahna islaamka ayaa laga heli karaa, xataa axkaamta aduunyada markaad eegto waxaad arkeysaa islaamku inuu qiraayo in aan shey walba laga siyaadin sidii alle ugu talo galay Matalan radii lagu xad gudbo waxaad xaq u lee dahay inaad xad gudubto intii lagugu xad gudbay in la eg hadaad cafidana wey ka sii fiican tahay , allaahuma qofka la cafinaayo haduu kibir iyo isla weynaan ka sii qaadayo ma haboona in la cafiyo ee waxaa wanaagsan in xadkiisa la joojiyo, si uusan mar danbe qof muslima ugu xad gudbin., waxaa kuu soo haray banii aadamka, banii,aadamku dabeecadihiisa waxaa ka mida dagdeg, dulmi , sabir daro, jaahilnimo, i.w.m. allaahuma qof islaamka si toosa u dhabaqay ma ,ahane .
Shaki kuma jiro hadey muslimiintu fiicnaadaan inay turjumaan unoqoneyso diintooda, waana siduu islaamku faray muslimiinta, laakiin hadii la waayo muslimiin ku dhaqanta diinta rabi, diinta rabi wax dhaawaca ka soo gaari maayo cidii ka baxda iyo cidii ku dhaqmi weyda iyada unbaa khasaarsan., qabsashada diinta islaamka dadka ayey uroon tahay , rabi subxaanahu wa tacaalaa haduu doono umadd umaddan ka fiican ayuu la imaan karaa , wuuna yiri ficlan hadaad ka jeedsataan diinteyda waxaan keeni kuwa idin badela oo idinka fiican ;
قال الله تعالى:(وإن تتولوا يستبدل قوما غيركم ثم لا يكونوا أمثالكم )
سورة محمد 38
SIDUU ISLAAMKU ADUUNKA
WAX UGA BADALEY:
Islaamku markuu yimi wuxuu ka dhigay aduunkoo dhan nuur, mugdigii lagu jirey ayaa laga baxay, cumar ibnu –khidaab Alle ha ka raali ahaadee isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yiri nicmada islaamka ma garanaayo qofkaan soo marin jaahiliyadii-gaalnimo. waxaa kaloo laga hayaa cumar inuu yiri hadal macnihiisu yahay ciso aan islaamka aheyn ma jirto, cidii meel aan islaamka aheyn ka raadisa ciso eebe wuu duleynayaa, marka maanta waxaa wax aad looga xumaado ah iney dad badan oo islaamka sheeganaya ku qanacsaneyn wax qabadka islaamka, markii islaamka lagu dhaqmi jiray sowtii ma,aha sharafta iyo cisada lagu noolaa , anigu waxaan dhihi lahaa diimoqraadiyo waan soo aragnay, gar geedka hoostiisa lagu go,aamiyo waan soo aragnay, shuyuuciyo waan soo aragnay,waxaa kaliya oo inoo dhiman waa inaan islaamka aan sheeganeyno ku dhabaqno nafteena, dowladeena dadweynaheena, islaamku wuxuu qabaa. hadii qof qof kale dhaawac gaarsiiyo in isagana intuu gaarsiiyey in la eg la gaarsiiyo. Billaahi hadii maanta ummadaha aduunka ka jira ay ku dhaqmi lahaayeen dhaqankan waxaa hubaal ah inaan la arkeen qof qof kale ku xad gudbaya. Laakiin markii la waayey dhaqankii islaamka ee dhabta ahaa ama dadku qaatay qaanuunada faransiiska iyo kuwa ingiriiska ayaa waxaa dhacday in aduunkii oo dhan uu qas iyo lab ka dhamaan waayo gaalo iyo islaamba, hada maanta aduunku wuu qasan yahay waayo ma jirto cdaalad, cadaalad aan islaamka aheyna ma jirto.
Maxaa xal ah ? waxaa xal ah in islaamka loo laabto.
Waxaa xal ah in islaamka la isku xukumo.
Waxaa xal ah in islaamku uusan noqon af kaliya, Eeg dastuurada muslimiinta waxey qeexayaan iyo daqanka ka jira bulshada iyo maamuladda jira, dastuurada waxaa ku qoran qodobka koobaad waa in islaamka la isku xukumo .
Waxaa xal ah in bulsho weynta la wacyi galiyo sidey mar labaad ugu soo dabaalmi lahaayeen dhaqanka diinteeda .
Waxaa xal ah in la iska kaashado sidii loo hir galin lahaa dowlado islaam dhab ah-Ilaa man raxima llaah- Waxaa xal ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya muslimiinta meel kasta joogta, Waxaa xal ah in jihaadka la soo nooleeyo taasna waxaa lagu gaari karaa in la sameeyo mujaahidiin bilaa xuduud ah oo islaamka ilmadiisa daadatay gacanta ku masaxda, waxaana taas ka horeysa inay jiraan dowlado la dabataagan ragaas hiil iyo hoo meel kastoy tagaan, waxaa aad ii cajab galiyey kalimad uu joornaalka ku qoray sheekh Abuubakar Al-Jasaairi labo sano kahor wuxuu yiri sheekhu waa iney muslimiintu hal fadhi oon loo kala harin isugu yimaadaan , kadibna arinta qudus meel wada dhigaan , waxaana ku talin lahaa in Ummamu mutaxida la ogeysiiyo iney israa,iil ka kacdo dhulka islaamka ee ay xooga ku heysato , hadey diido ,muslimiintu iyaga ayey talo utaalaa , wuxuu yiri sheekhu : dowlad walba waxey diyaarin sadex diyaaradood oo kuwa halista ah kadibna maalin iyo waqti la isku og yahay ayaa hal mara israa,iil lagu dhufan – haduu rabo yuusan qof ka harin – hadii aydaan yeeli karin fura xuudadaha aad xirteen si israa,iil amaan u hesho , kuwa naftooda hurayaasha ah ayaa laga yaabaa in illaahay guusha gacantooda kusoo hooyo..
Waxaa xal ah in culimada muslimiinta loo ogolaado booskoodii lagu yaqaanay hada kahor , wallaahi summa wallaahi hadeynaan xaaladeena maanta wax ka badalin waxeynu ku jiraa Af-Libaax , waxaan nahay umadd xaasidiin badan leh . Muslimiinow toosa oo hurdada katoosa , waxaan mar labaad lee yahay Muslimiiney toosa oo toosa oo isku tiirsada hadba kiina taag daran taageera waligiin .Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsadyey hadba kiina taagdaraney taageera waligiineey .
Ikhwaanii : Qof waliba oo inaga mida waa mas,uul qiyaamahana waxaa qof walba la weydiin doonaa wixii mas,uulka looga dhigay , odeyga guriga waa mas,uul wuxuuna kumaande ka yahay reerkiisa iyo inta hoos timaada mas,uuliyadiisa , hooyadu waa mas,uul waxeyna mas,uul ka tahay gurigeeda iyo nafteeda iyo wixii lagu amaaneystay , xataa boygu waa mas,uul wuxuuna mas,uul ka yahay howsha loo diray nooc kasta ha ahaato , shaqaaluhu waa mas,uul howsha loo diray ayaa aduunkana dadka u dhiibtay ku weydiinayaan Allaahna subxaanahu watacaalaa hadhow ayuu kula xisaabtami doonaa qiyaamaha , madaxweynaha iyo raga la shaqeeya dhamaan waxey mas,uul ka yihiin wixii loo dhiibtay , Rabi ayaa la xisaabtami doona hadey ku ciyaaraan amaanadaa culeyska badan ee ay dusha udhigteen ..
Ikhwaanii : Dadkii hore wey ka carari jireen mas,uuliyada si aan hadhow qiyaamaha su,aalaha la weydiinaayo aysan u adkaan jawaabtooda , laakiin dadka maanta jooga waxey isku leynayaan sidii qof waliba magaciisu taariikhda ugali lahaa , si kastaba arintu ha ahaatee imtixaan weyn oo aad u weyn ayaa danbeeya ..
1-Waa la dhiman oo aduunka waa laga tagi oo qabri madow ayaa la is galin..
hadii qabriga la isku dhaafi lahaa dadka intooda badan wey uroonaan la heyd
laakiin waa la isa soo bixin kadibna su ,aalo ad adag in allaah fududeeyo ma ahane ayaa la is weydiin..
Alla yaa maalintaas ka badbaada dhibka jira , Allahayow maalintaas naga kori cadaabkaada , Allahayow hana khasaarinin maalinta ay khasaari doonaan dad badan oo ka jeestay diintaada markey aduunka joogeen..
IKHWAANII AAN DADAALO..
ALLAAHUMA HAL BALAQTU..
v
اللهم يا كريم يا أرحم الراحمين ، أبرم لهذه الأمة أمر رشد يؤمر فيه بالمعروف في كل الأمور ، ويعود فيه المسلمون إلى تطبيق كل أوامر دينهم ، وينطلقون داعين إلى نهج نبيهم في أنفسهم وفي كل أرجاء الأرض ، لينقذوا أمتهم والعالم أجمع من محن وضياع الدنيا والآخرة ، (ليكونوا حقيقة لا خيالا) ، إنك على كل شيء قدير .
v
WALAAL HADII AAD KITAABKAN YAR KU ARAGTO WAX KU FARAX GALIYA HAKA HILMAAMIN WALAALKAA DUCO KHAALIS AH, HADAAD KU ARAGTO KHALAD AMA SINBIRIRIXO WAXAAN KAA CODSANAYAA INAADAN IGA QARININ , WAAYO RABI BAA KAAMIL AH. WAXAAD IGALA SOO XIRIIRI KARTAA MAR KASTA P.O.BOX 102137 JEDDAH 21321 AMA 6200005/122 AMA MOPILLE : 0508359466