التوبة طريقك إلى الجنة
إعداد /عبدالقادر شيخ محمد أخي
باللغة الصومالية
TOWBADU WAA JIDKA
LOO MARO JANADA
WAXAA DIYAARIYEY
C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)
بسم الله الرحمن الرحيم
HORDHAC
Allahayow adigaa mudan in mar kasta laguu towbod keeno, Allahaow waxaan ahay adoon gabood falay ee ha ihoojinin maalinta dad badan la hoojin doono , Allahayow ha noo qabanin kuwa danbiilayaasha ah danbigooda , adigaa raxmaana ,adigaa raxiim ah , Ikhwaanii mowduucan waa midaan dhamaanteen ubaahanahay , sidaas owgeed waxaan garanay inuu ka mid noqdo taxaninii dheeraa een mudada dheer soo wadnay, dhiigii dadka ayaa la baneystay , farjigii haweenka ayaa si sahlan loogu xadgudbay ,waxey shareecada islaamku diiday ayaa laga talaabsaday waxey amarteyna laad ayaa lagu qaaday , dadka sidaas yeelaya waa muslimiin ,aabe iyo hooyo muslimiina iska dhaleen , wax walba waxaa kasii daran sidaas ayaa lagu sii indho cad yahay, ileen waraabuhu haduu hilib dhadhamiyo wuxuu gaaraa marka danbe inuu xitaa dadka hunguriyeeyo.
Ikhwaanii tusaale gaaban hadaan ka soo qaadano soomaaliya wixii ka dhacay , ilaa hadana ka socda waa dulmi aan geed ku gabasho laheyn , wallaahi rabi baan laga carari Karin ma ahane mar hore ayaa hadii la inoo qabto xaalada aan ku sugan nahay dhulka la inala goyn lahaa, midkeena rabi ka cabsanaya iyo kan caasiga ah , kadibna nin walba camalkiisa lagu soo saari lahaa , Laa illaaha ila llaahu muxamadu rasuuli llaah , Ninbaa muqdisho guri ku lahaa markey soomaali burburtay dadka cararey ayuu ku jiray , mudo kadib ayaa damac galay inuu gurigiisii ka wardoono , naag guriga taabsatay ayaa laba geed kala booday oo tiri gurigan xageed ku ogeyd , wuxuu yiri : barta uu ku yaal ayaan ku ogaa , waxey tiri : Armey kuu roon tahay inaad gurigaadii meeshaad ku ogeyd udoonato ,wuxuu yiri : Gurigeygii waa kan ee wax sheego waan kuu duceyne , waxey tiri: wax yar isug , illaahay amarkiis waxey ka tagtay isagoo banaanka kursi ku fadhiya , ninkii musqusha ayuu galay, isla markiiba aabaheed oo sheekada maqlay ayaa yimi, aaway xaliimo , aaway doofaarkii gurigaan lee yahay yiri, akhii hadal badan waxba ma taree , gabadhii waxey soo ijaaratay mooryaan ama jiri nin walba siduu uyaqaan, meel dheer intey ka soo tilmaantay ayey waxey tiri : Gurigaas odeyga hor jooga khaarajiya , Mooryaantii afar ayey waxey ku tiriyeen odeygii guriga horjoogay, ODEYGU wuxuu noqday aabaheed,Laa illaaha ila llaah Muxamadu rasuulu llaahi s.cw. Soomaali waxey ku maahmaahdaa : God walaalkaa ha qodin hadaad qodana ha dheereynin..
Calaa kuli xaal aabaheed dhimay , odeygii la rabay in la khaarijiyana baxsay, lacagtii aykula soo heshiisay mooryaantana laga qaad , xaaraantii ay sababteeda naf ujartayna wali wey ku jirtaa..
Naagtaas iyo kuwa la midka ah towbo ma ufaran tahay?
Mowduuceena maanta towabada ayuu qaadi dhigi doonaa hadii allaah ii sakhiro, dhamaan walaalaha akhristayaasha ah waxaan la socodsiinayaa mowduucan inuu aad u balaaran yahay sidaas darteed waxaan idiin soo gudbiyey waa intaan ka gaaray.ciidi ubaahan iney baabka towbada diraaso ku sameysana waxaa jira in kabadan 100 kitaab oo qaadaa dhigay towbada iyo aadaabta looga baahan yahay kan toobad keenaya, kutubtaas dhamaan afka carabiga ayey ku qoran yuihiin ,hadaan isku damacno inaan wax ka sheegnana waxaa inagu dheeraanaya qoraalka ..
بسم الله الرحمن الرحيم
وبه نتوب إليه ونستغفره
1-WAA MAXAY TOWBO?
Towbo:Waa erey Af-Carabi ah oo macnihiisu yahay alle ulaabasho., waana eray soomaalidu siduu yahay u taqaan, sidaas darteed waxaad arkeysaa dad badan oo oranaya hebel wuu towbad keenay ,ama hebel towbo la,aan ayuu dhintay i.w.m.
Dhinaca shareecada islaamka towbo waxaa laga wadaa in si Allaah dartiisa looga towbad keeno wixii danbi ah ee lagalay ha yaraado ama ha weynaado ..
2- XUKUNKA TOWBADA ..
Towbadu waa waajib in dib loo dhigana waa shaqo sheydaan ..Waajibnimada towbada waxey ku cadahay kitaabka quraanka kariimka iyo sunada nabiga s.c.w.
A-QURAANKA KARIIMKA .
قال الله تعالى : ( وتوبوا إلى الله جميعا أيها المؤمنون لعلكم تفلحون ) النور :31
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu lee yahay dhamaan muuminiintow allaah u laabta -utowbad keena-waxaad markaas u dhow dihiin inaad liibaantaan.
قال الله تعالى: (يا أيها الذين آمنوا توبوا إلى الله توبة نصوحا)التحريم:8
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu lee yahay : (Kuwii rumeeyow-allaah iyo rasushiisa & malaa,iktiisa & kutubtiisa & maalinta qiyaame & qadarka kheyrkiisa iyo sharkiisa , Allaah u towbadkeena towbo dhab ah )..Aayadan waxaan ka faa, ideysaneynaa iney jirto towbo been ah , towbada beenta ah waa tan markii qofku lee yahay tubtu ila llaah aysan dhab ka aheyn.. waa tan uu qalbigiisa ku jiro inuu danbigii halkii ka sii wado , Allaahna waxba kama qarsoona .
قال الله تعالى : ( استغفروا ربكم ثم توبوا إليه ) هود:3
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu lee yahay :
(Allaah danbi dhaaf weydiista una towbad keena .)
B-AXAADIISTA NABIGA S.C.W.
وقال رسول الله e : ( ياأيها الناس توبوا إلى الله واستغفروه
فإني أتوب في اليوم مئة مرة )رواه مسلم .
Nabi muxamed s.c.w. wuxuu yiri : (Dadow Allaah u towbad keena oo danbi dhaaf weydiista , aniga -waa nabiga- waxaan allaah u toobad keenaa maalin kasta 100jeer)
3-ALLAAH JECELAA IN ADOOMIHIISU U LAABTAAN..
Allaah wuu jecel yahay in adoomihiisu u towbad keenaan , Nabigaa s.c.w. ka sheekeeyey nin soo rartay owr, oo markuu maraayo meel hilgooyo ah ritigii baadka iyo biyuhu usaaraayeen ka dhumay, ninkiibaa geed hoostiisa naftii kula cararay , isagoo xaaladiisu aad u liidato oo naf ka samray ayuu mar danbe wuxuu ka warhelay owrkiisii siday baadka iyo biyaha oo dushiisa taagan, ninkii intuu faraxii ka batay ayaa wuxuu yiri :( Allahayow adoonkeygii baad tahay , aniguna rabigaagii baan ahay wuxuuna la gafay farax owgiis ..
Nabigu s.c.w. wuuxu yiri : Ninkaas siduu ugu farxay noolahsiisa badbaaday ayuu rabi ka daran yahay xaga ku farxida toobada adoonkiisa..
قال رسول الله e: (لله أفرح بتوبة عبده حين يتوب من أحدكم كان على راحلته بأرض فلاة ، فأنفلتت منه وعليها طعامه وشرابه فأيس منها، فأتى شجرة فاضطجع في ظلها ، وقد أيس من راحلته ، فبينما هو كذلك إذا هو بها ، قائمة عنده فأخذ بحطامها ثم قال من شدة الفرح : اللهم أنت عبدي وأنا ربك ، أخطأ من شدة الفرح) متفق عليه .
T owbada yaan dib loo dhiganin
قال رسول الله e:(إن الله عز وجل يقبل توبة العبد مالم يغرغر )
رواه الترمذي وقال حديث حسن .
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Allaah wuu aqbali towbada adoonkiisa inteysan naftu dhuun baxaal gaarin) .. Dabciga banii,aadamku waa damac badane
قال رسول الله e : (لو أن لإبن آدم واديا من ذهب احب
أن يكون له واديان ، ولن يملأ فاه إلا التراب ،
ويتوب الله على من تاب ) متفق عليه .
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Hadii banii aadamka uu heysan lahaa tog dahaba wuxuu dooni lahaa in looga dhigo labo tog oo dahaba , damaca banii aadmamka ma deeqi karo waxaan ciida aheyn) Macnaha laga wado xadiiskan waa : qofku intuu nool yahay damac deyn maayo ,laakiin markii ciida la galiyo sheekadu wey dhamaatay, sidaas darted ayaa qofkii damac badabna lagu yiraahdaa ciida ayaa ku deeqi karta ..
Sifooyinka Allaah wey badan yihiin waxaana ka mida qosol.
قال رسول الله e : ( يضحك الله سبحانه وتعالى إلى رجلين
يقتل أحدهما الآخر يدخلان الجنة ، يقاتل هذا في سبيل الله فيقتل
، ثم يتوب الله على القاتل فيسلم فيستشهد ) متفق عليه .
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri :(Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu ku qoslaa - qiyaamaha - labo nin oo mid midka kale dilay oo hadana janada wada galay , matalan midbaa wuxuu galayaa jihaadka , kadibna mid gaalada ku jira ayaa dilaya , wax yar kadib waxaa soo islaamaya kii wax dilay markaasuu isna shahiidayaa) .
Culimada qaar waxey shuruuda towbada ku daraan in la toobad keeno inteysan qoraxdu ka soo bixin halka ay u dhacdo ..
قال رسول اللهe : ( من تاب قبل أن تطلع الشمس من مغربها
تاب الله عليه ) رواه مسلم .
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Qofkii towbo keena inteysan qoraxdu ka soo bixin dhinaca galbeed allaah baa ka aqbala )
Albaabada raxmaanku habeen iyo maalin walba wey furan yihiin, cidii damacda iney isdaba qabato..
قال رسول اللهe : ( إن الله تعالى يبسط يده بالليل ليتوب
مسيء النهار ، ويبسط يده بالنهار ليتوب مسيء الليل
حتى تطلع الشمس من مغربها ) رواه مسلم .
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Allaah subxaanahu watacaalaa habeenkii ayuu gacantiisa fidinayaa si uu uga towbad aqbalo kan maalintii danbaabay , sidoo kale maalintii ayuu gacantiisa fidinayaa si uu uga towbad aqbalo kan habeenkii gabood falay, ilaa ay qoraxdu kasoo baxdo dhinaca galbeedka .. )
4-QEYBAHA TOWBADA IYO SHURUUDEEDA..
Towbadu waxey uqeybsantaa labo nooc , waxeyna lee dahay shuruud dhowr ah. Hadaan ka bilowno Qeybaha towbada:
KOW: Towbo ka dhaxeysa Allaah iyo adoonkiisa ,sida beenta ,xanta , istuska i.w.m.
LABO: towbada ka dhaxeysa qofka iyo dadka kale sida dulmiga ,xatooyada I.w.m .
-SHURUUDAHA TOWBADA..5
Towbadu waxey lee dahay shuruud dhowr ah oo aysan towbo asaxeynin in la helo ma ,ahane, ugu horeyntii:Hadii ay towbadu ka dhaxeyso allaah subxaanahu watacaalaa iyo adoomahiisa , waxaa loo shardiyaa shuruudan :
1-Waa iney towbadu ahaato mid loola jeedo illaahay dartiis, oo aysan ku imaanin cabsi iyo aduunyo jaceyl iyo is tus ..
2-Waa in laga fogaado ama laga go,o dambigii la galay,Tusaale ahaan hadey macsidu aheyd waajib laga gaabiyey sida salaada waa in dhaqso loo tukado , hadey tahay macsi la galeyna waa in laga istaago .
3-Waa in laga shalaayo macsidii Allaah laga galay.
4-Waa in la go,aansado inaan mar dambe loo noqanin danbigaas laga toobad keenay . 5-Waa in la toobo keeno intaan waqtiga toobadu dhamaanin , waqtiga toobadu waa labo waqti mid gaar ahaaneed oo ku eg inteysan naf baxaashu dhuunta soo gaarin , iyo mid guud ahaaneed oo ku eg qorax kasoo baxa dhinaca galbeed , tan hore waxaa udaliila hadalkii Allaah subxaanahu watacaalaa ..
قال الله تعالى : ( وليست التوبة للذين يعملون السيئات حتى
إذا حضر أحدهم الموت قال إني تبت الآن )
Tan ay qoraxdu ka soo baxeyso dhinaca galbeedka waxaa daliil u ah :
قال رسول الله e : ( من تاب قبل أن تطلع الشمس
من مغربها تاب الله عليه )
Hadii shuruudaas aan kor ku soo xusnay ee shanta ah mid ka mida laga waayo ha la ogaado ineysan towbadaas asaxeynin .
LAAKIIN HADUU DAMBIGA KA GALAY QOF waxaa laga rabaa shantaas shardi een soo sheegnay iyo mid lixaad oo ah , 6-Waa in loo celiyo xaqii dadku lahaa, haday xoolo ahaayeen waa in loo celiyo, haday cay ama xan ama hadal xumo ahaydna waa in laga dalbo saamixid, Arintana walaalayaal inta ka badbaaday aad bay u yar tahay, waayo dadkeena soomaalida ah waxaan u badan nahay nin gacantiisa dhiig ku galay, iyo mid ku kaalmeeyay hadal iyo hooba, iyo mid aan sidii la rabay uga hadlin, Rabina waxaan ka baryeynaa inuu fidnada ka dhacday dhulkeena ka badbaadiyo muslimiinta, inta u ordaysa inay khayr ka talisana garabkooda galo, inta dooneysa sharkana ummada si dag dag ah uga qabto isagaa Alle wax walba gacantiisa ku jiraan.
QISO NIN TOOBO KEENAY..
Waxaa la wariyey hada ka hor in nin danbiyo waaweyn galay uu u yimi Abii isxaaq ibraahiim ibnu ad-ham , ninkiibaa ku yiri : Ibraahiimow waxaan ahay nin macsi badan dhex tiimbaday ee waxaan kaa rabaa inaad iwaaniso si qalbigeygu uga istaago dunuubta ,ibraahiim wuxuu ku yiri ninkii : Shan hadaad aqbasho ood waliba qadariso macsi waxba kuyeeli meyso , markaasuu ninkii yiri : keen shantaba ..
KOW: hadaan damacdid inaad allaah ku caasiso ha cunin risqigiisa , ninkii baa yiri : oo maxaan ku noolaan , ibraahiim baa yiri : Waryaa ma suuro galbaa intaad risqigiisa cunto hadana ku caasi garowdo , ninkii baa yiri : Maya , ee iisheeg tan labaad.
LABO : Hadaad damacdid inaad allaah ku caasisid ka bax dhulkiisa , ninkii baa yiri : tanaa ka daran tii hore , meel la joogo ma jirto saa allaah baa iska leh bari iyo galbeed iyo meel kasta .
Ibraahiim baa yiri : Waryaa suuro gal matahay mid aad arsaaqdiisa ku nooshahay , oodan dhinacna ooga bixi karin dhulkiisa inaad ku caasi garowdo .. ninkii maya ee iisheeg tan sadexaad.
SADEXAAD:Hadii aad damacdid inaad ku caasiso allaha ku arsaaqay eed dhulkiisa ku sugan tahay ,raadso meel qarsoon oon lagaaga jeedin , ninkii baa yiri : wax suuro galaya ma,aha .Allaah wax walba wuu la socdaa.
Ibraahiim baa yiri : sidey ku suurowday marka inaad allaha sidaasa aad ku caasiso .. ninkii baa yiri ii sheeg mida afraad .
AFRAAD:Haduu ku yimaado malaku mowdka qaada ruuxda , waxaad ku dhahdaa iisoo laabo mar kale intaan ka towbo keenaayo oon camal hagaagsan ka diyaarsanaayo , ninkii baa yiri suuro gal ma,aha , ibraahiim baa yiri : Waryaa hadaad awoodi kari weyday inaad malaku mowd iska celiso si aad u toobo keento , maxaad markaas filaneysaa.. nin kii baa yiri :Bal keen mida shanaad ee udanbeysa .
SHANAAD : Markey kuu yimaadaan sabaaniyada dadka naarta u taxaaba diid ninkii baa yiri : Lama diidi karo ., ibraahiim baa yiri : sideed marka ku rabtaa inaad ku badbaado? Ninkii baa yiri : ibraahiimow igu filan intaas, waan is ogaaday tabarteyda, kadiba ninkii allaah ayuu u laabtay , kadibna wuxuu laasimay cibaadada raxmaanta ilaa uu ka dhintay , akhii iyo ukhtii , naftaada ka soo qaad ninkaasoo kale, hadaad su aalahan jawaab u heli kartid - ma dhici kartee - waad badbaadi , hadii kalena aan isu dhiibno allaah subxaanahu watacaalaa sida walaalkeen markii xaqiiqada la hor dhigay uu isu dhiibay ...
FAA,IDO GAABAN.
Cajuuso wajigeedu ifaayo ayaa waxaa la weydiiyey daawadeed marsataa wajiga? markaasey waxey ku jawaabtay , bishimaheyga waxaan u adeegsadaa xaqa, codkeygana wardiga illaahay , indhaheygana kuma eego wuxuusan rabi raali ka aheyn , qalbigeygana waxaan u adeegsadaa jaceylka allaah , caqligeygana xikmada, nafteydana daacada, hawadeydana iimaanka, laakiin ogsoonow inuu nuurkan ka dhaxeeyo raga iyo haweenka , qofkii daacada rabi ku dadaala wuu heli..
قال الله تعالى : (من عمل صالحا من ذكر أو أنثى وهو مؤمن
فلنحيينه حياة طيبة ولنجزينهم اجرهم بأحسن ما كانوا يعملون )
النحل : 97
Aayadan wuxuu Allaah subxaanahu watacaalaa inoogu cadeeyey in qofkii camal wanaagsan la yimaado ,rag ha ahaado ,dumar ha ahaado isagoo muumin ah Allaah nooleynaayo nolol wanaagsan , –Qiyaamaha hadhowtana laga abaal marin doono ajirkoodoodii sika wanaagdan sidey u dadaaleen )
IBNU-CABAAS A.H. R.N.
Ibnu cabaas A.H.R.N. wuxuu ku fasiray aayada ku jirta suuradda Al-Qiyaamah
قوله تعالى : ( بل يريد الإنسان ليفجره )
kuwa dunuubta ku dhex jira ee towbada dib u dhiganaaya xataa geeridu uga timaado iyagoo dhex dabaalanaaya macsidoodii..
ABUUBAKAR AL-WAASIDI WUXUU YIRI: Wax walba waxaa haboon in si dagan lagu dhameeyo ilaa sadex shey ma ahane , Towbada hadii macsi la galo waa in la dadajiyo , meydka waa in dhaqso loo xabaalo , salaad waqtigeedii galay waa inaan dib loo dhiganin .
قال الله تعالى : ( وتوبوا إلى الله جميعا أيها المؤمنون لعلكم تفلحون )
WALAALAYAAL RABI WUXUU AAYADAN INAGU AMRAY INAAN DHAMAANTEEN ALLE SI TOOSA UGU LAABANO HADAAN NAHAY DAD MU,MINIINA, WAANA SIDA AY LIIBAANTU INOOGU JIRTO. INTAA KADIB SU,AALO ? ? ?
S1-Waxaan ahay qof dadka da, dhaxaadka ah, Allena waxaan ka galay gafaf aad u fara badan, banii,aadam badana waan dulmiyey hadana waxaan rabaa inaan Rabi uga toobad keeno dambiyadii aan horay u galay, ee Rabi ma iga aqbalayaa toobada?J1-Marka hore waxaan aad ugu farax sanahay soo noqoshada adoonkaas Alle usoo laabtay, mida labaad yaa ka hor istaagi kara toobadda adoon dareemay kharaarka macsida illaahay, ka dibna u soo laabtay macaanka iimaanka Alle isagoo isu dhiibaya Allaha khaaliqa ah.Jawaabtu waa cidna, sidaas darteed waxaan lee yahay Alle waa aqbalayaa toobada adoomihiisa intayna naftu gaarin dhuunta, ama qoraxdu ka soo bixin xaga qorax u dhaca, waxaana daliil u ah hadalkan xadiiska ibnu-Cumar A.H.R.N. uu ka wariyey Nabigeena e
قال e: ( إن الله عز وجل يقبل توبة عبده مالم يغرغر)
رواه الترمدي وأخرجه أيضا ألالباني .
iyo xadiiska Abuu-Hureyra uu ka wariyey Nabiga S.C.W.
قال : e (من تاب قبل أن تطلع الشمس من مغربها
تاب الله عليه) رواه مسلم
Oo macnihiisu yahay :(Qofkii toobad keena inteysan qoraxdu kasoo bixin dhinaca galbeedka Rabi wuu ka toobad aqblaa) sidaas darteed walaalayaal waa inaan toobadeena aad u dadajinaa, ceebna ma ahan inaan Rabi u noqono waayo Nabi Mux,ed e oo ah rasuulka u kheyrka badan inta Rabi abuuray ayaa u laaban jiray Alle maalin kasta in ka badan boqol jeer sida ku cad Sunada Nabiga e
قال رسول الله ) : e ياأيها الناس توبوا ألى الله
وإستغفروا فإني أتوب في اليوم مائة مرة ) رواه مسلم
Walaalayaal towba keenidu waa waajib waxeyna waajib ku tahay qof kasta oo muslima, sida ku cad Qur,aanka suurada At-Taxriim Aayada (8)
قال الله تعالى:( يأيها الذين ءآمنوا توبوا إلى الله توبة نصوحا)
![]()
![]()
S2:Dadka qaarkii waxay u haystaan inay markay rabaan toobad keeni karaan, sidaas darteed ayey wax walba oo Alle ka xaraantimeeyey sameynayaan marka maxaad ugu nasteexaynaysaan dadkaas? J2:Waxaan ugu nasteexeynayaa kuwaas marka hore inay ka baqaan Rabigii abuurtay, Allahii iyagoo shalay waxba ahayn dad ka dhigay, Allahii siiyay caqliga iyo maskaxda aan la siinin xayawaanka intiisa kale, intaa kadib waxaan jeclahay inaan waydiiyo walaalkay goorta uu dhimanaayo maalinta ay tahay? sanadka ay tahay? bisha ay tahay? saacada ay tahay? waxaan hubaa inay noqon doonto jawaabta walaalkay magaranaayo waayo arimaha dhimashada iyo dhalashada qofka waxay ka mid yihiin arimaha Alle u qarsoon ee qof ogi uusan jirin xataa Nabiyada iyo Malaa,igta iyo kuwa Alle agtiisa wax ku leh sida Qur,aanku ku cadeeyey suurada Luqmaan dhamaadkeeda Aayada (34)
قال الله تعالى : ( إن الله عنده علم الساعة وينزل الغيث
ويعلم ما في الأرحام وما تدري نفس ماذا تكسب غدا
وما تدري نفس بأي أرض تموت إن الله عليم خبير )
Walaal maadaama aadan ogayn waqtiga Rabi naftaada qaadan doono, waxaa waajib kugu ah inaad u laabato allahaada, oodna usu dhiibto adigoo ka dheeraanaya wax alaale iyo wixii Alle kaa xarimay, Rabina ka rajeynaya danbi dhaaf, waayo Rabi isagaa dhaafa danbiyada kuwa waa weyn iyo kuwa yar yar. S3:Ma jirtaa wax shuruud ah oo loo shardiyo qofka doonaya inuu Alle u towbad keeno? J3: Haa horey ayaan usoo cadeynay, Allaah waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwa ku sifoobay At-Tawaabiin, Aamiin..
S4: Maxaa lagu garanayaa in towbada la aqbalay?
j4:Waxaa lagu garanayaa in Towbadaada la aqbalay, waa in dambi kasta ood ka towbad keentay laga helo shuruudii aan soo sheegnay, waxaa kale oo lagu gartaa aqbalida toobada waxaa dhacda in qofkii aad mar kasta ku arki jirtay xumaanta iyo isagoo wax dilaya ama wax dhacaya ama wax dulminaya aad ku arki wanaag, sidoo kale qofkii aad ku arki jirtay isagoo taagan meelaha wadooyinka ah isagoon wax qiimo leh aan ku haynin fadhigiisa ama taagnaantiisa ayaad waxaad ku arki isagoo markasta safka hore ee masaajidka ku tukanaya salaad kasta, ama xaadiraya duruusta culimadeena iyo meelaha Alle lagu sharfo mar kasta, ama ku dadaalaya inuu sameeyo shey Alle raali ka yahay ilaa uu ka geeriyoodo. Walaalayaal qof nasiib leh ayaa Rabi towbada waafajiyaa ugu dambeyntii waxaan u dardaarmayaa dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba inay Rabi ulaabtaan, waxaana xaqiiqo ah: 1-In towbadu baabiiso wixii dambi ah ee qofku galay. 2-In Rabi jecel yahay kuwa markay dambi galaan isaga ulaabta. 3-In qofkii Alle u noqda markuu dulmi galay kadib, ka dibna fiicnaada, Alle ka aqbalayo toobadiisa sida ku cad Qur,aanka suurada Al-Maa, ida Aayada (39)
قال الله تعالى: (فمن تاب من بعد ظلمه وأصلح فأن الله يتوب عليه إن الله غفور رحيم)
Khaatumadda allaha inoo toosiyo , Allaha inaga dhigo kuwii markey gafaan isaga u carara, aamiin. 4- In qofkii Alle rumeeya ka dibna la yimaada camal wanaagsan, hadana toosnaada, uu Alle u dhaafayo danbigiisa.
وقال تعالى:(وإني لغفار لمن تاب وءامن وعمل صالحا ثم اهتدى)
سورة طه الآية (82)
Walaalayaal intaasoo dhan waxaa dheer oo farxad ah in Rabi ugu badalayo qofkii toobad keena xumaantiisoo dhan wanaag sida ku cad suurada Al-Furqaan Aayada (70)
قال الله تعالى) : إلا من تاب وءامن وعمل صالحا فأولئك
يبدل الله سيئاتهم حسنات وكان الله غفورا رحيما (
Rabi ha inoo dhaafo dunuubteena, Aamiin..
قال الله تعالى : ( وهو الذي يقبل التوبة عن عباده ويعفو
عن السيئات ويعلم ما تفعلون )
Allaah kor ahaaye wuxuu yiri : isagoo inooga sheekeynaaya sifada uu adoomahiisa uga aqbalo towbada :(Allaah ayaa ka aqbala towbada adoomihiisa xumaantana udhaafa , ogna waxaad sameyneysaan)
وقوله تعالى : ( والذين إذا فعلوا فاحشة أو ظلموا أنفسهم ذكروا الله فاستغفروا لذنوبهم ومن يغفر الذنوب إلا الله ولم يصروا على ما فعلوا وهم يعملون ، أولئك جزاؤهم مغفرة من ربهم وجنات تجرى من تحتها الأنهار خالدين فيها ونعم أجر العاملين ).
Aayadahana waxey ka hadlayaan: Dadka markey xumaan sameeyaan ama ku gabood fala naftooda macsida aan kusii adkaanin macsida ee xusuusta Allaah subxaanahu watacaalaa, kadibna rabi ka dalba danbi dhaaf , Dunuubta waxaan Allaah aheyn oo dhaafi kara ma jiro, dadka noocaasa abaal marintoodu waa danbi dhaaf allaah xagiisa ka ahaaday iyo janooyin ay hoos dureeri wabiyaal
janadaas dhexdeeda ayey ku waarayaan , waxaana nicmo leh kuwa shaqeystay.
BISHAARO
بشرى سارة
قال الله تعالى : ( إن الذين قالوا ربنا الله ثم استقاموا فلا خوف عليهم ولاهم يحزنون )
وقال تعالى في حديث قدسي : ( يا ابن آدم إنك ما دعوتني ورجوتني غفرت لك ما كان منك ولا أبالي ، يا ابن آدم لو بلغت ذنوبك عنان السماء ثم استغفرتني غفرت لك ولا أبالي ، يا ابن آدم لو آتيتني بقراب الأرض خطايا ثم آتيتني لا تشرك بي شيئا لآتيتك بقرابها مغفرة )
( التائب من الذنب كمن لا ذنب له )
Ibnu mascuud waxaa laga hayaa inuu yiri:(Albaabka towbadu wuxuu u furan yahay cid kasta sadex ma,ahane , ibliis oo ah madaxa gaalada , qaabiil ibnu aadam oo ah madaxa gafka iyo qofkii nabi dilay).. Akhii waxaan kuugu bishaareyneynaa in allaah dhaafo dunuubta oo dhan kan yar iyo kan weyn , sidaas darteed marnaba dib ha usii dhiganin danbi kaa dhacay.. UGUDANBEYNTII : Akhii waxaan kuu soo gudbinayaa Aayada loogu rajo badan yahay quraanka , yacnii qof kasta oo naftiisa ku gabood Falay, waxey galineysaa Rajo ah : Inuusan marnaba ka quusanin raxmada illaahay , oo waliba uu yaqiinsado in Allaah subxaanahu watacaalaa uu dhaafo dunuubta oo dhan , Allaah waa QAFUUR RAXIIM AH ..
قال الله تعالى : ( قل يا عبادي الذين أسرفوا على أنفسهم لاتقنطوا من رحمة الله ، إن الله يغفر الذنوب جميعا إنه هو الغفور الرحيم ، وأنيبوا إلى ربكم وأسلموا له من قبل ان يأتيكم العذاب ثم لا تنصرون ، واتبعوا أحسن ما أنزل إليكم من ربكم من قبل أن يأتيكم العذاب بغتة وأنتم لا تشعرون ،أن تقول نفس يا حسرتي على ما فرطت في جنب الله وإن كنت لمن الساخرين ، أو تقول لو أن الله هداني لكنت من المتقين أو تقول حين ترى العذاب لو ان لي كرة فأكون من المحسنين ، بلى قد جاءتك ءاياتي فكذبت بها واستكبرت وكنت من الكافرين ، ويوم القيامة ترى الذين كذبوا على الله وجوههم مسودة أليس في جهنم مثوى للكافرين ، وينجى الله الذين اتقوا بمفازتهم لايمسهم السوء ولاهم يحزنون )الزمر من 53-61
v
هذا وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
SHAREECADU MAXEY KA TIRI KUWA CAAYA ALLAAH & RASUULKA &DIINTA
& SAXAABADA NABIGA? ..
JAWAAB: Su,aashani waa su,aal aad usoo laablaabata ,sabtoo ah markii iimaanka dadka intiisa badan daciifay cilmiguna yaraaday, jahliguna batay ,dadkii wanaaga dadka fari lahaana si gaar ahaaneed loo canbaareeyey , ayaa waxaa dhacday intaan gaalada lagaarin iney dad badan oo muslin sheeganaya ku dhiiradeen iney afka ku taagaan allaah iyo rasuulkiisa iyo diintiisa.. Subxaana llaah miyey hilmaameen Allaah subxaanahu watacaalaa inuu yahay kan naftooda gacanta ku haya , miyeysan ogeyn inuu afka qaban karo inteysan ku dhiiran xumaanta , Caqligoodu ma tusi waayey oogu yaraaan iney amarkiisa qaataan ama ka xishoodaan sidey uga xishoodaan madaxdooda , kuwaas mid ka mida hadii layiraahdo gudoomiyaha ayaa maanta dhib kaa sheegaayey waxaad arkeysaa inuu seegaayo jiif iyo joog, habeenkaas iyo maalintaas , hadaba caqliga saxda ah wuxuu ku tusayaa in axadkii ixsaan kuu sameeya layiraahdo waad mahadsan tahay, ama Jasaaka llaahu kheyran , Akhii ma jiro ixsaan ka weyn midka Allaah kuu sameeyey, hadaan dhahno maanta oo dhan waxaan tirineynaa nicmooyinka Illaahay ma soo koobi karno .
قال الله تعالى : ( وإن تعدوا نعمة الله لا تحصوها إن الله لغفور رحيم ) النحل :18
Nabi Muxamedna s.c.w. abaalka uu inagu lee yahay mid lasoo koobi karo ma,aha Doorashadii Allaah doortay iyo diridii Allaah inoosoo diray, dhamaan waxey aheyd galad xaga Eebe ka ahaatay, Nabi Muxamed s.c.w. wuxuu inagu lee yahay inaan rumeyno oo raacno oon ka jeclaano nafteena ehelkeena iyo maalkeena ..
قال رسول الله e : )لايؤمن أحدكم حتى أكون أحب إليه
من والده وولده والناس أجمعين ) متفق عليه .
Hadaba qof caqli leh damiirkiisu ma usaamaxayaa inuu axad abaal intaas la eg ku leh afkiisa ku taago qaar waxaan xusuustaa dhihi jirey markey hadlayaan , Nabiga carbeed , Yaa ikhwaanii Nacam nabi muxamed s.c.w. waa carab , laakiin dadka oo dhan ayuu rasuul iyo nabi u yahay , qofkii rumeeya isagey uroon tahay , kii diidana isagaa ka caano maali , Raxanweyntu waxey tiraahdaa ninkii la fahmi waado edeb daradiisa Aadaala aadaa..
Diinta oo la caayana waa musiibo kaleeto , sidee qof iimaan sheegaanaya u caayi karaa diin ka soo fushay rabil-caalamiin , diin nabi muxamed s.c.w. lagu soo dajiyey , diin lagu khatimay diimihii jiri jiray oo dhan , diin ka jirta allaah agtiisa oo mudan in rabi lagu caabudo , anigu waxaan u maleynaa kuwaas ku dhiiraday iney caayaan islaamka iyo ragii islaamka ka soo xumbaaray nabiga s.c.w. ee ina soo gaarsiiyey in hadeysan si dhaqso ah uga towbad keenin ficiladaas xunxun iyo gaalnimadaas cad in illaahay la doonay meel xun oon wax loo qaban karo jirin , Akhii Rabil caalamiin waxa ka soo fuley qadari oo qiimee ..
Allaah ayaa ceeb oo dhan ka hufan , Allaah ayaa ka doortay nabi muxamed s.c.w. uunka oo dhan , Allaah ayaa diinta islaamka udoortay iney ahaato tan usuubata in isaga lagu caabudo, Allaah ayaa saxaabada nabiga abuurey iney ahaadaan kuwii nasiibka uhelay nabiga s.c.w.
Qofkii intaasoo dhan garan waaya isagaa ka caano maali doona wuxuu ka helo xadgudubka xaqa illaahay iyo rasuulkiisa iyo diintiisa iyo saxaabada nabiga s.c.w. Intaasi waxey aheyd hordhac iyo isbaraarujin , hadii aan ulaabano jawaabta su,aashan : Cidii cayda allaah iyo diintiisa iyo nabigiisa iyo saxaabada nabiga s.c.w. haduu horey muslim u ahaan jirey wuu gaaloobay, sidaas ayuuna islaamka kaga baxay, qofkii diintiisa badalna waxaa abaalkiisu yahay in la dilo , haduu horey gaal u ahaana waajibkiisa ayaa la marsiin ilaa uu edebdaradaas ka laabto, ileen gaalnimo gaalnimo kama danbeysee , mas,aladan wax kale iska daaye culumada muslimiintu waxey isku hayaan kuwa caaya allaah iyo rasuulkiisa ma la aqbalayaa towbadooda? Mise la aqbali mayo? taasina waxey ku tuseysaa khatarta ay mas,aladani lee dahay, hadaba dhamaan walaalaha soomaaliyeed waxaan si gaar ahaan ugu baraarujinayaa inaan nafta loo horseedin khatar aan garowsho laheyn, gaar ahaan samankan gaaladu usoojeesteen dabargoynta diinta iyo ahludiinka, akhii adigu waxaa lagaa rabaa inaad difaacdo diintaada laakiin hadaad ku darmato kuwa diinta habeen iyo maalin usoo jeeda sidey nuurka illaahay udamin la haayeen ogow adiga unbaa khasaaray..
Mas,aladan iyadoo faahfaahsan oo sababaheedii iyo daliilkeeda wadata ayaan si tafatiran wax uga qori doonaa inshaa allaahu tacaalaa ..
AKHII HADII AAD DAMACDO INAAD WAX IGU BIIRISID AMA AAD IGA KAALMEYSO QORAALADA ISDABA JOOGA AH, WAXAAD IGA SOO WICI KARTAA MOP.0508359466
هذا وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ..